
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa xalay shaacisay liiska cusub ee xubnaha golaha degaanka degmada Bander-beyla ee gobolka Karkaar.
Liiska oo ka kooban 23 xubnood waxa kamid ah 4 haween waxaana la filayaa in ay saaka doortaan guddoonka golaha ahna guddoomiyaha cusub ee degmada Bander-beyla.
Guddoomiyihii hore ee Bander-beyla Siciid Aaden Cali Anteeno ayaan isagu kamid ahayn dadka u tartamaya xilka guddoonka golaha degaanka kadib markii uu tanaasulay.
Dadka u tartamaya xilka guddoomiyaha Bander-beyla waxa haatan ugu cad-cad Cabdirashiid Yuusuf Cali Jaamac (Cabdirashiid Daacad) kaas oo la saadaalinayo in uu ku guulaysto guddoomiyaha degmada.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.