Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Wasiir Dubbe oo kamid noqday Aqalka Sare

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ku guuleystay kursiga 3aad ee xildhibaannadda Aqalka Sare ee ka imanaya Somaliland.

Kursigan oo tartan adag ay wada galeen Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Alle-bari ayaa waxaa wareegii labaad ku guuleystay 25 cod Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, halka Prof. Alle-bari uu helay 21 cod.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuikar Dubbe ayaa ku guuleystay kursiga 4aad Aqalka Sare ee ka imanaya gobolada Waqooyi ee Somaliland. Dubbe ayaa helay28 cod, halka musharaxii la tartamay Cabdikariin Maxamed Xasan uu helay 17cod.

Leyla Axmed Ismaaciil ayaa iyaduna ku guuleystay kursiga 5aad, kdib markii ay cod gacan taag ah ay ku heshay 39 cod, Layla Axmed Ismaaciil waxaa u tanaasulay Maxamed Maxamuud Cabdi.

Kursiga 6-aad Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland waxaa ku guuleystay Bilaal Idiris Cabdullaahi oo horay ugu fadhiyay, isagoo wareegii koowaad helay 37 Cod, halka Seynab Axmed Boqore oo la tartamaysay ay heshay 8 cod.

Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta qorshuhu ahaa in la doorto lix kursi ayaa la soo gabagabeeyay.

PUNTLAND POST