Gaalkacyo: Ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo tababar loo soo xiray

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa maanta xerada Godod ee duleedka magaalada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan ciidamada daraawiishta.

Muunasabada soo xirtaanka tababarka waxaa ka soo qaybgalay Guddiga dib u habeynta ciidamada oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliiska, Taliye Xigeenka Labaad ee Ciidanka Daraawiishta, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidmadda, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Senator Maxamed Cali Yusuf, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo lan Gobolka Mudug.

Ciidamadan tabarbarka loo soo xiray ayaa ah dufcadii labaad ee ka baxada Dugsiga Gen. Carays ee Godod waxaana la sheegay in ay qaateen tabarbaro isugu jira, khibrada goobaha dagaalka, habka laysu difaaco, akhaalqda ciidanimo, caawinta bulshad Iyo casharo kale oo dhanka ciidamada ah.

Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Cabdi ayaa bogaadiyey ciidanka tabarka loo soo xiray waxaana uu sheegay in ay xuquuqdooda ay u helayaan si joogta ah sowladdana ay ka fo’antahay tayeynta iyo dib u habaynta ciidanka.

Dowladda uu hoggaaminayo Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horumar ka samaysay dhismaha ciidamada kala duwan ee Puntland.

PUNTLAND POST