Shirka wadatashigu wuxuu wiiqayaa heshiiskii doorashada

Muqdisho (Faallooyinka PP) — Dhibka laga soo maray in lagu heshiiyo habka doorashada waa mid tusaale u ah sida weli Soomaaliya burbur ugu nugushahay. Shirka Wadatashiga hadda Xamar ka socda wuxuu ku saabsan yahay wiiqidda heshiiskii doorashada laga gaaray dhowr bilood ka hor.

Kooxaha Muqdisho ku shiraya raalli bay ka ahaayeen markii Dowladda Federaalku isku dayday isku qooshidda 4.5 iyo doorasho hal qof iyo hal cod — labo wax oo aan is qaadan karin. Kooxaha isu yaqaanna mucaaradka oo ah isbahaysi beeleed way taageersanaayeen heshiiskii sharciga doorashada ku salaysnaa; sidoo kale way taageereen heshiiskii Dhuusamareeb.

Puntland iyo Jubaland labaduba way ka biyodiideen heshiiskaas. Dooddoodii ayaa markii dambe sal u noqotay heshiiskii laga gaaray habka doorashada. Heshiiskaasi wuxuu kaalin weyn siiyay maamul federaaleedyada.

Soomaaliya waxay u nugushahay burbur siyaasadeed inta madaxda siyaasadeed ay moog yihiin sababihii burburkii dowladdii dhexe 1991kii.

Shirka hadda Muqdisho uga socda siyaasiyiinta kooxaha Aala Sheekh iyo Damuljadiid wuxuu ka soo horjeedaa heshiiska doorashada. Yaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku farogeliyay go’aankii uu Dhegey ugu magacaabay guddoomiyaha guddigii doorashada?

Sida madaxdii ururradii hubaysnaa aysan saameynta isbeddelkii 1991kii u fahamsanayn xilligaas ayay siyaasiyiinta Xamar ku shiraya u fahamsanayn isbeddellada Soomaaliya ka dhacayay soddonkii sano ugu dambeeyay. Waa calaamad kale oo muujinaysa in Soomaaliya mar kale burburi karto, markan gebi ahaanba way waayi doontaa ka sii mid ahaanshaha Beesha qaramada (community of nations).

Soomaalida waxaa la kala doorransiinayaa dowlad hadda jirta sii jiristeeda iyo kuwo hore soo celintooda. Waa sababta doorashada 2021 uga duwan tahay tii 2017kii. Taas macnaheedu ma aha doodda siyaasiyiinta Xamar ku shiraya way wada qaldan tahay.

Waa loo baahan yahay in Dowladda Federaalka la tuso in taladu dadka ka dhexeyso. Soomaaliya uma baahna dowlad awoodda ku ururisa caasimadda. Muddo dheer inta Soomaaliya ka yeelanayso hay’ado heer walba u hoggaansan isla xisaabtan, waa in awoodda dowladda laga ilaaliyo inay isu beddesho aalad kooxo hab beeleed ama hab diin danaysiyeed ugu adeegtaan.

Soddon sano burburkii dowladdii dhexe kaddib Soomaaliya waxay u nugushahay inay gebi ahaanba noqoto dal jiri jiray.

© Puntland Post, 2020