Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay xiisadda Galmudug iyo Ahlusunna

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug uu haysto sharciyad buuxda oo mas’uul ka ah amniga deegaannada Galmudug, sidaas awgeed laga dheeraado tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan”.

“Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta” ayaa sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay maamulka iyo shacabka Galmudug in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka Al-shabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonidooda.

PUNTLAND POST