Garoowe (Faallo) — Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah aqbalay codsi uga yimid madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ahaa in dowladda Puntland loo dabafadhiisto wax kasta oo ku saabsan heshiiska DP World la gashay Puntland dhowr sano ka hor.
38 Mudane ayaa u codeeyay hirgelinta codsiga madaxweynaha Puntland, halka ay ka aamuseen 11 mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Heshiiskii Puntland iyo DP World ay ku saxiixeen Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta 6 April 2017 wuxuu qorayay in DP World maamuli doonto Dekedda Boosaaso 30 sano si loo ballaariyo oo loo casriyeeyo dekadda Boasaaso.
Heshiiskaas waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirkii hore ee dekadaha Siciid Maxamed Raage, halka dhinaca DP World uu u saxiixay maamulaha shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman.
Lacagta lagu maalgalinayo mashruucan ayaa lagu sheegay in ay dhan tahay $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo sodon iyo lix milyan), iyadoo shirkadda DP World ay wajiga kowaad ee mashruucan ku bixin lahayd 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan oo doolar. Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayay in dhismaha dekadda lagu dhamaystiri doono mudo 24 bilood gudahood ah oo ka billaabmaysay maalinta heshiiska la saxiixay. DP World ayaa bixisay lacag dhan 15 milyan oo horumarin ah, taas oo Puntland qaar kamid ah ku bixisay laaluush ay siisay baarlamaankii afraad.
Baarlamaankii afraad ee Puntland ayaa 27 July 2017 kal-fadhigoodii 39-aad ku ansixiyey heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland, iyagoo ka dooday heshiiskaas su’aalana ka weyddiiyay Wasiirkii dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage. 56 Mudane oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ayaa maalintaas u codeeyay ansixinta heshiiska shirkadda DP World iyo Puntland.

Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa 12kii Oktoobar 2017kii si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka dekadda Boosaaso, waxaana munaasabaddii wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland, maamulka goboka Bari iyo wakiillo ka socday shirkadda.
Intaas kadib ganacsatada wax kala soo degta dekadda Boosaaso ayaa muran ka keenay kordhin lagu sameeyay khidmadaha laga qaado badeecooyinka ka soo dega dekadda, kaas oo hakad galiyay howlihii dekadda iyo guud ahaan ganacsiga Puntland, waxaana dhowr jeer Boosaaso ka dhacay mudararaadyo looga soo horjeedo arintaas. Waxaa murankaas soo dhexgalay qaar kamid ah isimada Puntland oo ka soo saaray go’aammo lagu dhexdhexaadiyay labada dhinac, waxaana ilaa xiligaas dekadda ka shaqeeya go’aamadii issimadda.
Muddadii heshiiska ku qornayd in Dekedda lagu dhiso ayaa dhammaatay 6-dii April 2019, iyadoo aysan jirin wax shaqo ah oo laga qabtay dhismaha iyo ballaarinta Dekedda Boosaaso.
Madaxweyne Deni ayaa la kowsaday dilkii maamulikii shirkadda P&O Paul Anthony Farmosa oo 4-tii Febraayo, 2019 lagu toogtay magaalada Boosaaso.
15-kii Abriil 2019, Madaxweyne Deni oo safar ku tegay magaalada Dubai ayaa halkaas kula kulmay Madaxa Shirkadda DP World, Suldaan Axmed Bin Suleyman, wuxuuna madaxweynuhu markii uu soo noqday sheegay in si toos ah dhismaha Dekedda loo billaabi doono bisha Diseembar 2019.
Sanad iyo lix bilood kadib oo aan waxba ka fulin ballanqaadkii hore, wuxuu mar kale Madaxweyne Deni oo ka yimid Imaaraadka ka sheegay furitaankii Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada (25 October 2020) hadal niyad xumo ka muujinayay heshiiska DP World, isagoo ku af-gobaadsaday in wadahadal socdo. Wuxuu hadalkaas ka hor imanay kii uu jeediyay sanadkii hore.
Caqabadaha haysta DP World
Shirkadda DP World waxaa haysta dhowr caqabadood oo ay ka mid yhiin dhaqaalo la’aan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiddan heshiiyada dekedaha Berbera iyo Boosaaso, iyo DP World oo dib ugu noqotay lahaansho gaar ahaaneed oo hadda saamiyadeeda lagama iibsan karo seyladda Nasdaq.
DP World ayaa sanadkii hore shaacisay in bangiyada caalamku ay u diideen in ay lacago ka deynsato kadib markii uu saameeyay go’aankii dowladda Jabuuti uga saartay dekedda Dooraaleh, kaas oo dhaawac u gaystay kalsoonida lagu qabo shirkadda iyo sidoo kale mashaariicda ay maal-geliso.
Bangiyada ayaa walaac ka qaba sida loo damaanadqaadayo in ay sii jiri karaan heshiisyada ay shirkaddu la gasho dowladaha si loo siiyo lacago ay ku maalgeliso mashaariicda.
Dhanka kale dowladda Federaal ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in shirkadda DP World ay khatargalinayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyadoo xustay in boqortooyada Imaaraadka ay ka dhowrayaan inay arrintan wax ka qabato.
Muxuu yahay qorshaha Baarlamaanka Puntland?
Baarlamaanka Puntland ee hadda iyo kii ka horreeyay waxaa lagu bartay la xisaabtan la’aan iyo laaluush qaadasho. Waxay dhowr jeer sheegeen in ay dib u eegis ku sameynayaan heshiiska DP World, waxaase la aamminsan yahay inay wateen dano gurracan oo aan shacabka loogu danaynayn kuna raadinayaan sandareero.
Waxaana sawirka laga bixin karo ka hadalka DP World ee baarlamaanka uu yahay “Baroortu orgiga ka wayn” uuna la mid yahay kii baarlmaankii hore.
Baarlamaanka oggolaaday inuusan ka doodi karin heshiis aan weli la hirgelinin waa baarlamaan is awoodtiray.
© PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.