Sheekh Mustafe Ismaaciil: “Dhisidda damiirka ayaa ka habboon kasbashada aqoon badan”

W.Q. Maxamuud S. Cali 

Sheekh Mustafe Ismaaciil, oo muddo ku soo jiray fidinta diinta Islaamka, ayaa si qoto-dheer uga hadlay aqoonta badatay iyo dadnimo-wanaagga yaraaday. Sheekhu wuxuu sheegay in aqoonta badani u horseedday Soomaalida ka dhiidhin-waaga lunsashada hantida dadweynaha. “Weliba waa la amaanaa qofka lunsada hantida dadweynaha” ayuu Sheekh Mustafe yiri.

Aqoontu waxay noqotay mid wax lagu boobo, lagu soo saaro hub jiritaanka aadanaha tirtiri kara, aalad lagu dibindaabyeeyo dunida laga awood-roon yahay, ayuu Sheekhu yiri.

Taas waxaa dheer sida dalalka isu yaqaan “dalalka hore u maray”, gaar ahaan Galbeedka, ay ugu guntadeen fidinta dhaqammadooda liddiga ku ah diinta Islaamka.

Sheekh Mustafe Ismaaciil wuu ku baraarugsan yahay weerarka dhaqameed ay deeqbixiyayaashu ku hayaan dalalka saboolka ah sida Soomaaliya.

Sanadkii hore madaxa Sirdoonka dal reer Galbeed ah ayaa u sheegay idaacad in shaqadoodu tahay fidinta qiyamka dalka (waxyaabaha dalkiisu ku dhaato ku dhaato). Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay ku dhaataan in carruurta dugsiyada loogu dhigo in guurka nin iyo haweeney yahay guur dhaqameed (traditional marriage), laakiin ay jiraan guurar kale (tusaale, laba nin oo wada nool ama laba dumar oo wada nool, in ilmuhu yeelan karo laba aabbe ama laba hooyo). Ma oran karno way isu dhaxaan laba qof oo isku jinsi ah.

Dib u qeexidda gurracan ee guurka

Macnihii guurka isbeddel ayaa ku dhacay sida ku cad qaamuusyo badan sida Oxford English Dictionary iyo Merriam Webster. Guurka waxay qaamusyadu ku qeexaan xiriir sharci ah oo dhexmara laba qof oo uu isu dhaxa. Qeexiddi hore waxay ahayd: xiriir sharci ah oo dhexmara qof lab ah iyo qof dheddig ah si ay nolol u wadaagaaan.

Qeexidda cusubi waxay dhiirrigelinaysaa in laba qof oo isku jinsi ah nolol wadaaagi karaan iyadoo mid ka mid ah loogu yeerayo seyga ninka kale ama afada haweeneyda kale.

Sidee haddaba Galbeedku u fidiyaa dhaqammada siyaasadaysan oo sarreeysiinaya waxa loo yaqaanno ilbaxnimada galbeedka? Galbeedku wuxuu ku fidiyaa dhaqammadiisa waxa loo yaqaanno xuquuqda aadanaha, oo marka xiriirka dadka laga hadlayo ku qotonta in qofka qaangaarka ahi siduu doono u noolaan karo, in wixii anshax-darro ahaa hadda laga dhigay wax sharcigu bannaynayo waayo waa doorashada qofka inuu siduu doono u noolaado haddii uusan wax dilaynin ama xadaynin ama xadgudub kale samaynaynin.  In ka badan dhowr iyo konton sano ka hor Biritayn waxa baabbi’isay sharci dambi ka dhigi jiray ragga wax isu doonta.

Intaas kuma joogsan. Hadda waxay maraysaa in carruurta la su’aalo musqusha ay tagayaan. Haddii, tusaale ahaan, wiil uu isu arko inuu gabar yahay wuxuu xiran karaa dharka hablaha, ama wuxuu tagi karaa musqusha hablaha. Jinsigu, sida hadda Galbeedka ka jirta, ma aha wax loo dhasho, waa heyb qofku aamino hadduu rabanna iska beddeli karo.

Dagaal dhaqameed baa goor hore qarxay

Sheekh Mustafe Ismaaciil wuxuu sheegay in dagaal dhaqameed uu muddo socday. Sida looga hortagi karo ma aha in dadka looga sheekeeyo wax aan dhisaynin damiirkooda.

Maraykanku wuxuu ilaa 2016kii sanad walba soo saarayay warbixin ku saabsan xuquuqda aadanaha. Soomaaliya waa ka mid dalalka uu warbixinta sanadlaha ah ka soo saaray. Warbixinnadii soo baxay 2016, 2017, 2018, 2019 iyo 2020 waxay xambaarsan yihiin farriin siyaasadeed iyo dhaqan doorin: in bulshada Soomaaliyeed neceb tahay kooxda loo yaqaanno LGBTI oo ay ku bahaysan yihiin dadka isku jinsiga ah oo isu galmooda, dadka lab ama dheddig u dhashay hase ahaatee sheegta inay isbeddelen jinsi ahaan, iyo kuwa aan lab ama dheddig midna inu aqoon.

Warbixinta Wasaaradda Arrimmaha Dibedda Maraykanku ka soo saartay xuquuqda aadanaha Soomaaliya waxa xusaynaa in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo soo baxay 1963kii uu ambi ka dhigayo laba qof oo inku jinsi ah oo isu galmooday, iyo in sharcigu dambi u arko ku xadgudubka dhowrsanaanta (“The country’s law classifies sexual violence as an “offense against modesty…”).

Haddii Maraykanku sidaa uga hadlayo Soomaaliya waxaa xigi doonta inuu soo qoro in ay xagudub tahay in dadka aan loo oggoleyn inay hilibka doofaarka cunaan ama ku kala iibsadaan miijiska ama kawaanka. Muxuu Maraykanku Soomaaliya ugu qasbayaa sharciyo ay dejiyeen xubnaha golaha wakiilladiisa? Erey aad ugu badan afka Soomaalida u shaqaysa hay’adaha dowladda ka madaxbannaan waa ereyga Ingiriisiga ah gender.  Ereyga u dhigma ee af Soomaaliga waa cayn (lab ama dheddig). Ereygani (gender) wuu ballaartay. Waxaa lagu kabay trans, oo wuxuu noqday transgender (cayn-dhaaf – qof labnimo ka gudbay am qof dheddignimo ka gudubtay).

Dhaqan fidintu waxay la socotaa yabooha uu dal bixinayo. Haddii dal uu gacanta hoorsado waxaa xigta in lagu qasbo fidinta dhaqan-xumo ku duulaysa baalasha “xuquuqda aadanaha”. Gacanta sare waxay rumeysan tahay inay gacanta hoose ka dhaqan wanaagsan tahay.
Waxaa xusid madan in dalalka Galbeedku ay maanta la rafanayaan hoos u dhac tirada dadka waayo macnihii guurka ayaa la beddelay. Marka nin iyo haweeney isguursadaan baa la filaa in taran dhici karo. Dallada LGBTI waa ciidanka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed oo ah gumeysiga cusub ee hadda socda. Waa arrinta uu Sheekh Mustafe Ismaaciil nagu baraarujiyay, Eebe ha dhowro Sheekha.

Maxamuud S. Cali, Upstate New York.