Lacagtii maamulkii Gaas daabacay oo naafeysay dhaqaalaha Puntland

Garoowe (Wararka PP) — Dowladda Puntland waxay la kufaakacaysaa sicir-barar aafeeyay dhaqaalaha Puntland. Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire wuxuu dhowaan sheegay in dowladda Puntland saari doonto guddi ogaada kana talobixiya isha sicir-bararka.

Su’aasha madaxa dad badan ku wareegaysa ayaa ah: Muxuu shilinka Soomaaliga koonfurta Soomaaliya uga qiime-badan yahay kan Puntland? Sida wasiirku sheegay 100 doollar koonfurta Soomaaliya waxay ku sarrifantaa 2,500, 000 oo shilin halka Puntland kaga sarrifanto 4,000 000 shilin. Waa markii labaad oo uu shilinka Soomaaligu keenay kala duwaanaan heer sarrif aad u sameeyay dhaqaalaha qeyb ka mid ah Soomaaliya.

Siyaasaddii lacageed ee maamulkii Cabdiweli Gaas ayaa curyaamisay dhaqaalaha Puntland.

Tijaabadii lacag daabicista ee maamulkii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (1998kii) may horseedin sicir barar. Shilin Soomaali aad loogu baahnaa ayuu maamulkaasi suuqa ku sii daayay. Maamulkii Cadde Muuse lacagtii u soo daabacay waxay keentay sicir-barar bannaanbaxyo dhaliyay 2007dii.

Lacagta maamulkii Gaas soo daabacay may ka shaqayso koonfurta Soomaaliya. Waxay u dhiganta lacagtii N loo yiqiin oo uu Cali Mahdi u daabacday Waqooyiga Muqdisho. Lacagtaas waxay ahayd mid aan ka shaqaynin koonfurta Muqdisho gaar ahaan qeybaha Jeneraal Ceydiid ka talinayay.

Dowladda Federaalku way ka cagajiidaysaa soo daabicista shilin Soomaali waayo taageero kama haysato maamullada kale, mana hubto saameynta lacag la soo daabaco ku yeelan karto dhaqaalaha dal doollarka aad lagaga isticmaalo.

Shilinka koonfurta Soomaaliya (bidix) wuu ka qiime-badan yahay shilinka Puntland.

Sicir-bararka Puntland wuxuu ka yimid, qeyb ahaan ganacsatada Puntland oo aan kalsooni ku qabin shilinka Puntland dabaacday. Marka ganacsatadu ka warhesho in dad dowladda ku dhowdhow ay doollar badan iibsanayaan, sicirka doollarku kor ayuu kacaa suuqana wuu ku yaraadaa. Taasi waxay keentaa in ganacsatadu kordhiyaan sicirrada badeecooyinka iyagoo ku doodaya in shilin Soomaaligooda aysan siisan karin doollar ku sargo’an si ay badeecooyin u soo dejiyaan ama ugala wareegaan soo dejiyayaasha.

Qalalaasaha lacageed wuxuu saameeyaa danyarta iyo reer miyiga, oo shilinkoodu uusan u goyn karin wuxuu u goyn jiray sicir-bararka ka hor. Dowlad xilkas ahi may daabacdo lacag iyadoo aan diyaarin habab dadkeedu kaga gaashaaman karaan saameyn dhaqaale oo ba’an oo ka dhalan karta lacagta ay daabacdo.

Inkastoo maamulka hadda ka jira Puntland uusan lacag daabicin, wuxuu dhibbane u noqday go’aammadii lacageed oo uu maamulkii ka horreeyay qaatay waayo Puntland waa maamul madax-ka-nool ah oo uu madaxweynuhu maamusho.

Xeerdejinta Puntland may dheellitirto fulinta. Waa sababta loo la’ yahay madax Puntland ah oo lagala xisaabtamo sicir-bararka xargo-goyska noqday.

© Puntland Post, 2020