Eyl: Safiirka Switzerland ee Nairobi oo ka mid ah goobjoogayaasha doorashada Puntland

Safiirka Switzerland ee u fadhiya Nairobi Ambassador Valentin Zellweger ayaa ka mid ah goobjoogayaasha caalamiga ah ee korjoogtaynaya doorshada saddexda degmo ee Puntland.

Ambassador Valentin Zellweger iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa tegay degmada qadiimiga ee ah Eyl oo ka mid ah degmooyinka ay hadda ka socoto doorshada golaha deegaanka ee qof iyo cod, wuxuuna booqday goobaha codbixin magaalada Eiyo deegaannada hoostaga.

Ambassador Valentin Zellweger ayaa ah safiirka Switzerland ku qaabilsan dalalka Kenya, Somalia, Uganda, Burundi iyo Rwanda, xaruntiisuna waa magaalada Nairobi

Switzerland ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ka taageerada dhinacyada horumarka, dimuqraadiyeynta iyo nabad dhisidda dalka.

Puntland ayaa markii ugu horreysay maanta qabatay doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu dooranaya goleyaasha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

PUNTLAND POST