FEDERALISM-KA SOOMAALIYA OO HALIS KU JIRA

W.Q: Cabdicasiis Maxamuud Macallin

Ereyga qalaad ee Federation wuxuu dhacaa marka 2 shay laysku daro si ka dib loogu isticmaalo 1 shay ahaan. Wuxuu leeyahay dhadhan (connotation) in waxa laysku darayaa si uun u kala duwan yihiin, sida digir iyo bariis laysku daray canbuulo ahaanna loogu casheeyey. Runtii bariis iyo bariis kale oo laysku daray ma aqbali karaan ereyga federation haddaysan si muuqata u kala duwanayn, waana sababta ay dad badan oo Soomaaliyeed ugu doodaan in aan nidaamka dawladeed ee federalism ku haboonayn Soomaalida maadaama aysan wax weyn ku kala duwanayn. Hase ahaatee dood kale ayaa oranaysa, in Soomaaliya gobollo loo qaybiyo dawlad dhexena laysugu geeyo iyadoo la isticmaalayo nidaamka federation ka waa waxa keliya ee midnimadii iyo dawladnimadii Soomaaliya lagu ilaalin karo.

MAXAA LOO QAATAY FEDERAL SYSTEM OF GOVERNMENT?

  1. Roobku wuxuu xal u yahay abaarta marka uu godanka oo dhan ka da’o, hadduuse geyiga qaar seejiyo wuxuu abuuraa dhibaatooyin ka badan tii ay ahayd inuu xalliyo.
  2. Isu-guur ayaa dhaca taas oo dad iyo duunyoba laysugu geeyo halka roobsatay
  3. Biyihii iyo baadkii cusbaa ayaa cag iyo ciddi lagula kala tagaa waqti yar, maadaama dad iyo duunyo tiro badan la soo dul saaray, ka dibna degdeg ayay halkii roobsatay abaar isugu bedeshaa.
  4. Beelaha dantu isu keentay oo aano hore kala qabey ayay ka dhex bilaabataa, iyadoo nabadgelyadu lunto
  5. Xaalufka gaara halkii laysugu yimid ayaan dhulku ka soo kaban ilaa dhawr nur oo dambe

Dawlad dhexe (Central Government) oo sida aynu u soo joogney ku eg caasimadda iyo hareereheeda ayaa la mid ah roobkaan halka meel ka da’ay. Dadka Soomaaliyeed waxay intooda badan u guureen oo si xad-dhaaf ah ugu urureen gobollo ka mida koonfurta dalka halkaas oo dawladdu ka dhoweyd. Waxaa laga tegey gobollada dalka intooda badan sida kuwa hadda la yiraahdo Puntland, Somaliland, Galmudug, Hir-shabeelle qaarkeed iyo Koonfur Galbeed. Isu-guurkaani dhibaato kuma ahayn keliya gobolladii laga soo hijroodey ee waxay sidoo kale culays iyo nabaad-guur ku ahayd gobolladii laysugu tegey. Wax horumar ah kama socon dhulka laga hayaamay xafiis dawladeed oo ka shaqaynayeyna aad buu u yaraa. Waxaa jirey horumar iyo dawladnimo aan isu dheelli tirnayn dal iyo dadba.

Cabdicasiis Maxamuud Macallin

Federalism waxaa haddaba loo doorbiday inuu daawo u noqdo dhibaatadaan, kaasoo suurogeliya in dalka oo dhan ay ka socoto horumar siman, dadka qof kasta ku celiya gobolkiisa dawladnimaduna ka wada shaqayso dalka oo dhan looguna kala nasto sida roobka caamiyaha la yiraahdo oo reer walba xeradiisa ku qabta oo kale.

  • Maadaama Soomaalidu dirirtay, kalsoonidii dhexdooda ahaydna luntay, sidaa darteedna la waayeyba sawirkii dawladnimo, bal in la kala dego, gobol walba ama intii israaci kartabana ay nidaam iyo kala dambayn samaystaan si hadhow nidaamyadaas loogu mideeyo dawlad dhexe oo ay wadaagaan Federal System of Government.

FEDERALISM-ka Soomaaliya ayaase marakan u muuqda inuusan sii jiri doonin arrimo dhowra awgood:

  • Dadka Soomaaliyeed uma bisla isbedelka uu wato nidaamkaani. Waxaynu marar badan aragnay hoggaanka dawladda dhexe ee dalka oo lagu eedaynaayo inaysan doonayn meelmarinta Federalism-ka iyadoo aysan si faahfaahsan u kala qeexnayn xuquuqda iyo waajibaadka maamullada iyo dawladda dhexe
  • Maamullada oo ay weli ka aloosan yihiin duruufihii uu abuuray nidaamkii hore (Central Govnt), kaasoo sababi jirey isu-guurka gudaha (Internal Migration). Ka soo qaad Puntland (Hooyada Federalism-ka) waxaa maanta ka jira duruufo aad u adag oo ay ugu weyn yihiin kuwo dhaqaale. Isu-guurka gudaha oo waagii hore u dhici jirey nooc hal dhinac ah (dad gobollada ka soo guura oo Muqdisho iyo hareereheeda u soo guura) ayaa hadda yeeshay weji laba dhinac ah iyadoo gobollada dalku (maamulladu) si joogto ah isu weydaarsadaan dadkooda hayaamaya. Puntland ayaa tusaale ahaan waxaa soo gala dadyow ka kala yimid maamullada kale sida Jubbaland ama Koonfur Galbeed, halka ay dhacdo in dad reer Puntland ahi iskaga tagaan degaankooda iyagoo beegsanaya goobo kale oo dalka ka mida.
  • Koonfurta guud ahaan gaar ahaanna Caasimadda dalka ayaa in dhoweyd ka soo raynaysey xagga nabadgelyada, waxaanna ogahay inay Muqdisho mar hore bilowday inay isu diyaariso qaadashada doorkeedii soo jireenka ahaa soona dhoweyso dadka ugu badan kuwaasoo ka soo haajiraya gobollada dalka oo dhan.

Haddii sidaan lagu eegto waxaan sugnaa waa Puntland gaar ahaan iyo maamullada kale guud ahaanba oo ay ku haraan dad aad u tiro yar oo markaa noqda kuwo aan istaahili doonin in laga hirgeliyo dhammaan hay’adaha dawlad dhexe taasoo si sahlan u soo afjari doonta Federalism-kii ay Puntland hooyada u ahayd.

Maamulladu haddaba, gaar ahaan Puntland oo nidaamkan looga haybaysto, waa inay la yimaadaan isbedel muuqda, kaasoo ah dhismaha dawlad dhab ah (defacto Govnt) oo duudka u ridata ka jawaabista dhammaan baahiyaha shacabkeeda kuwaasoo dastuurku awood u siinayo, waa haddii la rabo in la badbaadiyo nidaamka Federalism-ka dalka. Puntlandnsi ay u sii ahaato hooyada Federalism-ka waxaa saaran xil gaar ah sidaa darteed waa inay la timaaddaa isbedel dhab ah, kaasoo abuura xiriir dawlad iyo shacab aan loo dhexayn (direct government-people relationship) xiriir kaasoo sabab u noqon kara hirgelinta sarraynta sharciga (Rule of Law) dhab ah laguna bedelaayo halbeegga ku-tiirsanaanta iyo wax-ku-qaybsiga hab-beeleedka. Dhammaan taariikhdeennu waxay muujisay sida labada halbeeg ee aan kor ku soo xusay (hab-beeleed iyo Rule of Law) aysan marna u wada socon karin. Haddaba, waa ku khasab Puntland inay la timaaddo nidaam dawli ah oo ku qotoma sarraynta sharciga iyo hoggaaminta shacabka oo ah masuuliyad dawladeed oo keliya si ay u joogtayso hormuudnimadeeda dawladnimada dalka iyo hooyannimadeeda nidaamka dalka, haddii kale ma gadaal ayay u fariisanaysaa oo daawanaysaa keliya cawaaqibka xun ee hab-beeleedku ku reebayo shacabka reer Puntland iyo wiiqanka/dhimashada nidaamkii federalism-ka ee dalka guud ahaan!.

Ha ogaato Pumtland in Federalism-ku wato masuuliyad qaybsan inteeda bandanna laga rabo dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe, masuuliyadahaas badan ee saaran maamullada dalkuna aysan marna fulintoodu ku suurogelayn habka aynu hadda bulsho ahaan u abaabulan nahay.

Qore: Cabdicasiis Maxamuud Macallin, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoommada ee Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed

Moallim717@gmail.com