Kaligitaliye

W.Q: Mohamed Ahmed Elmi

Kalitalisnimadu waa qaab ka mida qaababka wax lagu xukomo oo taariikhda aadanahu intii ay jirtayba xiriir la lahayd. Kaligitaliye waxaa loogu yeeraa: cid walba oo isku koobta ama ka xigsata xukunka, talada iyo aragtida ummadda ka dhaxaysa inta kale.

Kaligitaliyihii ugu waynaa ee caalamkan soo maray Qur’anka ayaa inooga warramay oo waxa uu ahaa Fircoon. Saddex arimood oo laga dhaxlay ayay wali ku dhaqmaan kuwa xeeladihiisa isticmaalaa. Kow, qaybi oo xukun (Qasas aayadda 4aad). Labo, aniga ayaa iri (Qaafir: 29). Saddex, cabsi galin iyo cagajuglayn (Sukhruf: 54).

Inta bdan haddii aynu Soomaali nahay waxa aynu kaligitaliye u naqaan oo kaliya qof xoog ama cinqilaab talo kula wareegay, deedna sharciyad uu isagu isa siiyey wax ku dhaqay. Laakiin kaligitalis uma aynu naqaan midka ay bulshadu sharciyadda siisay oo markaas ka bacdi ka tillaabsaday sharciyadda sidaasna kaligitaliye ugu xuub siibtay. Waxa aynu niraahnaa: “sidee hebel kaligitalis u yahay waaba la doortaye”. Fahamkaas khaldan waxaa ina gayaysiiyey isdoorashada oo aynaan u qabin inay dhiigyacabyo dhali karo.

Si aadan dabinkaas ugu dhicin, waa lagama maarmaan inaad ogaato in dhiigyacabyadii ugu waa waynaa ee caalamkan soo maray ay ku yimaadeen sifo sharciya. Hitler, Mussolini iyo Stalin intuba doorashooyin xor ah ayay ku soo baxeen markii dambana waxa ay isu baddaleen bahallo dugaag ah.

Maxaa lagu gartaa kaligitaliyaha?

Hoggaamiyaha kaligitaliska u xuub siiban doonaa marka horaba dadka uma eka, maxaa yeelay waxa uu leeyahay hannaan iyo summado inta kale looga sooco.

Summadda koobaad ee lagu gartaayi waa inuu yahay marin habaabiye ama caadifad la hadal aan dadka maankooda la hadlin ee caadifaddooda xanxanteeya. Badanaaba siyaasad iyo hannaan horumarineed midna ma uu soo bandhigo ee waxa uu inta badan ku celceliyaa waddaniyadda, sharafta iyo in uu haybadda dalka iyo dadka kor u qaadayo.

Labo, waxa uu cadow u yahay madaxyawaynta siyaasadeed iyo nidaamka dalka uu hoggaanka u noqdo ka jira, sidaas daraadeed dadka ayuu u tusaa in ay cadow u yihiin. Nidaamka siyaasiga ah haddii uu yahay mid leh ‘dhaqanka isu dheelitirka awoodaha’ (checks and balances) waxa uu doonaa in uu furfuro si aysan isaga awooddiisu u wiiqmin.

Saddex, waxa uu hindisaa cadow ban-ku-abuur ah oo loogu yeero ‘Qaran Dumis.’ Cadowgaas khiyaaliga ahi waxa uu noqon karaa; qaybo bulshada ka mid ah, Muhaajiriin ama dawlado daris ah. Inta badan cadowgaas sheegistiisa waa lagu celceliyaa si dadku ula qabsadaan. Xilliyada hoos u dhaca, cadowgaas iyo mucaaradkiisa ayaa la isku xiraa.

Arinta afraad ee aad ku garan karto kaligitaliyaha ama kaligitaliyaha dhiigyacabka isu baddali doona waxaa weeye hamuunta xad dhaafka ah ee uu u qabo in la ammaano iyo carada iyo dhirifka uu ka qaado marka la dhaliilo.

Qodobka ugu dambeeya ee aad ku garan kartaa waxa weeye samaynta uu samysto hay’ado ama hoggaammo sharciga baal marsan. Hay’adahaani waxa ay noqon karaan Guulwadayaal wax ammaana, dacaayad-fidiyayaal wax jaa’ifeeya ama cudud wax lagu cabburiyiyo.

Maxaa sabab u ah in kaligitaliyuhu xididdaysto?

In hoggaamiye ku yimid sifo sharciya ama doorasho xor ahi uu isu baddalo kaligitaliye ama dhiigyacab waxaa sababa jiritaanka asbaabo fududeeya ama bari taarta.

Barbara Kellerman gabadha iska leh buugga ‘Bad leadership’ waxa ay tiraahdaa haddii aanay jiri lahayn raciyad xumi, hoggaamiye xumina ma jireen. Mar walba waxaa jira qaybo bulshada ka mid ah oo dhiirri galiya kaligitalisnimada. Kooxahaasi waxa ay yeelan karaan ujeedooyin kala jaad ah, laakiin waxa kaliya ee kulmiya ayaa ah taageerada ay kaligitaliyaha u hayaan.

Masalan, taageerayaasha Abdifitaax Siisi, kaligitaliyaha Masar, waxa ay isugu jiraan jaadad kala gaddisan oo ku midaysan in aysan Masar dimuquraadi noqon. Jaadadkaan waxaa ka mid ah: Masiixiyiinta oo ka cabsi qaba isbaddal noloshooda khatar galiya, cilmaaniyiinta oo ka cabsiqaba xukunka Islaamiyiinta, maalqabeenka dawlad ku naaxa ah oo ka cabsi qabo wixii ay dhaceen in laga soo mago iyo ciidammada oo ka cabsi qaba in ay awoodda dhumiyaan. Intaan oo isbahaysatay lehna warbaahin afkooda ku hadasha ayaa samastay raciyad kalitalisnimada taageero u ah.

Xeerarku ma xakamayn karaan kaligitaliyaha?

Haddii aad aaminsantahay in xeerarka la dhigtay ama nidaamyada lagu heshiiyay ay kalitaliyaha xakamayn karaan marka uu xididaysto waad khaldan tahay.

Timothy Snyder, taariikhyahanka iska leh buugga la yiraahdo On Tyranny, isaga oo xusuusinaya dawladaha leh ‘nidaamka isu dheeli tirka awoodaha’ in nidaamkoodu aanu ka xakamayn doonin marin habaayiye wata raciyad xun marka uu maago in uu kalitaliye u xuub siibto waxa uu yiri: kaligitaliyuhu marka uu xididaysto oo uu raciyad ayidsanna samaysto nidaamku ma hor istaagi karo maxaa yeelay nidaamka laftigiisa ayuu furfuraa.

Waxa uu tusaale u soo qaatay sidii uu Hitler dal dimuquraadi ahaa nidaamkiisii u rogay una abuuray dad lagu shubay in ay inta kale ka sareeyaan, kaligood waddani yihiin, xisbigooduna hal mid ah oo NAZI la yiraahdo yahay.

Timothy, buuggiisa waxa uu qoray markii uu Trump soo shaac baxay, laakiin qoraalkiisu waxa uu macna wayn yeeshay markii la arkay qaab xukunkii Trump. Timothy, waxa uu dadka Maraykanka uga digayey inaysan dimuquraadiyadda iyo nidaamku u shaqayn doonin sidii hore, marka uu yimaado kaligitaliye wata malaayiin raciyada, taas ayaana dhacday. Donald Trump oo ah marin habaabiye cunsuriya ayaa maanta leh shacbiyaddii ugu badnayd ee uu hoggaamiye Jamhuuriya yeesho. Iska daa in la hor istaagee isaga ayaa xisbigii Jamhuuriga yeeshay.

Soomaaliya kaligitalisnimo dib ma ugu noqon kartaa?

Marka aad tusaalayaashii kaligitaliyaha daristo, eegtana wixii dhacayey afartii sano ee la soo dhaafay, waxay ila tahay in jawaabtaadu noqon doonto ‘Haah’. Waase haddii aad ka mid tahay inta leh gu, garaad iyo garasho lagu fahmo wixii dhacay soddon sano ka hor.

Madaxwayne Farmaajo waxaa ka muuqda dhammaan calaamadihii lagu yaqaanay marin-habaabiyaha waxa uuna leeyahay raciyad kala shaqaynaysa in uu kaligitalis u xuub siibto. Raciyaddaasi waxa ay u qaybsantahay labo qaybood. Qayb gacan ku samays ah iyo qayb xilligu sameeyey. Qaybta dambe waxa ay ka kooban tahay dhalinyaro aan ogaal u lahayn waxii la soo maray iyo dad uu wakhtigu ku dheeraaday oo aaminsan in dawlad xoog badan oo wax khasabta loo baahan yahay.

Labadaan qoloba waxa aysan aqoon wanaagsan u lahay halka ay talada kaligitalisku aakhirka ku dambayn doonto. Waxa aysan ogayn in mushkiladda soomaalida haysataayi ay ku abtirsato kaligitaliye uu marin-habaabiye dhalay, ka bacdina dhiigyacab u xuub siibtay. Waxa aysan ogayn in kumannaan Soomaaliya sidooda oo kale ay taageero u hayeen bilowgii marin-habaabinta, laakiin marxaladdihii kaligitalisnimada iyo dhiigyacabnimadu u run sheegeen.

Haddii aynu dib ugu noqonno jawaabta su’aashii ahayd in Soomaaliya ay kaligitalis dib ugu noqon karto iyo in kale, waxaa xaqiiqo ah inaan cidina saadaalinayn su’aashaas, sababta oo ah dareenka wixii aynu kala kulannay kaligitaliyihii hore.

Soomaalida oo aan kala awood badnayn iyo nidaamka faddaraalka oo u samaysan inuu xakameeyo kaligitaliska ayaa inoo ahaa xeerar diidaya inaynu su’aashaas hadda iswaydiinno. Lakiin si la mida dooddii Timothy Snyder marka uu yimaado marin habaabiye wata raciyad khaldan ama la khalday waa adag tahy in xeerarku shaqeeyaan.

Waxaa Alle mahaddiis ah inaysan Soomaaliya sanadkaan ka dhicin doorasho qof iyo cod ahi, maxaa yeelay haddii ay taasi dhici lahayd waxa ay soo saari lahayd ama ay sharciyad siin lahayd kaligitaliye marxaladdii marin-habaabinta ka soo gudbay. Waa nasiibdarro in wixii ugu fiicnaa oo xulasho xor ahi ay soo saarto wixii ugu xumaa oo kaligitalis ah.

Waxaan rajaynayaa in Soomaaliya ay ka badbaaddo kaligitalisnimo ugu yaraan xulashada soo socota, laakiin ilama aha inay ka badbaadi doonta mustaqbalka inta ay jiraan marin-habaabiyayaal heli kara raciyad da’yar ah oo la khaldi karo iyo xulasho xor ah.

Mohamed Ahmed Elmi.


Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.