Garowe: Guriga Taliyaha Booliska Nugaal oo la weeraray

Koox hubeysan ayaa goordhaweyd weerar ku qaaday guriga uu magaalada Garowe ka degan yahay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal Maxamed Aadan Jaamac.

Muddo daqiiqado ah ayaa rasaas laga maqlayay guriga Taliyaha oo ku yaala xaafadda 1-da August oo ah mid aad loo ilaaliyo amaankeeda.

Khasaare ka dhashay weerarkaas lama soo werin, sidoo kale ma jirto cid ilaa iyo hadda ka hadashay.

Rasaasta caawa saqdii dhexe ka dhacday guriga Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Nugaal ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha Gorowe.

PUNTLAND POST