Sababaha Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Isu Maandhaafeen

W.Q. Liibaan A. Axmad

Wax badan ayay ku kala duwan yihiin himilooyinkii siyaasadeed ee asaasayaashii Puntland iyo meesha ay Puntland maanta u socoto.

Madaxweynayaashii Puntland soo maray iyo madaxweynaha hadda xilka haya.

Puntland waa maamul 22 jir ah. Hal sano ayuu ka weyn yahay dowladdii kacaanka, oo 21 jir iyadoo ah soddon sano ka hor jabhado ay afgambiyeen.  Tixraacii dowladeed ee kacaanka meel laguma oga; waa sababta dowladdii ku meelgaarku 2009kii u saxiixday heshiis muran galiyay badda Soomaaliya. Tixraacyadii maamul ee Puntland tan iyo 1998kii i waa la heli karaa. Taasi macnaheedu waa saameynta siyaasadeed ee Puntland laguma soo koobi karo dowlado isbedbedalay.

Madaxdii Puntland asaastay way ogaayeen in dadka dhulkii gaari-waa loo yiqiin u soo hayaamay yihiin barakacayaal haysta dhowr iyo toban sano si looga badbaado in Puntland isu beddesho maamul siyaasaddiisu ku salaynsan tahay beelo kala sadbursi ku loollamaya inkastoo casriyowgu (modernity) diidayo in maamul dad ka dhexeeya lagu qotomiyo habkii Soomaalidu u wada noolaan jirtay ka hor inta aysan dowladdu yeelanin awoodda maquuninta (coercive power).

Xididdada ismaandhaafka siyaasadeed u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland lama garan karo haddii taariikhda siyaasadeed ee Puntland aan hoos loo eegin. Puntland ma aha maamul garmaqaateyaal asaaseen. Laba kala-wareeg taariikheed (turning points) baa soo maray Puntland.

Kan kowaad waa markii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iscasilay Diseembar 2008dii. Wuxuu ka tagay fulin iyo xeerdejin isu dheellitiran; kama tagin maamul siyaasi ama beeshiisu ku adeegan kartay.  Waxaa beddelay maamul gacanta ku hayay xeerdejinta iyo fulinta; waxaa maamulkaas beddelay mid  kala mid ahaa awood-urursiga –  fulinta oo ka awood-badan xeerdejinta; waxaa sii beddelay dowladda hadda joogta oo sii kobcisay awood-urursiga. Puntland tusaale uma noqon maamul-daadejin; kaalinteedu waxay ku koobnayd u qareemidda habka federaalka. Xarunta Horumarinta Cilmi-baarista Puntland  (PDRC)  ayaa 2003dii iftiimisay baahida loo qabo dib u curinta habka siyaasadeed Puntland oo markaas ku salaysnaa awood-qeybsi beeleed xitaa marka garsoore la magacaabayo.

Kan labaad waa go’aankii Puntland ugu ololaysay ka bixitaanka ku meelgaarka si dhidabbada loogu sii adkeeyo habka federaalka. Madaxweeyne Cabdiraxmaan Faroole wuxuu sameeyay laba tanaasul  lala garan waayay. Wuxuu gebi ahaanba awooddii siyaasadeed gacanta u galiyay dowlad aan ku meelgaar ahayn hase ahaatee gacanta u gashay koox gaar ah. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud heshiis si gaar ah wax loogu siinayo Somaliland ayuu saxiixay halka Puntland aysan heshiis kaas la mid ah raadsanin inkastoo ay tahay maamul hoos taga dowladda federaalka. Sidoo kale Faroole wuxuu tanaasul u sameeyay maamulkii Khaatumo uu metelaad ka helay Barlamaankii Federaalka. Faroole waa lagu eedayn karay inuu ku tuntay Cahdigii Puntland markuu Khaatumo u aqoonsaday maamul jira inkastoo madaxdii Khaatumo iyo xildhibaannadiiba garan waayeen culeyska xilka matalaadda ay qaadeen. Waxaa kale oo Puntland seegtay fursaddii dimuqraaddiyeynta oo ay saamileyda siyaasadeed badankood ka hor yimaadeen 2013kii si ay ugu sii jiraan habka siyaasiyiintu ugu kaltamaan qabsashada madaxtooyada Garoowe.

Quusasho siyaasadeed

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu khudbaddiisii ugu dambeysay uu ka jeediyay Garoowe ku sheegay in dadkii reer Puntland la kexeystay. Muu sheegin cidda kexeysatay iyo meesha dadka loo kexeystay. Quusashada dadka Puntland badankood kama wada iman maamuldarro Deni uu sameeyay; waxay ka timid dhibaatooyinka siyaasadeed uu Deni ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay: baarlamaan hoos taga fulinta; deked la kireeyay wadatashi la’aan; hantidii dowladda sida xeryaha oo laga iibiyay ganacsato, iyo ciidanka Putland oo weli hab beeleed u abaabulan.
Maamulkii Cabdiweli Gaas wuxuu kala mid ahaa maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida loogu takrifalay hantidii maguurtada ee dowladda (iibinta iyo kireynta guryo iyo dhul dowladdu leedahay, tusaale ahaan). Dowladdii Federaalku waxay muujisay sida talada dalku gacanta ugu geli karto koox aan lala  xisaabtami karin oo hantida Soomaaliya u taal dibedda si qarsoodi ah u soo daadgureysay, dhigtay bangi Turkiga ku yaal, tirtirtay heshiiskii ciidankii Itoobiya Soomaaliya lagaga saaray si ciidammada Itoobiya ugu adeegaan dowladdii federaalka ka hor 2017kii.

Markii uu booqday Gaalkacyo 2015tii Madaxweyne Gaas wuxuu dadka u sheegay inay qaxaan ama iska celiyaan Al-shabaab. Sidee dad shacab ah iskaga dhicin karaan urur siyaasadeed-diimeed leh dhisme hay’adeed iyo awood uu ku geysan karo dilal qorsheysan? Qofna kama hadlin hadalkii gefka ahaa uu Gaas Gaalkacyo ka sheegay. Waa maalintii Puntland qaadday waddada ay maanta hayso. Gaas wuu ku doodi karaa in hab siyaasadeedka Puntland uu siiyay inuu qaato go’aammo lid ku ah danta dadka Puntland. Wuxuu isku dayay dib u habeyn ciidan; wuu ku hungoobay waayo saraakiisha tirin la’aanta ciidanka ka macaashayay ayaa qorshihii Gaas ka hor yimid. Wuxuu ku dadaalay in Puntland isu xilsaarto ku midaynta maamul federaaleedyada dheellitirka awoodda dowladda dhexe. Waxaa si degdeg ah u xumaaday xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Ismaandhaafka dowladda Puntland iyo dowladda federaalka ayaa saameeyay xuquuqda waxbarashada ardayda Puntland iyo xuquuqda ciidammada kala duwan ee Puntland oo bannaanka ka taagan dib u dhiska ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya. Ka qeybgalayaashii shirkii 2018kii lagu asaasay Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada waxaa maanta weli xil haya Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Kaalintii ururkaas waxaa beddelay isbahaysiga Badbaadinta Qaranka ay Deni iyo Axmed Muqdisho kaga dhawaaqeen.

Ku loollanka dib u qeexidda habka federaalka

Puntland ma aha maamul ku salaysan dhaqaale dagaal. Waa maamul dad soo barakacay ay hoos ka soo dhiseen.  Waxaa isdiiddan danta dabaqadda siyaasadeed ka hantiyeysatay qasnadda dowladda iyo danta dadka Puntland u dhaqaaqa kasbashada dakhli aan booli ahayn maalin kasta. Sida guddi loo saaray dhowaan u kuurgalista hoos u dhaca shilinka Soomaaliga Puntland daabacatay uu soo bandhigay, waxaa Puntland ka jira laba sarrif – kan suuqa iyo kan dowladda wax lagaga iibiyo. Waa sababta dad badani dan ugu arkeen inay dowladda wax ka iibiyaan waayo sarrifka dowladda wax lagaga iibiyo wuu ka sarreeya kan suuqa, oo waa sarrif xaalufiya qasnadda dowladda. Taas waxaa dheer, Puntland taariikh ahaan, waa maamulkii ugu horreeyay oo nabadsugid ka sameeyay Soomaaliya 2002dii xilligaas oo aysan jirin kooxo diimeedyo hubeysan. Markii Faroole talada qabsaday Janaayo 2009kii wuxuu ku dhaqaaqay wax ka qabashada nabadsugiddii Puntland oo gebi ahaanba ka madaxbannaanayd dowladda Puntland. Weli dhibaatadii ciidammo amni loollan uu ka dhexeeyo oo uu shisheeye wax siiyo ayaa taagan.

Puntland waxay u digorogatay fidinta hab siyaasadeed halis ku ah ujeeddooyinka habka federaalka oo ay asaasayaashii Puntland u arkayeen mid lagu ilaalin karo midmimada siyaasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Habka federaalka Puntland doonayso waa mid beelaha siinaya awood ay ku maamulaan kaabayaasha qaranka, heshiis kula galaan shirkado ama dalal shisheeye. Sidee Soomaaliya oo ah qaran u oggolaan kartaa in maamul federaaleedyadu u dhaqmaan sida maxmiyado? Sida ay halis u tahay in awooddu ku ururto gacanta hal koox heer dowlad dhexe ayay halis u tahay in awoodda heer maamul xubin federaal ay ku ururto hal koox hayb beeleed ku caanomaasha. Waa siyaasad ka soo jeedda dowladdii federaalka ka hor 2017kii waayo maamulkaas ayaa fududeeyay heshiisyo kaabayaasha qaranka lagula galay shirkad dowladda Imaaraadka Carabtu leedahay inkastoo dowladda hadda jirta ay ka soo horjeeddo heshiisyadaas. Su’aashu waa: ma Puntland baa heshiisyo aan dan u ahayn Soomaalida wadata mise waa isdabamarin siyaasadeed dowladda federaalka Soomaaliya ay dhiirrigelisay ka hor 2017kii? Halis baa jirta ah in dowladda federaalku, sida hore u dhacday, noqon karto aalad siyaasiyiin aan lala xisaabtami karin ku adeegtaan.

Mabda’a ah in fulintu aysan ku adeeganin xeerdejinta iyo garsoorka waa mid aan weli dhaqangelin heer dowladda dhexe iyo heer dolwad xubin federaalba. Waa in dowladda federaalku dhigto tusaalaha kala ilaalinta awoodaha si maamullada xubin federaal ugu daydaan.

Halganka siyaasadeed wuxuu u dhexeeyaa laba kooxood: koox u xusulduubaysa sarreynta awoodda beelaha u abaabulan maamul federaal ahaan iyo koox sarreynta awood urursiga dowladda dhexe taageersan.  Kooxdii aragtideedu guuleysato ayaa saameyn ballaaran ku yeelan doonta siyaasadda Soomaaliya muddo dheer.

Liibaan A. Axmad

Libahm@gmail.com