Axmed Madoobe oo ka hadlay heshiis ay wada gaareen Farmaajo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Kismaayo ayaa ka hadlay heshiis ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ku heshiiyeen in xal laga gaaro khilaafka labada dhinac ka hor wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb, isagoo si gaara u xusay xaaladda gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in farsamo ahaan la bilaabay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka mudada soo jiray ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Axadii la soo dhaafay kulan gaara ku yeeshay Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.

Xiisad siyaaseed iyo mid amni ayaa muddo ka taagnayd gobolka Gedo, taas oo ku dhexaysay Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

PUNTLAND POST