Sida taariikhdu u hagayso barnaamijka siyaasadda ee Deni

Faallo

Madaxweyne Deni wuxuu diyaar u yahay in siyaasiga lagula xisaabtamo taariikhdiisa hoggaamineed

Madaxweyne Deni waa siyaasi doodihiisu u eg yihiin kuwo laga soo dhambalay buugga caanka ah ‘Amiirka’ ee Niccolò Machiavelli.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu dhowaan ku dhawaaqay inuu mar labaad  tartamayo si uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Waa siyaasiga keliya oo diyaar u ah inuu dhaxalkii ururkii SSDF wax ka qaato, waxna ka tago.  Khudbad uu dhammaadkii 2019kii jeediyay ayaa xambaarsanyd dareen dhibbanenimo siyaasadeed ah oo Puntland ka dhigayay meel ururkii Maxkamadaha iyo SSC iyo Khaatumo isu bahaysteen hadda ka hor. Doodda uu Deni soo bandhigay laba sano ka hor intuusan siyaasad ahaan ku ilko-beelin loollaankii awoodeed kala dhexeeyay Xoogga Aminga Puntland (Puntland Security Force) waxay kaga duwan tahay doodaha siyaasiyiinta Soomaaliyeed soo gudbiyaan ilaa hadda hal dhinac: Deni waa siyaasiga keliya oo runta ka sheegay in go’aammada siyaasigu ay saameyn ku leeyihiin nolosha Soomaalida.

Taas macnaheedu waa: waynu yeelan karnaa awood aynu kula xisaabtanno siyaasiga, sidoo kalena waynu abuuri karnaa dabaqad siyaasadeed oo aan sinna loola xisaabtami karin. Waa suurtogal in Deni maalmahan akhrinayo buugga Prince oo uu qoray Niccolò Machiavelli, diblomaasigii iyo taariikhyahankii Talyaaniga ahaa. “Inkastoo dadku aysan u qalmin inay kala-dambayn ku soo rogaan Qaran waayo aragtiyadooda kala duduwan ayaa u diidaya inay isku raacaan meesha wanaagga Qaranku ku jiro, laakiin mar haddii runta la baro dadka, may oggolaan doonaan inay runta ka tagaan” ayuu Machiavelli qoray.

Muuqaal ka mid ah khudbaddii ee Deni 2019kii jeediyay.

Sida uu uga taariikhiiyeey ololohii ururkii Maxkamadaha ma wada dhammaystirnayn. Wax baa ka jiray in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed taageerayay dhaqdhaqaaqii Khaatumo 2011-2012, laakiin,wax taageero ah ma siinin ururkii SSC uu Xaglatoosiye camcamay markii lagaga guuleystay tartankii uu u galay Madaxtooyada Puntland 2009kii. Deni wuxuu  xusay colaaddii Kalshaale, oo ahayd mid siyaasiyiin ay alooseen. Axmed Cabdi Xaabsade,  oo hadda Garoowe jooga ayaa waagaas ahaa Wasiirkii Warfaafinta maamulka Somaliland, wuxuu kaalin ku lahaa colaadda, ka sokow u goosashadiisii Hargeysa 2007kii iyo dib ugu soo goosashadiisii Puntland 2014kii. Way jirtaa in Khaatumo isku dayday inay isbahaysi siyaasadeed la samaysato siyaasiyiinta Muqdisho, waxaase soo afjaray Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo 20016kii cuskaday cahdigii Puntland lagu asaasay, ilaa haddana siinaya Puntland awood ay ku maamusho doorashada heer federaal ee gobollada lagu muransan yahay.

Deni dhibaato hoggaamin xumo ay keentay ayuu SSDF ka mayrayay. Muu xusin in tanaasul loo sameeyay beelaha ku kaltama Madaxtooyada Puntland, sidoo kalena in kuwa loo tanaasulay ay gabeen inay maareeyaan dhaqanka qabqablenimada oo Puntland muddo ka soo jiray. Madaxda Puntland waxba kama dheefin waaya-aragnimadii qaxa iyagoo og in Puntland ay tahay maamul barakacayaal unkeen.

Waa dhab in ururkii Maxkamaduhu isfidinayay isagoon kala saareynin qabqablayaashii Xamar ka sameeyay Isbahaysigii La Dagaallanka Argagixisada iyo maamulladii kala-dambaynta abuuray qabqablenimo la’aan. Deni wuxuu illoobay (ama is illowsiiyay) in ururkii Maxkamaduhu dhidabbada u aasay inta yar oo kala dambaynta oo ka jirta Muqdisho maanta waayo dagaalyahannadii Maxkamadaha ayaa soo gabagabeeyay amar-ku-taagleyntii qabqablayaasha. Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxaaba ka horyimid qabqablayaashii ka tirsanaa sida Muuse Suudi iyo Maxamed Qanyare.

Puntland iyo dagaalka lagula jiro “xagjirka”

Puntland waa maamulka labaatan sano ka hor (2002kii) sameeyay ciidan nabad-sugid beeleed ah. Xilligaas waxay afhayeennadii dowladdii Puntland ee Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ku tilmaami jireen jabhaddii Jaamac Cali Jaamac  “kooxo Al-itixaad ah oo isa soo firfircooneysiiyay” (rejuvenated). Isla sanadkaas ayaa la asaasay nabadsuguddii Puntland (oo loo yiqiin Puntland Intelligence Service). Puntland waxay ku doodaysay in nabadsugiddu (PIS) ay qeyb ka tahay dagaalka lagula jiro argagixisada. Argagixso kama jirin Puntland waqtigaas. Mashruuc mushaar lagu doonanayay ayuu ahaa (Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo Madaxwene Deni labaduba way isku dayeen inay wax ka qabtaan ciidankaas sharcidarrada ah laakiin way ku guuldarreysteen).

Puntland waa maamulkii ugu horreeyay oo dadkiisa ku tilmaaay dad argagixso ku dhex nooshahay Soomaaaliya oo aysan isqarxin ama colaado diimeed ka jirin. Dilalka qorsheysan waxay ka billowdeen Gaalkacyo 2007dii, sida uu sheegayna Guddoomiye Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare, ragga dhowr iyo tobanka sano xasuuqayay dadka ku nool gobollada Puntland gaar ahaan Gaalkacyo badankood ka soo jeedeen beelaha Puntland siyaasad ahaan ka tirsan.  

Madaxweyne Deni wuu og yahay in madaxda Puntland ay halis-galiyeen nolosha reer Puntland inta uusan soo bixin ururkii Maxkamadaha oo aan samaysmi lahayn haddii qabqablayaashu aysan lacag ka soo qaadanin dalal shisheeye oo taageerayay awoodda xasiloonidarraynta ee qabqablayaasha, halkii ay xitaa in yar ku taageeri lahaayeen dowladdii federaalka ku-meelgaarka ahayd oo fadhigeedu Baydhaba ahaa.

Ku afgobaadsiga habka federaalka

Arrimmaha Madaxweyne Deni kaga hadlay khudbaddiisii 2019kii waa dhacdooyin qaarkood dhacay intuusan ku soo biirin siyaasadda. Wuu isku dayay inuu dib-u-habayn ku sameeyo ciidammada sharcidarrada ah Puntland qaarkood laakiin waxaa ka hor yimid dhaqanka isqabasho la’aanta ay Puntland caanka ku tahay.  Way ka go’an tahay inuu hayb beeleedka Puntland lagu dhisay u adeegsado ujeeddooyin siyaasadeed isagoo og in Puntland tahay maamulka keliya oo hal beel ay leedahay, taasoo sababtay isla xisaabtan la’aan (isma il-buxiyaan). Ilaa hadda ma jirto caddayn sugan oo ku saabsan heshiisyada Puntland gasho (tusaale heshiiskii DP World oo uu Deni ku tilmaamay mid dib loo eegay waayo Madaxweyne Cabdiweli Gaas wuxuu, sida Deni sheegay, galay heshiis Puntland sed la’aan dhigayay). Ma jirto hab loo dabagalo heshiisyada kalluumaysi ay maamulladii kala duwanaa ee Puntland saxiixeen; lama oga dakhliga ka soo xerooda lacagta laga qaado maraakiibta shisheeye oo ay Puntland siisay shatiyo kalluumeysi.

Markuu Madaxweyne Deni taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya ka hadlayo wuxuu bixiyaa farriin ah inuu dhowrayo dhaxalkii SSDF oo ahaa urur aan jirin 1991kii markii USC qabsatay Gaalkacyo. Ururkii hoggaamiyihisii 1978kii ku baaqay in lala dagaallamo beesha Maxamed Siyaad Barre wuxuu noqday urur aan jirin 1991kii. SSDF durbaan colaadeed ayay tuntay kaddibna barkinta ayay dheereysatay oo u dhaaftay reer miyiga inay u babac-dhigaan ciidammo beeleed watay hub uu Mengistu soo siiyay. Waa taariikh sheegid mudan waayo dhowaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisal Wasaare hore iyo murrashax madaxweyne, ayaa ku baaqay in dowladda hadda jirta la iskugu tago kuna dooday in federaalka xal u yahay Soomaaliya. “Dalku wuu burburay markii Muqdisho ay burburtay [1991kii]” ayuu yiri isagoo habka federaalka u qareemayay. Ma hab federaal ayaa Puntland ka jira? Habka federaalku waa hab qabqablayaashii lagu xoojinayay Waa aragti siyaasadeed oo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf keenay kuse dambaysay dareenka guul-ku-faan ee Puntland (triumphalist).  Way fiicnaan lahayd in Madaxweyne Deni sheego in dadka Puntland ku nool dhibbane u ahaayeen siyaasiyiintooda ka hor soo bixistii ururkii Maxkamadaha. Soomaaliya la iskuma doorto hufnaan laakiin dalku wuxuu u baahan yahay siyaasiyiin ku dhiirrada dhab u hadalka. Su’aalo badan ayaa Madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni horyaalla, waxaa ka mid ah: waa: Miyay Puntland tusaale hoggaamineed u noqon kartaa Soomaaliya inteeda kale? Ma habka Puntland oo Madaxweynuhu maamulayo xeerdejinta (baarlamaanka) iyo maaliyadda dadweynaha (public finance) ayuu Deni la rabaa Soomaaliya hadduu Madaxweyne noqdo? Sidee dowlad aan dalka oo dhan ka talinin ama ka difaaci karin dadkeeda in la barakiciyo u geli kartaa heshiisyo kheyraad? Waa su’aalo la isweyddiin karo marka dib loo jalleeco taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya dhowr iyo tobankii sano ugu dambeeyay.

Liibaan A. Axmad

libahm@gmail.com