Shirka Yagoori iyo Xalaalaynta Barakicinta Qasabka ah

W.Q. Cali Maxamed Ciise

Sidee buu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil gogol raadgaadasho u fidin karaa isagoo taageeray barakicinta qasabka lagula kacay dad Soomaaliyeed?

Shirka uu ku baaqay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil si ay u wada hadlaan beelaha Jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahan Siyaad ma aha mid ku salaysan ujeeddooyin nabadeed; wuxuu ku salaysan yahay ku raadgadasho maaddaama Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil taageeray barakicintii qasabka ahayd oo uu maamulka Somaliland Laascaanood ugu geystay in ka badan 1800 qof oo Soomaaliyeed.

Maleeshiyada beesha u hoggaamiyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayuu maamulka Somaliland u adeegsaday barakicinta qasabka ah oo lagu maxkamadayn doono rag dhalasho dalal Yurub ah haysta.

Sidee Maleeshiyada Mahad Cambaashe Awood Xad-dhaaf ah u yeelatay?

Bishii Oktoobar 2007dii ayuu Axmed Cabdi Xaabsade maleeshiyo beeleed saldhig uga sameeyay duleedka Laascaanood. Muddo yar kaddib waxay sheegteen inay maamulka Somaliland daacad u yihiin. Maamulka Puntland tallaabo adag marnaba kama qaadin kooxdii Xaabsade oo markii dambe si fudud ugu guuleysatay inay gacanta ku dhigto Laascaanood. Koox beeleed maamulka Somaliland ku masruufaysay Yagoori ayaa Laascaanood timid oo Xaabsade kula loollantay kagana awoodbadisay gacan ku haynta magaalada.

Xaabsade ma helin ciidan beeleed uu ugu babacdhigo Mahad Cambaashe.

Toddoba sano kaddib ayuu Xaabsade dib ugu soo goostay Puntland oo uu maanta deggan yahay ka sokow barakicintii uu geystay, iyo taageeradii uu siin jiray ciidanka maamulka Somaliland markuu socday dagaalkii Kalshaale. Ciidan beeleedka Yagoori waxaa xukuma Mahad Cambaashe oo dejiyay siyaasadda maanta maamulka Somaliland ku joogo Laascaanood: wuxuu ciidanka Somaliland keenay ilaa Gambadhe isagoo ku andacoonaya in maamulka Hargeysa ku sugan yahay dhul beeshiisu degto. Siyaasaddan waxay siisay Mahad Cambaashe awood aad uga weyn tan maamulka Somaliland: ciidan beeleedka Mahad Cambaashe waxay isu xilsaareen ka hortagga kacdoon Laascaanood ka dhaca, halka ciidanka uu geeyay Gambadhe (oo hadda jooga Tukaraq) uu u xilsaaray ka hortagga weerar ka iman kara maamulka Puntland. Waa siyaasad keentay in maamulka Somaliland si aad ugu tiirsanaado ciidan beeleed dadka kale Laascaanood ka sheegta, ku dhibaateeya magaalada. Sanadkii 2013kii wuxuu Saleebaan Yuusuf Cali Koore ku eedeeyay maamulka Somaliland inuu ka dambeeyay dilalka Laascaanood ka dhacay. Eedeynta uu Saleebaan u soo jeediyay maamulka Somaliland waxay ka dhalatay dhaawac uu dabley ka mid ah ciidan beeleedka Mahad Cambaashe u geystay ganacsade Axmed Cabdi Timir.

Horjooge Mahad Cambaashe wuxuu doonayaa in ciidan beeleedkiisa uun ay Laascaanood hub ku sidan karaan.

Doorashadii dowladaha hoose kaddib waxaa ciidan beeleedka Laascaanood sheegta soo fuulay cadaadis siyaasadeed oo maamulka Somaliland ku yaraynayo ku tiirsanaantiisa horjooge Mahad Cambaashe. Mahad Cambaashe oo uu ka xirmay albaabkii “Laascaanood waxaa dullaan ku soo ah beel Puntland taageersan” ayaa la shiray Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil si loo fuliyo qorshe dadka Soomaaliyeed lagaga barakicinayo Laascaanood kaddib iyadoo la adeegsanayo ma xishoodeyaal qaarkood dhalasho dalal Yurub ah degganaansho ku leh laakiin sheegta inay Laascaanood ka soo jeedaan. Waa sababta Beesha Ugaadhyahan aysan marnaba u oggolaan doonin in lagu raadgato oo la isku sawiro iyadoo magaca Maxamuud Garaad la adeegsanayo. Tan kale, marnaba Beesha Ugaadhyahan raalli ka noqon mayso dalabka Mahad Cambaashe oo ah mid ciidan beeleedkiisa oo keliya awood u siinaya inay Laascaanood hub ku haystaan si ay si fudud ugu beegsadaan dadka dulmigooda ka dhiidhiya.

Maamulka Somaliland waa awr kiraale Xaabsade uu soo watay kuse dambeeyay gacanta Mahad Cambaashe. Shirka Yagoori waa gogol lagu xalaalaynayo barakicintii qasabka ahayd oo loo geystay Soomaali dhulkooda hooyo joogta.

W.Q. Cali Maxamed Ciise, Taleex