RAADRAACYO DAGAL-BAARISEED.
Illaa hadda waxa aynu ka soo sheekaynay oo aynu waliba ku dheeraanay raadraacyada taariikheed ee laga hayey Soomaalidii hore, innaga oo cuskanaynay wixii ay ka qoreen taariikh iyo juquraafiyahannadii hore ee dhulkooda yimid ama wax ka qoray.
Imminka waxa aynu eegaynaa bal waxii raadraacyo dagal-baariseed laga sameeyey gayiga Soomaalida si aynu u helno xog dheeriya oo inaga taageeri karta daraasaddeena dadka iyo dhulka Soomaalida.
Dhulka Soomaalidu waxa uu ka mid yahay meelo badan oo caalamka ka mida oo aan wali laga samayn daraasad dagal-baariseed oo mug leh, maaddaama soddonkii sano oo u dambaysay uu dhulka Soomaalidu ahaa mid qalalaase iyo xasarado la daris ahaa.
Waxaa jira dagalbaarisyo haba yaraadeene lagu sameeyey gayiga Soomaalida oo uu caalimka Soomaaliyeed ee Cabdalla Cumar Mansuur ku uruuriyry daraasaddiisii Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed. Inta badan taas ayaan soo naqlin doonnaa haddii Alle idmo.
Dagalbaarisyada uu Mansuur xiganayo waxa uu u kala saaraay: Taallooyin, Qabuuro, Burbur Magaalooyin Hore iyo Sawiro hogog iyo qarar ku xardhan.
Taallooyin
Haddii aynu ugu horrayno taalooyinka, waxaa gayiga Soomaalida caan ku ah oo lagu yaqaan taallooyinka nooca Soomaalidu u taqaan Taallo-tiiriyaadka ama Xabaal-tiiriyaad, taallooyinkaan Soomaalidu waxa ay ku sheegaan in ay dhiseen dadkii hore. Iyaga oo mararka qaarkood ku tilamaama dadkaas hore dad iyaga ka horreeyey, marna ku tilmaama Gaalo Madaw ay aaminsanyihiin innay iyagu dhulka ka cayriyeen. Marna waxa ay ba ku tilmaamaan in Ajuuraankii dhisay. Dad aan waraystay, oo taallooyinkaas qaar ka mida wax ka qoday, waxa ay ii sheegeen in ay ugu tageen qalfoofka qof fadhiya iyo alaab dhoobo ka samaysan.
Qaybtii 10aad ayaynu uga soo sheekaynay dad uu taariikyahankii Giriigga ahaa ee Agatharchides ku tilmaamay Troglodyte oo dagganaa dhulka Soomaalida iillaa badda cas waxna u xabaalan jiray qaabkaan taallo-tiiriyaada ah. Dadkaan waxa ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ahaa oo gayiga Soomaalida iyo dhulka ay oodwaagta yihiinba lagu yaqaanay, gaar ahaan xeebaha Ereteriya iyo Suudaanta maanta. Taariikhyahannada kele ee dadkaan xusay Agatharchides na ka dambeeyay waxaa ka mida Diodorus Siculus, Strabo, Pliny the elder, Flavius Josephus iyo Claudius Ptolemy.
Cabdalla Cumar Mansuur waxa uu soo bandhigay dhawr taallo oo xusid mudan, oo gayiga Soomaalida wali ka taagan. Taallooyinkaas qaybo ka mida waxa uu ku sheegay in dhererkoodu 10m yahay ballacuna sidaas oo kale. Taalooyinkaas waxaa ka mida: Hartiyimi oo Nugaal ku taal ahna taallo dhisan. Laascasno oo iyana leh taallo dhisan. Boosaaso Taallo dhisan. Burco dhagxaan tuban, Sheekh dhagxaan tuban. Taleex taalladheer. Mareeg oo Mudug ah ayaa iyana leh dhagxaan isdulsaaran.
Burbur Magaalooyin Hore
Meelo badan oo dhulka Soomaalida ka mida oo dagalbaaris lagu sameeyey ayaa laga helay burburka magaaalooyin hore. Meelahaasi inta badan waxa ay ahaayeen marinnadii safarradu u sii mari jireen magaalooyin gudaha dhulka Soomaalida ku oolli jirey oo xeebaha xiriirka ganacsi la lahaa, sida magaaladii Harar oo kale. Burburkaas waxaa ka mida magaalooyin u dhaxayn jirey Zaylac iyo Harar. Kuwo kale waxaa laga heley dariiq safarradu mari jireen oo u dhaxeeya xeebta bad waynta Hindiya iyo gobalka Ogaadeenya.
Magaalooyinkaan xilligoodu waxa uu ku simanyahay xilliyadii dawladihii Adal iyo Ajuuraanka oo ah qarnigyadii 15aad iyo 16aad.
Laakiin, Dr. Mansuur waxa uu soo bandhigayaa burbur magaalooyin oo kuwaas wax badan ka qadiimsan. Waxa uu sheegay in meesha la yiraahdo Mudan oo ah dooxada Iskushuban laga helay burbur magaalo oo qadiima iyo illaa 2000 oo qabri iyo burburka saddex burji ama tower. Meel wax yar u jirta Ceelaayo ayuu sheegay in ayana laga helay burbur magaalo fil wayn. Sidoo kale togga Ariye oo u dhaxeeya Qardho iyo Iskushuban ayaa iyana laga helay magaalo kale oo aad u filwayn magaaladaan haraaga daaraheedu waxa ay shabbahaan kuwii Yaman laga dhisan jirey ee salka hoose u ballaarnaa korna u dhuubnaa. Agagaarka magaalada Laascaanood ayaa iyana ka mida meelaha lagu arkay haraa ka haray burbur magaalo hore oo illaa labo boqol oo daarood ahayd. Burburka Xamartii hore oo wali loo yaqaan Xamar jajab oo tilmaamaya haraa ka haray magaalo burburtay ayaa iyana ka mida burburka magaalooyinka la helay. Taariikhda magaalooyinkaani waxa ay ku siman tahay illaa labo kun oo sano.
Sawirro Xardhan
Sidoo kale waxaa dhulka Soomaalida laga helay qoraallo iyo sawirro qarar iyo hogag badan oo dalka ah ku xardhan.
Qoraallada la diiwaan galiyey ee uu Dr. Mansuur soo naqliyey waxaa ka mida: qar ku yaal Karin-heegane oo 70km Boosaaso u jirta ayaa waxaa ku xarddhan sawirada dad ku hubaysan qaansooyin, fallaaro iyo seefo. Sidoo kale sawirada waxaa ka mida xoolo aan maanta joogin gayiga Soomaalida. Sawirada hoostoodana waxaa ku qoran far aan la garanayn. Golxarfo oo ah bariga Xudun ayaa waxaa ku yaalla qar ay ku sawiran yihiin xayawaan iyo dad lagu qiyaasay xilligii Stone age-ka. Goobaha tirida badan ee uu Dr. Mansuur soo naqliyey ee sawiradaan xardhan lagu arkay waxaa ka mida: Xunbarogob oo taleex u dhow, God-xardhane oo Nugaal kuyaal iyo gabiga Laasgeel oo Hargaysa u dhow oo isga dhawaan laga helay sawirro xardhan oo taariikhdoodu ku siman tahay illaa 5 kun oo sano.
Qabbuuro Hore.
Si la mida taallooyinkii iyo magaalooyinkii aynu soo xusnay ayaa gayiga Soomaaliyeed waxaa ku yaal qabbuuro qadiima oo ummadihii hore ee halkaa dagganaa ay ka tageen. Sida uu Dr. Mansuur sheegay waxaa Baalladi oo Boosaaso u dhow laga helay rug xabaaleedka Afrikada bari ugu baaxadda wayn oo dhererkeeduna gaaro illaa 3km.
Xabaal Ambiyaad oo isla gobalka Bari ah oo qabbuuro qadiima ku yaallaan ayaa iyaguna jira. Dhulka Ciisaha meel Jabuuti u dhow waxaa lagu arkay qabbuuro qadiima oo ay ku hor mudan yihiin dhagxuun la qoray oo loo ekaysiiyey xubinta taranka ee ragga (ogow horay in aynu u soo shegnay in Barbarkii dhulka dagganaa ee aynu ku sheegnay awoowayaashii hore ee Soomaalida ay caan ku ahaayeen goynta xubinta taranka ragga oo ay meher dumarkooda uga dhigi jireen, sidii ay xuseen Mascuuddi iyo Yaaquut Al-Xamawi.)
Xujooyinkaani waxa ay ina tusaysaan in gayiga Soomaaliyeed uu leeyahay taariikh fac wayn iyo xaddaarad guuna. Waad qiyaasi kartaa xabaalaha dhawrka KM-ka ah magaalooyinkoodii inta ay le’ekaayeen. Waxaa jira dad xaddaaraddaan dhisme ee goballada waqooyi bari ee Soomaaliya ka jirtay u tiiriya dadyow kale, sida Ximyarkii carbeed ama Finiishiyaankii badmareenka ahaa, iyaga oo daliishanaya in Soomaalidu ay xoolo dhaqato ahayd oo aysan magaalooyinkaas kaligood dhisi karin. Laakiin taas ma noqon karto xujo loogu diido in ay xaddaaraddaas iyagu lahaayeen, maxaa yeelay waxaa dhici karta in cimilada oo isbaddashay ay sabab u noqotay in Soomaalidu wada reer guuraa noqota. Horay waxa aynu usoo sheegnay in taariikhyahannadii Giriigu gobalka Bari ku sheegeen meel wabiyo waawayn iyo dhir waawayn lahaan jirtay uuna ka jiray ganacsi ballaarani.
La soco qaybta 12aad.
Mohamed Ahmed Elmi.