39 musharax oo ka qaybgelaya tartanka Madaxweynaha Soomaaliya

Soddon iyo sagaal (39) musharax oo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya ayaa ka qaybgelaya doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa goordhaweyd soo gabagabeeyay diiwaangelinta mushuraxiinta oo saddex maalmood socotay, waxaana is-diiwaangeliyay 39 musharax oo ay ku jiraan madaxweyneyaal iyo ra’iisul wasaareyaal hore.

Ra’iisul Wasaareyaashii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cali Maxamed Geedi oo la filayay in ay ka mid noqdaan musharaxiinta ayaa ka soo muuqan liiska.

Musharaxiinta ayaa labada maalmood ee soo socota (11-12 May) jeedin doona khudbadahooda, halka 15-ka May tahay maalinta ay dhacayso doorashada Madaxweynaha.

Hoos ka akhriso liiska musharaxiinta iyo hadal jeedintooda.

1. Cabdi Aadan Hoosow
2. Cabdi Cali Xasan
3. Cabdi Maxamed Kuusow
4. Cabdikariim Xuseen Guuleed
5. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed
6. Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud
7. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
8. Cabdiraxmaan Macallin Axmed (Ablaal)
9. Cabdiraxmaam Maxamed Cabdi Xaashi
10. Cabdiqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn).
11. Cabdiqaadir Cosoble Cali
12. Cabdiqaadir Sheekh Cali (Baqsaadi)
13. Cabdullaahi Cali Axmed (Caddoow Cali Gees)
14. Cabullaahi Cali Xasan
15. Abuukar Aadan Cabdulle
16. Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)
17. Bashiir Xaaji Cali
18. Daahir Maxamuud Geelle
19. Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan
20. Xasan Cali Khayre
21. Xasan Sheekh Maxamuud
22. Xuseen Cabdi Nuunow
23. Jamaal Axmed Ibraahim (Tifoow)
24. Jibriil Ibraahim Cabdulle
25. Mahad Axmed Diiriye
26. Maxamed Cabdiraxmaan Cali
27. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
28. Maxamed Aamiin Faarax
29. Maxamuud Daahir Aweys
30. Mukhtaar Maxamed Sayid
31. Nucmaan Sheekh Cumar
32. Cumar Cabdiqaadir Axmed Fiqi
33. Cismaan Xasan Weheliye (Xasan Bariise)
34. Ridwaa Xirsi Maxamed
35. Siciid Ciise Maxamuud
36. Siciid Cabullaahi Maxamed (Deni)
37. Shariif Sheekh Axmed
38. Taabit Cabdi Maxamed
39. Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

PUNTLAND POST