Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug halkaas oo sida qorshaysan uu ka furmi doono Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubaland oo xaqiijisay kulanka Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa sheegtay in uu ku koobnaa Salaan iyo Is Arag gogol-xaar u ah Wada-hadallo qorshaysan oo lagu xallinayo Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Kulankan ayaa ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.

PUNTLAND POST