Muxuu Galbeedku u rabaa in Aala Sheekh ama Damuljadid midkood ku soo noqdo Villa Somalia?

W.Q. X. F. Maxamuud

Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Axmed, Axmed Madoobe iyo Mukhtaar Roobow waxay ku duulaan garbaha Islaamka Siyaasiga

Doorashada dadban ee Soomaaliya waxaa si gaar ah indhaha ugu haya dowladaha Galbeedka. Way kala ujeeddo duwan yihiin laakiin waxay ka mideysan yihiin in kooxihii magaca Islaamiyiinta ku soo galay siyaasadda ay awoodda dib ugu noqdaan.

Kooxahani waxay u xuubsiibteen qowlaysato ogaatay in Soomaaliya muddo dheer ku sii tiirsanaan doonto AMISOM. Ku soo noqoshada Villa Somalia waxay siinaysaa fursad ay ku lacageystaan waayo higsigoodu ma aha in ay dhisaan kalsoonida gobollada. Ma doonayaan inay, sida Madaxweyne Farmaajo, dowladda federaalku noqoto maamul federaaleedyadu u dabafariistaan siyaasadda arrimmaha dibedda iyo amniga qaranka.

Galbeedku wuxuu ka dhex arkaa Aala Sheekh iyo Damuljadid fursado Soomaaliya ku sii hayn kara xaaladda madaxdoodu heer walba u dhaqmayaan maamullo isku wada awood ah, heshiisyo kala duwan geli kara. Habkan dowladnimo oo Galbeedku la jecel yahay Soomaaliya waxaa ku sii dhex jira necbeysiinta Soomaalida diinta waayo kuwa loo bixiyay Islaamka Siyaasiga (political Islam) ku suntan way ka musuqmaasuq badan yihiin kuwa aan u abaabulneyn hab diimeed.

Aala Sheekh iyo Damuljadid, iyagoo ku duulaya garbaha Islaamka Siyaasiga, ayay haddana dhidabbada u taagayaan kala fogeynta diinta iyo siyaasadda. Yaa is lahaa hoggaamiye dhowr iyo toban sano ka hor dowladda federaalka u yiqiin dowlad riddo ah ayaa maanta si bareer ah ku tiirsan dal Soomaaliya uu kala dhexeeyo muran dhul badeed? Yaa is lahaa Madaxweyne hore, oo baarlamaankii 2009kii ku eedeeyay inuu ku gefey diidista heshiiskii Is Afgarad oo Kenya lala saxiixday, ayaa maanta doonaya inuu mar kale Soomaaliya ka noqdo madaxweyne?

Waxaa dhab ah in Soomaalidu u dulqaadato madaxda dalkooda khiyaameeya, la shaqeeya cadawga qarannimada Soomaaliya. Waxaa sii caddaanaysa in Islaamka Siyaasigu yahay midiidinka imbariyaaliyadda. Sida uu sheegay Maxamed Bin Salmaan, dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudiga, kooxaha hoostaga Islaamka Siyaasiga waxaa loo asaasay in lagula dagaallamo fidista shuuciyadda. Waxay u kala bexeen kuwo xagjir hubeysan noqday iyo kuwo shaatiga beddeshay (Aala Sheekh, Damuljadid, Aaran Jaan iwm). Siyaasi calaamadihii diinta sita oo diinta la dagaallamaya waa ifafaale Soomaalidu ku soo kordhisay siyaasadda.

X. F. Maxamuud, Gaalkacyo