Halista Heshiisyada Sida Xilkasnimo-darrada ah Soomaaliya u gasho — Faallo

Laba heshiis oo maamullo Soomaaliyeed ay galeen ayaa keeni gaaray in laba dal ay weerar ku soo qaadaan Soomaaliya.

Muddo-xilleedka Madaxweyne Farmaajo, muddo-xileedkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo muddo-xileedkii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxaa la saxiixay oo la fududeeyay heshiiyo Soomaaliya nabadgelyadeeda ama danaheeda qaran halis galiyey.

Soomaaliya waxay ka welwelsan tahay saameynta uu yeelan karo heshiiska uu Wasiirka Batroolku Cabdirashiid Maxamed Axmed la saxiixday Coastline Ltd. Dad badan baa qaba in xil iska hubin ah (due diligence) uu saarnaa shirkadda sababtoo ah dalku xilli kala-guur ayuu ku jiraa. Heshiis uu saxiixo mas’uul xilkas ah iyo kan uu saxiixo mas’uul xilkasnimo-daran waa heshiis isku mid ah. Ma shirkadda ayaa soo dirsatay Wasiirka heshiiska sharcidarrada ah saxiixay?

31 sano ka hor markii dowladdii militariga la afgambiyay haddii dowlad cusubi xilka la wareegi lahayd oo la aqoonsan lahaa, tallaabada ugu horreysa oo ay qaadi lahayd waxay ahaan lahayd inay aqoonsato dhammaan heshiisyadii taliskii hore galay iyo deymihii uu qaatay. Waa sababta loogu baahan yahay in dal uu yeesho madaxa ka baaraandegi karta saameynta heshiisyadu ku yeelan karaan nolosha faca dambe.

Halis dagaal

Tan iyo 2009kii laba heshiis oo ay maamullo Soomaaliyeed saxiixeen ayaa suurtogalin gaaray dagaal lagu soo qaadi karay Soomaaliya. Heshiiskii Isafgarad oo dowladdii federaalka ku meelgaarka ahayd la saxiixatay Keenya 2009kii ma ahayn oo keliya mid murangalinayay bad Soomaaliya leedahay, waxaa dhici gaartay in Keenya, oo ciidammo nabad-ilaalin ay Soomaaliya, weerar ku soo qaaddo xeebta Soomaaliya si ay u qabsato badda Soomaaliya ay si sharci ah u leedahay. Sida uu Ra’iisal Waasirihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke sheegay 2016kii “Norway ayaa qortay heshiiska Keenya ku qiyaamaysay Soomaaliya”.

Ciidammada Keenya waxay 2011kii Soomaaliya u soo galeen ujeeddo isdifaacid — waa dood amni oo la mid ah dooddii Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi soo bandhigay 2006dii markii uu ciidammadiisa u soo diray Soomaaliya si uu ula dagaallamo ururkii maxkamadaha . Awood-darrida Soomaaliya ayaa ugu wacan in Keenya ay dowladda Soomaaliyeed kaga awood-badan tahay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Maxay, haddaba, dowlad sidaas u taagdaran heshiisyo wax-soo-saar wadaagis (Coastline Ltd) ama kalluumeysi (Shiinaha) u saxiixday.

Halista labaad waxay ka soo foodsaari gaartay Soomaaliya xoogaga Xuutiyiinta Yemen oo dagaal kula jira ciidammo taageero ka hela dowladda Imaaraatka Carabta. Dhowr jeer ayay Xuutiyiintu ka doodeen inay weerar ku soo qaadaan Berbera oo ay dowladda Imaaraatku saldhig militari ku lahayd.

Laga billaabo 2009kii halista in Soomaaliya dagaal lagu soo qaado way sii badatay. Meesha sartu ka quruntay waa aaminsanaanta in Soomaaliya leedahay dowlad la taag ah dowladaha kale inkastoo amarrada dowladda federaalka Soomaaliya ka shaqaynin qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Intaas waxaa dheer, yaboohii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa wuxuu ku baxaa mushaarka ciidammada nabad-ilaalinta Afrika (AMISOM). Soomaali badan ayaa sugaysa in murrashixiinta madaxweyne soo bandhigaan sida ay wax uga qaban karaan heshiisyada ay dowladda federaalku sida aan ka fiirsasho lahayn u saxiixdo ama u fududeyso in la saxiixo.

W.Q. Liibaan Axmad

libahm@gmail.com