Muxuu Ingiriisku u Diiddan Yahay in Cunaqabataynta Hubka Laga Qaado Soomaaliya?

W.Q. Faysal Cali Budul

Muqdisho (Faallo) — Dowladda Ingiriisku waxay aad uga soo horjeeddaa in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya.  Muxuu dal horseed ka ahaa in Soomaaliya ay ka baxdo ku meelgaarka si shirkadihiisu heshiisyo shidaal ula saxiixdaan Soomaaliya hadda uga ololeynayaa in Soomaaliya yeelato awood ay hub ku soo iibsan karto?

2012kii markii Soomaaliya ay ka baxsday ku meelgaarka, Ingriirku wuxuu ka mid ahaa Midowga Yurub. Xubinnimadaas waxay u fududeysay in uu horseed ka noqdo jiheynta siyaasadda Soomaaliya isagoo kaashanaya ganacsato Ruush ah oo lacagtooda ku maalgalinayay heshiisyada shidaal baaris ay shirkaddii Soma Oil la gashay Soomaaliya.

Askari Biritish ah oo tababbaraya askar ka tirsan Xoogga Dalka.

Dadka aad u taageersan dowladda federaalka waxay ku eedeynayaan Ingiriiska inuu xagal-daacinayo siyaasadda difaaca ee Soomaaaliya. Waa dhab in Ingriisku doonayo in ciidammo Afrikaan ah lagu masruufo Soomaaliya, Siyaasadda Ingiriisku laba weji ayay lahayd: 2016kii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu eedeeyay in ay xilal u dhiibtay taliyayayaal ciidan shuucigii uu soo tababbaray, iyo in ciidammada maamul federaaleedyadu ka tayo-wanaagsan yihiin kuwa dowladda federaalka.  Waxay ahayd dood aad loogu guuxay. Dowladda hadda jirta ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyo waxay fulisay qodob asaasku ahaa Qaabdhismeedka Amniga (Security Architecture) lagu go’aamiyay shirkii London ee Soomaalida loo qabtay Maajo 2017kii. Dib-u-habayn amni ayay dowladdu ku guuleysatay si ay meesha uga saarto ciidammo aad u tiro-badan oo aan jirin hase ahaatee magacooda mushaar lagu qaadan jiray. Soomaaliya waxay ku guuleysatay 2019kii inay samayso wax Afgaanistaan samayn weyday ugu dambayntiina keentay in dowladaha reer Galbeedku ka daalaan bixinta mushaar la siinayo askari aan jirin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo la sheekeysanaya Boris Johnson oo 2017kii ahaa Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Biritayn.

Xirfadnimada ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya sare ayay u kacay in kastoo aan la oran karin waa ciidan qaran oo hoostaga hoggaamiyeyaal rayid. Ingiriisku wuxuu tababbar siyaa ciidammada Soomaaliya ka sokow taageerada horumarineed. Bishii Abriil 2021kii ciidammadii Soomaaliya ku sugan Muqdisho waxay u kala baxeen kuwo dowladda taageersan iyo kuwo beeleed. Waa sababta Ingiriisku uga soo horjeedo in Soomaaaliya yeelato awood ay hub ku soo iibsato dalka oo aan lahayn ciidan qaran oo ay dhammaan awoodaha siyaasadeed (maamul federaaleedya) ku kalsoon yihiin.

Midowga Yurub xubnihiisu aad ayay ugu riyaaqeen sida Ruushku isu hor istaagay hindisaha Ingiriiska si cunaqabataynta hubka saaran Soomaaliya loo kordhiyo.  Safiir hore ee Ingriiska u joogay Muqdisho ayaa u sheegay mid ka mid ah madaxda xisbiyada Muqdisho in “go’aanka Biritayn kaga baxday Midowga Yurub uu saameeyay siyaasadda arrimmaha dibedda ee Ingiriiska”. 

Siyaasad ahaan Inigriisku wuxuu marayaa heerkii uu saadaaliyay Malcolm Rifkind, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Ingiriska sagaashamaadkii: “Ingiriisku wuxuu noqonayaa awood dhexe ka bixitaanka uu ka baxay Midowga Yurub awgiis.” Maanta Ruushka ayaa ka hor yimid siyaasadda Ingiriiska ee sii kordhinta  waqtiga cunaqabataynta hubka Soomaaliya saaran. Waa fashil siyaasadeed oo soo foodsaaray Ra’iisal Wasaare Boris Johnson.

Faysal Cali Budul