Madaxweyne Farmaajo oo caawa ka hadli doona xukunka kiiska badda


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono xukunka Maxkamada ICJ ee kiiska badda.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo khuadbadaas ugu hadli doono halgankii loo soo maray kiiska badda, caqabadihii ku xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeedinaya khudbad ku saabsan Xukunka Maxkamada ICJ ee Kiiska Baddeenna, isaga oo la wadaagaya Shacabka halgankii loo soo maray Kiiskan, caqabadihii ku xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Kenya” ayaa lagu yiri qoraal uu ku saxiixnaa Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa saacad ka hor go’aan kama-dambeys ah ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday waxaana loo xukumay Soomaaliya, halka 12 mile laga reebay dhul-badeedkii Soomaaliya. Dhul badeedkii lagu muransanaa ayaa cabirkiisu ahaa 100,000 KM.

Go’aanka Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ka gaartay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah mid aan racfaan lahayn.

PUNTLAND POST