Sida Itoobiya u qaadday waddada dagaal sokeeye

Muqdisho (Wararka PP) — Doorashadii ka dhacday Itoobiya 2005tii waxay ku kala dhex abuurtay qowmiyadaha Itoobiya colaad siyaasadeed. Xisbigii EPRDF, oo uu ururka TPLF hoos ka maamulayay, ayaa doorashadii si aqlabiyad leh ugu guuleystay.  Awoodda siyaasadeed ee TPLF kama imanin oo keliya guushii ururku ka gaaray dagaalki ka dhanka ahaa taliskii Mengistu Haile Mariam.

Shir ka dhacay Washington 1991kii, oo siyaasiyiin ka kala socday TPLF iyo  ururkii gobonimoddoonka Eritreeya (EPLF) ka qeybgaleen, ayuu Mesfin Woldemariam, bare ka ahaa Jaamacadda Addis Ababa, ka sheegay “in talada Itoobiya maanta ku kooban tahay ururrada TPLF iyo EPLF.” Goshu Wolde, oo wasiirka arrimmaha dibedda Itoobiya mar ahaa wuxuu shirkaas kaga dooday in Eritreeya aysan ka go’in karin Itoobiya. Eritreeya sanadkii 1993kii ayay dal noqotay.

Meles wuxuu aamminsanaa in Itoobiya buburi karto

Awooodda ay TPLF heshay waxaa fududeysay sida Galbeedka iyo dowladaha Carabtu meel iskaga taagaan nooca isbeddel oo ka dhacay Itoobiya 1991kii.  Alex De Waal, wax ka dhiga Jaamacadda Tufts, wuxuu qoray in 1990kii mar Meles Zenawi xanuunsaday lagu soo daaweeyay Khartuum. Sudaan waxay si gaar ah u taageertay in TPLF noqoto ciidanka qaranka Itoobiya, sida uu Leenco Lata, hoggaamiyihii ururka Oromada (OLF) u sheegay taariikhyahan Ezekiel Gebissa 2017kii.

TPLF waxay gacanta ku wada dhigtay dowladda Itoobiya. Markii dambe ayay TPLF isku-dhaf ciidan oo kooban samaysay inkastoo ciidammada Itoobiya lagu maamullayay siyaasadda TPLF. Meles had iyo heer wuxuu qabay cabsi in dagaallo sokeeye dib uga dhici karaan Itoobiya keenina karaan burbur, sida warqad dowladda Itoobiya soo saartay kuna saabsanayd amniga lagu xusay 2002dii. Waa cabsi ku salaysnayd talada Itoobiya oo ku jirtay gacanta qowmiyad ka ah 6% dadka Itoobiya.

Ugu yaraan 250 qof ayay ciidammadu Itoobiya dileen kaddib rabshadihii doorashada Itoobiya ku saabsanaa 2005kii. Rabshadahaas waxay dhaawaceen magacii Meles Zenawi ku lahaa dowladaha Galbeedka. Cadaadiska siyaasadeed saarnaa Meles wuxuu dhinmay markii ururkii Maxkamadaha Islaamku soo baxeen oo ugu dambayntii ku dhawaaqeen inay Addis Ababa qabsanayaan.

Dowladda Itoobiya waxay taageero badan ka heshay dowladda Maraynkanka oo aad uga xumeyd jabkii Ururkii Maxkamadaha Islaalku u geystay qabqablayaashii. Laga billaabo xilligaas Itoobiya waxay noqotay dal sumcad ku raadiyay inay Soomaaliya dhexdeeda kula dagaallanto kooxo diimeed dunidu markii dambe u aqoonsatay ururro argagixiso.

Waraysi uu Meles siiyay Newsweek 2008kii wuxuu sheegay in haddii ciidammada Afrika la siiyo lacag ay qaban karaan shaqo lagula dagaallamayo argagixisada Soomaaliya. Isla waraysigaas Meles wuxuu ku sheegay in Soomaalidu aysan lahayn dareenqarannimoddoon. Waa hadal aan wax badan ka duwanayn hadalkii Menelik markuu gumeystayaashii Yurub weyddiistay dhul Soomaaliyeed oo yiri “ Soomaalidu waxay ii raacaan lo’da”.

Dagaalkii ciidammada Itoobiya ka galeen Soomaaliya way ku guuldarreysteen waayo Meles wuu isku wadi kari waayay inuu dadka Itoobiya sandulle uga taliyo iyo inuu dagaal kooxo colaad joogto ah wada oo dhulkooda jooga dagaal kula jiro. Waxaa had iyo jeer ku weyneyd u talinta 100 milyan oo Itoobiyaan ah oo sooyaal dimuqraaddiyadeed aan lahayn. Wuu dareemay inuu Soomaaliya ku soo lug-go’ay.   

Gefefka siyaasadeed uu Meles Zenawi sameeyay

Meles Zenawi inkastuu Itoobiya horumar gaarsiiyay wuxuu qabay aragti aan ka duwanayn tii madaxdii Amxaarada: hadba qowmiyadda talada haysa ayaa taqaan danta Itoobiya. Waa gurracnaan siyaasadeed oo la kowsatay unkidddii Itoobiya kaddib ololeyaashii Menelik dhammaandii qarnigii 19aad. 

Dagaalkii Itoobiya iyo Eritreeya ( 1998-2000) colaad buu ka dhex abuuray labo urur ku heshiiyay kalagoynta Itoobiya.  Maxkamad Caalami ah ayaa Eritreeya u xukuntay lahaanshaha dhulka Badme oo dagaalka labada dal dhex maray sal u ahaa. Meles wuu diiday inuu u hoggaansamo xukunkaas. Eritreeya way ka go’doonsanayd adduunka siyaasad ahaan,  halka Itoobiya ahayd dalka ugu saamaynta badan Geeska Afrika. Geeridii Meles sanadkii 2012kii ma horseedin in qof qowmiyadda Tigreega ka tirsan uu xukunka qabto. Waxaa xilka la wareegay Hailemariam Desalegn, oo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahaa. Wuxuu ku shaqaynayay siyaasaddii TPLF ilaa 2018kii markaas oo uu  iscasilay rabshado socday dhowr sanadood oo ay dowladdu wax ka qaban waysay awgood. Waqtiga rabshaduhu socdeen waxay wargeysyada Galbeedku qorayeen in qowmiyadda Tigreega, oo 6% ah, ay doonaysay inay talada sii hayso.

Siyaasadaha Meles hirgeliyay waxaa ka mid ah ballaarinta Addis Ababa oo muran badan dhalisay iyo ku wareejin shirkado dhul beereed badan. Marnaba Meles ma qaadin tallaabo uu dalka kaga hirgalinayay dimuqraaddiyad dhab ah. Abiy Axmed, oo sanadkii 2018kii loo doortay Ra’iisal Wasaare, ayaa aqbalay go’aankii dhulka loogu xukumay Eritreeya, maxaabiis badan xabsiga ka sii daayey, ururro  dowladdu u aragtay argagixiso ka dhigay ururro siyaasadeed. Tallaabooyinkaas wuxuu ku helay abaalmarinta nabadda (Nobel Peace Prize ) sanadkii 2019kii. Muddo labo sano xiiriirka Abiy iyo TPLF wuu sii xumaanayay waayo xisbigii EPRDF waxaa beddleay xisbiga Prosperity (Xisbiga Badhaadhaha), oo uu Abiy sameeyay isagoo xisbiyadii ku mideysnaa  EPRDF iskugu keenay xisbiga cusub.

Sida caddaatay Ra’iisal Wasaare Abiy wuxuu muddo labo sano ah qorsheynayay dagaal ka dhan ah TPLF oo bishii Sebteembar doorashooyin ismaamul ka qabatay gobolka Tigray. Dagaalka bishan billowgeedii ka qarxay Itoobiya,  oo uu Abiy ku tilmaamay olole sharci iyo kala dambayn lagu soo celinayo, waxaa gacan ka siiyay Eritreeya oo u fasaxday ciidanka Itoobya inay dagaal ka soo qaadi karaan dhanka Eritreeya. “Eritreeya marnaba ma illoobin sida Meles u adeegsaday tirada dadka Itoobiya si uu u hafiyo ciidanka Eritreeya intuu socday dagaalkii 1998-2000. “Maanta Eritreeya tii uun bay u isticmaalaysaa Tigreega” ayuu nin wax ka qora siyaaadda Itoobiya u sheegay Puntland Post.

Ra’iisal Wasaare Abiy wuxuu adeegsanayaa siyaasaddii TPLF

Isbeddelkii 2018kii ka dhacay Itoobiya kaddib taageerayaasha TPLF waxay ku doodi jireen in Maraykanku ku ballanfuray ururka waayo “waxaannu la dagaallamaynay Al-shabaab.” Tigreegu waxay kaga soo ururtay tallaabo kasta oo ay xukunka ku haysan kareen sida xalaad degdeg ah oo dalka lagu xukumo, ku tilmaamidda mucaaradka argagixiso. Laga billaabo 2016kii awoodda TPLF way sii  wiiqmaysay. Dagaalka  dowladda Itoobiya ku qaadday TPLF waa mid qeyb ahaan ka soo jeeda siyaasaddii EPRDF ku  mamauli jirtay Itoobiya. Abiy Axmed magacii EPRDF oo keliya ayuu beddelay, wuu sitaa xeeladihii TPLF dalka ku soo maamushay oo ay ugu horreyso in awoodda ciidanka dalku ku jirto gacanta qofka dalka u taliya iyo kuwa la qowmiyadda ah.

Meles wuxuu doonayay in lagu xusuusto biyo-xireen. Waxaa kaga habboonaan lahayd inuu dalka dimuqraaddiyayn dhab ah ka hirgeliyo si qowmiyaddiisu iyo qowmiyadaha kale uga badbaadaan talis amarkutaagleyn ku dhisan.

© Puntland Post, 2020

Wixii faallo ah adoo mahadsan u sii dir: pp@puntlandpost.com