Axmed Madoobe oo ciidamada Federaalka ku eedeeyay gaboodfal

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyey shirka Golaha Xukuumada kaas oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaalada siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo amniga deegaannada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in gobolka Gedo ay dhibaato weyn ku hayaan ciidamada Federaalka, kuwaas oo sida uu tilmaamay xasiloonidii iyo nabadii ka jirtey deegaanka u badaley qalalaaso iyo boobka hantida shacabka.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland ay fulinayso heshiisyadii lasoo galay iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo Guddiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii ay madaxda DFS iyo dowladaha xubnaha ka ahi ay ku saxiixeen magaalada Muqdisho in ay si siman doorashada uga qabtaan labada goobood ee loo asteeyay.

Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in iyadoo aysan ciidamada Dowladda Federaalka ka bixin gobolka Gedo, sidoo kale aysan tegin maamulka gobolka, kan degmooyinka iyo madaxda kale ee Jubbaland aysan dhici karin doorashada xildhibaanada qaybta loo asteeyay magaalada Garbahaarey.

Habraacii doorashada ee bishii October soo saareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in 16 xildhibaan lagu dooran doono magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland, basle wadahadaladaas laguma guuleysan.

Xiisad siyaaseed iyo mid amni oo u dhexaysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa muddo ka taagnayd gobolka Gedo.

PUNTLAND POST