Hilow La’aanta Siyaasadeed ee Xaaji Maxamed Yaasiin

W. Q. Liibaan Axmad

Dhicisowgii afgambigii 1978kii wuxuu waji horleh u yeelay dhaqdhaqaayadii ka soo horjeeday taliskii militariga oo awoodda Soomaaliya qabsaday 21kii Oktoobar 1969kii. Xaaji Maxamed Yaasiin wuxuu ka mid yahay dadka fursad u helay inuu u shaqeeyo dowlad militarigu hoggaaminayay. Waraysi laba qeybood ah ayuu siiyay Ayaanle Cabdi Xuseen. Qeybta hore wuxuu kaga hadlayaa dhalashadiisii, barbaarintiisii iyo hanaqaadkiisii.

Xaaji Maxamed Yaasiin: “Waxaa la igu soo barbaariyey ‘Ha noolaato’”.

Xaaji Maxamed wuxuu ku dhashay xaafaddii Iskuraran ee Muqdisho sanadkii 1953kii. Wuxuu sheegay in lagu barbaariyay mabda’a Soomaali isku mid ah — “Ha noolaato ayaan ku barbaaray” buu yiri. Billowgii toddobaatanaadkii ayay dowladdii kacaanku shaqada ka erisay aabbihii oo mar ahaa Duqa Magaalada Muqdisho. Sababta shaqada lagaga ereyay oo xaq looga duudsiiyay Maxamed aabbihiis waa “la jaan-qaadis la’aanta kacaanka.” Maxamed wuxuu ku qasbanaaday inuu shaqo raadsado si uu kaalintii aabbihiis u buuxiyo. Shaqadiisii kowaad waxay ahayd xisaabiye. Wuxuu u dallacay hantidhowre ka tirsanaa Xisaabi Xil Ma Leh. Shaqadiisu waxay ahayd booqashada hey’adaha iyo hubinta xisaabaadka dowladda. 1978kii ayuu baaritaan ku sameeyay xisaabaadka hey’ad. Wuxuu ogaaday in ninka hey’adda madax u ahaa uu lunsaday 500,000 oo doollar. Xilligaas qofka boqol kun oo shilin lunsaday tiirka ayaa la geyn jiray.

Xaaji Maxamad wuxuu u sheegay ninkii lacagta lunsaday inuu soo celiyo lacagta ama fisho ciqaab. “Ma adigoo reer kacaandiid ah ka dhashay baa aniga tiirka i geynaya” bay ahayd jawaabtii Maxamad uu kala kulmay ninkii lunsashada hantida dadweynaha lagu helay. Maxamad uma jixinjixin hadalka meel-ka-dhaca ahaa. Dhowr toddobaad kaddib askar ayaa guriga Maxamed timid oo xabsiga u taxaabtay isaga. Waxaa lagu cadaadiyay inuu kiiska la noqdo. “Labaatan Jirow ayaa lagu geynayaa haddii aadan kiiska la noqon” ayay askartii ku yiraahdeen Maxamed Yaasiin. Xubin Golihii Sare ee Kacaanka ka mid ah ayaa xarigga Maxamed ka dambeeyay waayo ninka lacagta lunsaday ayaa saxiib la ahaa ninka xiray Maxamed Yaasiin. Raggii soo dayntiisa kaalinta ku lahaa waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Shariif, oo dhowr sano ka hor Maraykanka ku geeriyooday. Ugu dambeyntii Maxamad ayaa goostay inuu dalka iskaga baxo. Baasaboor, aan markaas si fudud loo heli jirin, ayaa si degdeg ah loogu sameeyay. Nayroobi ayuu ka soo degay 1978kii isagoo shaati iyo surwaal uun gashan.

Maxamed waxaa loo xiray oo dalkiisa looga soo musaafuriyay gudashada shaqadiisa. Xilligaas qofku dambiile ma noqon jirin oo keliya marka dambi lagu helo ama uu waayo madax u eexata; qofku dambiile ayuu noqon jiray ama in dambi lagu qaado ayuu filan jiray haddii beeshiisu leedahay summadda kacaandiid. Kacaandiidnimadu kuma jirin xeerka ciqaabta Soomaaliya; waxay ahayd qodob aan qorneyn oo ku jiray habraaca hey’addii nabadsugidda. Nayroobi xilligaas waxaa yimid Cabdullaahi Yuusuf Axmed dhicisowgii afgambigii 1978kii kaddib. Kenya may doonaynin inay martigeliso xoogag Soomaaliya liddi ku ah. Go’aan ahaa in Itoobiya la tago ayay qaateen rag Nayroobi iskugu yimid oo dowladdii kacaanka mucaarad ku ahaa.

Xaaji Maxamed wuxuu sheegay inuu niyadxumo dareemay markuu ka dagay Addis Ababa waayo waxaa “la igu soo barbaariyay” dal jeceyl. Ururkii hubaysnaa Addis Ababa fadhigiisu noqday waxaa madax u noqday Mustafe Xaaji Nuur; ku xigeen waxaa u noqday Cumar Istarliin, oo mar Duqii Magaalada Muqdisho ahaa. Gaashaanle Sare Cabdullaahi Yuusuf wuu diiday inuu hoostago madax beelo kale u dhashay. Ciidanka jabhadda la sameeyay waxay u badnaayeen beesha Cabdullaahi Yuusuf. 1978kii wuxuu Cabdullaahi Yuusuf u sheegay wariyeyaal Nayroobi joogay in Siyaad Barre iyo “qabiilkiisa tirada yar ay Soomaaliya ka taliyaan”. Doodda Cabdullaahi Yuusuf kaga hor yimid madaxdii jabhadda waxay xoojinaysay dooddii dowladdii kacaanka,  oo ahayd in hal beel ay afgambigii ka dambeysay. Laga billaabo markaas wuxuu Xaaji Maxamed Yaasiin garwaaqsaday in jabhaddu ka oodsokeynin kelitalis. Xabashidu waxay u arkayeen jebhaddii SSDF darbi ay weerarrada Soomaaliya iskaga beegto (buffer zone), sida taliyhii nabadsugidda Itoobiya oo cabsanaa u sheegay Maxamed iyo rag kale oo habeen si lama filaan u tagay baar uu taliyuhu fadhiyay.  Waa suurtogal in Cabdullaahi Yuusuf ugu hor ogaaday in Soomaalidu ku soo lug-go’day Addis Ababa kana warhelay waxa Itoobiyaanku ka damacsan yihiin ururka hubaysan oo Mengistu ka doonayay taageerada. Waa suurtogal, sidoo kale, inuu ku riyoonayay in beeshiisu ugu tuktukroonaato Soomaaliya haddii  jabhaddu qabsato Madaxtooyada Soomaaliya. Itoobiyaanku ma aamminsanayn in jabhadihii ku tiirsanaa Mengiste ay afgambin kareen dowladdii Soomaaliya. 

Waraysiga lala yeeshay Xaaji Maxamed Yaasiin wuu ka madhan yahay hilow siyaasadeed iyo ku soo koobidda taarikhdeenna siyaasadeed “hebel wuu xumaa ama hebel wuu fiicnaa”. Awood siyaasaded waxay ku dhisan tahay isla xisaabtan iyo sarreynta sharciga. Saamaynta dhaqanka siyaasiga — ha noqdo mid la doortay ama mid awood siyaasadeed boobay — lama ogaan karo haddii aan loo sii kuurgalin sida go’aammada siyaasadeed loo gaaray. Waraysiga Xaaji Maxamed Yaasiin waxaa ka muuqda bisayl siyaasadeed, dal jeceyl iyo hufnaan. Isagoo dhibbane u ahaa talis militari ayuu ku dhiirraday inuu si dheellitiran u eego taariikhdeennii siyaasadeed intii dowladdii kacaanku Soomaaliya ka calanwalleynaysay

Liibaan Axmad 

Libahm@gmail.com

_____________________

Waraysiga qeybta kowaad

Waraysiga qeybta labaad