Madaxweynaha Jubaland oo amar dul-dhigay wasiirada iyo Agaasimeyaasha

Muuqaalka Madaxweynaha jubaland

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxmed Islaan Axmed (Madoobe) ayaa amar ku bixiyay in golaha wasiirada aysan shaqo iyo fasax toona u bixi karin, iyagoo aan waraaq ka qaadan madaxtooyada.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa amar ku bixiyay in agaasimeyaasha guud iyo kuwa waaxyada aysan shaqo iyo fasax toona u bixi karin, haddii aysan waraaq ka qaadan wasaaradooda.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in amarkan uu dhaqangeli doono maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 21/10/2021.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyay kulan aan caadi ahayn oo maanta la qaatay golihiisa wasiirada.

PUNTLAND POST