Somaliland iyo Taariikhda Siyaasadeed ee Geeska Afrika

W.Q. Liibaan A. Axmad

Doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka oo ka dhacay meelo ay Somaliland ka arrimiso waxay abuureen doodo yimid xilligii loo baahnaa. Doodda ugu kulul waxaa soo bandhigay  Maxamuud Geeldoon oo waraysi siiyay Somali TV Minnesota Geeldoon wuxuu xusay in maamulka Somaliland isa saaray xil sharci darro ah: kala goynta Soomaaliya. Laba sababoodba hadalkiisu wuu u culus yahay: 1- wuxuu ka dhashay beel ka mid ah beelaha Imbaradooriyaddii Biritishka la saxiixday heshiis ilaalin  oo gaar ah, heshiiskaas oo siyaabo kala duwan Biritishku u jabiyay waayo wuxuu Soomaalida ku dhaqayay xeer (customary law), wuxuuse dadkiisa ku dhaqayay Xeer Guud (Common Law). 2- Kala-goynta Soomaaliya si gaar ah ayay u saamaynaysaa beesha Geeldoon ka dhashay waayo ku dhowaad 40% waxay ku dhaqan yihiin dhulkii Talyaanigu gumeysan jiray gaar ahaan gobolka Bari. Weyddiinta soo bixi karta waa: ma Soomaali ayaa sidii gumeystayaashii reer Yurub u kala qaybsadeen isu kala qaybsanaysa?

Maxamuud Geeldoon wuxuu ku dooday in xuduudo gumeystayaal beelo Soomaaliyeed ka dhex sameeyeen aan loo cuskan karin kala goynta Soomaaliya.

Geeldoon wuxuu taabtay dagaalkii lagu jabiyay dhaqdhaqaaqii Daraawiishta iyo xariggii Suldaan Maxamuud Cali Shire. Dagaalkii dhexmaray Biritishka iyo xoogaggii Daraawiishta waxay ka mid yihiin dagaallada lagu xusay A Global History of War, uu qoray Gérard Chaliand. Majaladda The Economist oo sanadkii 2000 gorfeysay  Encyclopedia of Africawaxay xustay in tafaftiryaashu, Kwame Anthony Appiah and Henry Louis Gates, Jr., ka tageen taariikhda hoggaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Waa heshiisyada Soomaalidu gashay qarnigii 19aad kuwa yeelan kara doodo sharciyeed oo weli taagan waayo Somaliland waxay dooddeeda goosashadu ku salaysan tahay qayb ka mid ah heshiisyada (sida Soomaalidu u dhowrtay heshiisyada), way illowsan tahay sida Soomaalida danaheedii loogu xadgudbay markii heshiisyadaas la jabiyay.

Geeldoon muu xusin in ku dhowaad seddex meelood meel dhulka Soomaalida heshiiska ilaalin ku gashay si qarsoodi ah loogu wareejiyay Imbaradooriyaddii Itoobiya sanadkii 1954kii. Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahiim Cigaal oo hadal 1968kii ka jeediyay Royal African Society wuxuu sheegay in Biritayn heshiisyo qarsoodi ahaa la gashay Itoobiya kuna wareejisay dhul Soomaalidu degto.  Taariikhdeennu kama billaabanin qarnigii 19aad. Soomaalidu waxay lahayd ilbaxnimo ganacsi, dhulkeedana waxay ku ilaashan jirtay magaca Soomaaliyeed. Dad la qabsado oo dhaqan ahaan la dhalanrogo ayay Soomaalidu noqon lahayd haddii ay ahaan lahayd ummad u nugul weerarro.  Soomaalida ayaa gef laga galay markii hashiiskii lala galay uu isu beddelay mid xaq Soomaalidu leedahay lagu duudsiiyay.  Mohammed A. Nurhussien, oo dhakhtar ahaa, wuxuu buugga Made in Ethiopia, ku qoray in Xayle Salaase ku tilmaami jiray Muslimiimta Itoobiya “ dadka nala nool”.  Soomaalida waxay ka mid ahaayeen dadkaas degganayaasha ahaa; ma lahayn xaq dhalasho.  Waa arrinta uu Axmed Mire, sarkaal ka tirsanaaa ururkii SNM, si dadban uga faallooday dhowr toddobaad ka hor, sheegayna in dadka ku noolaa dhulka Soomaaliyeed uu Birtishuku gacanta ku hayay aan loo oggolayn furashada xisbiyo siyaasadeed. Reer Waqooyigu waxay koonfurta Soomaaliya tageen iyagoo aan lahayn xisbiyo siyaasadeed u dhigmay SYL: odayaal dhaqameed ayaa habkii xukunka dadban (indirect rule) iyaga ku maamuli jiray. Marnaba reer Waqooyigu ma helin fursado iyaga loogu diyaarinayay madaxbannaani. SYL uun baa u taagnayd midayn dhulalka Soomaaliyeed ku kala jiray gacanta Talyaaniga (xilligii gobanimo-gaarsiista) iyo Biritayn.

Xayle Salaase (Ras Tafari Makonnen) oo 1924kii London kaga qabgalaya Carwadii Imbaraddooyidda Biritishka.

Soomaalidu ma sixiixin heshiis dhowray danihii Imbaradooriyaddii Biritayn oo keliya, waxay ka qabgaleen dagaalkii labaad. Waa sababta Hargeysa looga xuso dhammaadkii dagaalkii labaad ama maalin ka mid bisha Nofeembar sanad kasta si loo xusuusto  xabbadjoojintii 1918kii. Itoobiya Heshiis ma sixiixin aan ahayn mid ay ku qaadanaysay dhul Soomaaliyeed. Taas waxaa dheereyd in Biritishku xoreeyay Itoobiya markii fashiistadii Talyaanigu soo weeraray dhulkii loo yiqiin Abasiiniya.

Somaliland iyo Midowga Afrika

Midowga Afrika marnaba dheg uma raariciyo dadaalka Somaliland ku raadinayso inay ka go’do Soomaaliya. Itoobiya, oo xarunta ururku ku taallo ahna dal saamayn siyaasadeed oo wayn leh, waxay aad uga soo horjeeddaa goosashada Somaliland sababo sharciyeed awgood. Itoobiya way og tahay in sheegashada Somaliland oo ku salaysan xudduudihii gumeysiga noqon karto waddo-halaq-mareen (precedent). Haddii Somaliland sheegan karto dhul ka mid dal Afrikaan ah oo xubin ka ah Midowga Afrika maxaa u diidaya inay isla dooddan u adeegsato  sheegashada dhul dad Soomaaliyeed oo ay dowladda Biritishku si sharcidarro ah ugu dartay Itoobiya 1954kii? Itoobiya waxay afartaamadkii, xilli ay ku hoos ku jirtay Biritishka oo u yiqiin Dhul Cadaw (enemy territory) heshiis shidaal qodis ku siisay Sinclair, shirkad Maraykan ah, si marnaba uusan dhulkaas uga hoos bixin Itoobiya, sida uu Bahru Zewde ku qoray A History of Modern Ethiopia1855-1991

Xabashidu waxay si qorshaysan uga macaashtay awoodihii Galbeedka: Biritayn baa fashiistihii Benito Musoluno ka xoreysay Itoobiya; ku dhowaanshaha Maraykanka wuxuu Itoobiya ka caawiyay inay sii korodhsato dhulalkii Soomaalida ay ka qabsatay. Itoobiya way og tahay in dareenka Soomaalidu ka qabto dhulballaarsigii Xabashida yahay mid weli jira, keenay dagaallo madaxbanaanni-doon ah dhaliyay in Itoobiya laba dal loo kala jaro 1993kii.

Soomaaliya waxay dhalatay markii gobollada Waqooyi iyo Koonfureed Midoobeen

Dagaalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya badankood waxay ku salaysnaayeen dareenkii ka dhashay dhulkii Soomaalida oo sida qarsoodi ah loogu wareejiyay Itoobiya.  Dadka dhulkaas ku nool waxaa u  billoway gumeysi cusub.  Dhammaan mahadhooyinkan taariikheed waa kuwo xusid mudan waayo ma aha madaxda Somaliland oo keliya kuwa taarriikhdu uga billaabato 18kii Maajo 1991kii; Soomaalidu guud ahaan waxay waayeen kayd-qoraalladii taariikheed ka caawin kari lahaa waxa dhexmaray dalkooda iyo dalalka la jaarka ah. Soomaaliya waxay maanta ku tiirsan tahay waa xusuus mararka qaarkood aan sugnayn.

Menelek (Mililiq): “Soomaalidu lo’ada ayay ii raacaan; anigaa dhulkooda leh.”

Leenco Lataa, hoggaamiyihii hore ururka Gobanimaddoonka Oromada (OLF) wuxuu ku qoray buuggiisa The Horn of Africa as Common Homeland,  in Menelek (Mililiq) ka codsaday Biritayn inay isaga  siiyaan dhulka Soomaalida waayo “Soomaalidu lo’da ayay ii raacaan.”  Inkastoo Xabashida iyo Soomaalidu jaar ahayeen qarniyo badan, Menelek dooddiisu waxay muujisay in aqoonta Soomaalida uu u lahaa ay aad uga hoosaysay tii reer Yurub.

Fursado la seegay

Muddo Somaliland waxay haysatay fursado ay ku jiheyso isbeddellada siyaasadeed ay Soomaaliya u baahan tahay. Way iska soo oodday Soomaaliya inteeda kale halka xasiloonnidarrada koonfurta Soomaliya ka jirtay ay keentay in beesha caalamku maalgeliso dib-u-dhiska hay’adaha siyaasadeed ee Soomaalida. Horumar gaabis ah ayaa la gaaray hase ahaatee maanta wax wayn ayay Soomaalidu ka dheefaan ku faro-adaygga ilaalinta qarannimada Soomaaliya. Way og yihiin in, qarannimo la’aanteed, ay u nuglaanayaan, talis qabqableyaal ama weerarro dowlado shisheeye ku soo qaadaan Soomaaliya.

Soomaaliya midnimadeeda dhuleed iyo siyaasadeed waxaa marar badan lagu xusay go’aammo ka soo baxay Golaha Ammaanka. Afrika laba dal uun baa tan 1991kii ka go’ay dalal: Eritreeya (1993kii) iyo Koonfurta Suudaan (2011kii).  Go’aanka goosashada Somaliland wuxuu yeeshay dhowr saamayn: 1- dad Soomaaliyeed baa qaybo ka mid ah dhulkaooda laga soo tarxiilay; 2- dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah ka soo degi lahaa Berberba ayaa laga hor istaagay inay soo deegaan inkastoo cadaadis kaddib, loo oggolaaday inay markabka ka soo deegaan; 3- Qaybo ka mid ah  Waqooyiga Soomaaliya (ex-British Somaliland) –  dhulka lagu murusnan yahay—waa dhul ay hay’adaha gaaggaarku tagi karin waayo Somaliland ayaa u taqaan dal gaar ah una diyaar ah inay ku dagaallanto; 4- dowladda Somaliland waxay saldhig ciidan siisay  Imaaraadka Carabta, oo waxay heshiis la gashay shirkadda DP World oo ah shirkad ay dowladda Imaaraadku leedahay haddana maamusha dekedda Bererba. Tallaabooyinkani waa kuwo Soomaaliya maanta ka dhigay dal qarka u saaran inuu lumiyo qarannimadiisa waayo madaxdiisu waxay u dhaqmayaan sida madax-dhaqameedyadii heshiisyada la galay dalalkii reer Yurub, halka Itoobiya oo markii  Menelek (Mililiq) ka talinayay iyo maanta, ku dooddayso inay dal tahay kuna guulaysatay inay qaadato dhul Soomaalidu ku nooshahay. Itoobiya waxay Biritayn la gashay heshiis qarsoodi ah iyadoo ka mid ahayd Ururkii Qaramada (League of Nations), ugu dambyantiina la wareegtay dhul Soomaalidu ku noolayd iyadoo xubin ka ah Qaramada Miidoobay xilli  Waqooyigu meel la ilaaliyo ahaa, koonfurtuna gobanimo-gaarsiin (trusteeship) ku jirtay.

Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya

Heshiiskii 2013kii dowladda federaalku la gashay Somaliland wuxuu Hargeysa xaq u siiyay inay deeqasha si toos ah u hesho. Heshiiskaasi muu keenin in Somaliland wax ka bedeshso siyaasadeedda abuurtay in qayb ka mid Waqooyiga Soomaaliya noqotay dhul lagu murusan yahay oo hay’adaha gargaarku aysan tagi karin. Ma jirin xil Puntland ka saarnaa ka dhaadhicinta Somaliland inay dhowrto xaqa dadka ku nool dhulka lagu murusan yahay oo qaarkood xildhibaanno ku lahaa Baarlamaanka Federaalka 2012-2017kii. Somaliland waxay dooratay inay ka fa’iidaysato kala qaybsanaanta siyaasiyiinta dhulka lagu muransan yahay.

Puntland ayaa soo magacawda xildhibaannada ka imanaya dhulka lagu muransan yahay. Ma jirto sabab dhulkaasi u sii ahaan karo dhul lagu muransan yahay oo ka mid ah dal jira. Waa lagama marmaan in dhulkaasi noqdo dhul ka caaggan ciidammo iska soo horjeeda. Waxaa sidoo kale tixgelin mudan in dowladaha Soomaaliya kaalmada siiya sida Biritayn, EU iyo Maraykanka lagala hadlo xaqa horumarineed ee dadka ku nool dhulka lagu muransan yahay.

Waxtarka Midnimada

Midnimada Soomaaliya waxtar badan ayay reer Waqooyiga u leedahay. Reer Waqooyi waa bulsho xoolodhaqato u badan, halka koonfurtu xoolo-dhaqato, beeralay, kalluumaysato iyo magaalooyin soo-jireen ah leedahay. Burburkii dowladdii dhexe wuu saameeyay hab-dhismeedka bulsheed ee koonfurtu caanka ku ahayd waayo ciidammo hubaysan oo badankood miyiga ka yimid ayaa ku habsaday degmooyiinkii caanka ku ahaa kala duwanaanshaha beelaha dhanka haybta iyo dhaqan-dhaqaalaha. Isbeddelladani may jideynayaan in Soomaaliya la kala gooyo. Waa kuwo dowlad karti lihi wax ka qaban kari doonto.

Inkastoo Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed mas’uuul ka ahaayeen dagaallo beeleedyo 1991kii ka dhashay kala-jabkii ururkii USC,  may iska dhaadhicnin in Soomaaliya laba dal tahay ama noqotay dal baaba’ay.  Waxay garanayeen waxa dhici kara haddii ay bixiyaan farriin ah in Soomaalidu illowday dareenkeedii qarannimo.  Gaboodfallo ayaa ka dhacay koonfurta – xasuuq, barakicin iyo  macaluushayn – laakiin madaxdii waagaas joogtay marnaba ma tuurin mabda’a in Soomaaliya hal dal tahay iyo in qof kasta iman karo kuna noolaan kao meeshuu rabo. Sababta maanta Soomaaliya nabaddeeda loo maalgalinayo waa dareenka qarannimo oo weli Soomaalida ku jira.

Atul Kohli, oo wax ka dhiga jaamacadda Princeton,  wuxuu ku dooday qarannimadu tahay hanti. Waa halis in ummadi ay bannaanka ka istgaagto ama burburiso qarannimo, ummad qarannimada unkiddeeda iska kaashatay. Soomaalidu uma dhaqmi karto qarniga 21aad sidii odayashii Soomaalidu dhaqmi jireen dhammaadkii qarnigii 19aad, xilligaas oo qorsheyaashii Afrika lagu qaybsaday hirgalayeen.  Danta Soomaaliya waxaa lagu ilaalin karaa qarannimada. Waa iyada tan loo mari karo xallinta xadgudubyada dhacay tan 1960kii waayo qofka Soomaaliyeed xaqiisa siyaasadeed, horumarineed iyo dhaqaale waa mid aan qaybsami karin.  Dhowaan wuxuu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay in hanti badan oo reer, koonfureedku leeyihiin taallo Hargeysa.  Si dadban ayuu dadka ugu sheegayay in Soomaalidu aysan kala maarmin.

Maanta fursad wayn ayaa jirta lagu xallin karo dhibaatada horumarineed ka taagan qaybo ka mid  Waqooyiga Soomaaliya oo uu maamulka Somaliland ka taliyo ama sheegto. Dhulkaasi ma sii ahaan karo dhul xuddun u noqda colaad siyaasadeed.  Soomaliya waa dal kursi ku leh Qaramada Midoobay.  Waa bisayldarro siyaasadeed in maanta reer Waqooyigu u ekaaday dad ku kala qaybsan raadkii uu ka tagay taliskii maamulkii dadbanaa ee Biritishka. Dalka Biritayn gudahiisa dhaqdhaqaaq baa jira goobo iyo wadddooyin magacyo lagaga beddelay si dadku aysan u xusuusansin xiriirka taariikheed ay magacyada la beddelay la leeyhiin Imbaradooriyaddii Biritayn.  2018kii Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay goob loogu dabbaaldagayay sanadguurada ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ciidanku ka soo jeedo King’s African Rifles. Taariikh ahaan sax ama, hase ahaatee waa dood aydiyoolijayadeed. Madaxweyne Biixi wuxuu xoogga saarayaa waajibaadka saarnaa Soomaalidii maxmiyadda Soomaalida Biritishka ku noolayd oo wuxuu indhaha ka laalayaa xilkii saarnaa Imbaradooriyaddii Biritayn, waqtigan oo tiro aad u yar oo kaalmada horumarineed ee dowladda Biritayn siiso Somaliland ay soo gaarto dhulka lagu muransan yahay. Dooddiisu waxay dad badan xusuusisaa  hadalka diblomaasiyiinta Biritishka marka ay carrabka ku adkeeyaan xiriirka taariikheed ee Biritayn iyo Somaliland. Soomaalidu miyay marna ka caban kartaa ku biirinta dhul Soomaaliyeed dalka Itoobiya, marna miyay ku dhaadan kartaa isla taariikhdaas?  Waa dood taariikheed oo lakab hor leh ku kordhin karta cakirnaanta siyaasadda Soomaaliya.  

Liibaan A. Axmad

libahm@gmail.com