Macluumaad ku saabsan doorashada saddexda degmo ee Puntland

Gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah ee codbixiyaasha doorashada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Tirada guud ee dadka codkooda ka dhiiban doona doorashada saddexda degmo ayaa ah 37,578 qof (Soddon iyo todoba kun, shan boqol todobaatan iyo sideed).

Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof (Labaatan kun, lix boqol iyo labaatan).

Degmada Eyl waxaa codkooda ka dhiiban doona 8,671 qof (Sideed kun, lix boqol todobaatan iyo kow), halka Ufeyn ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,287 qof (Sideed kun, labo boqol sideetan iyo todoba).

Doorashadan oo ah mid hordhac ah, waxaa ku tartami doona 9 urur siyaasadeed, waxayna dhici doonta 25-ka bishan Oktoobar.

PUNTLAND POST