Axmed Madoobe oo shuruud adag ku xiray doorasho xildhibaano federaal oo ka dhacda Garbahaarey

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shuruud adag ku xiray doorashada xildhibaanada federaalka ee la qorsheeyay inay ka dhacdo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

 Axmed Madoobe oo maanta hadal ka jeediyay furitaankii kal-fadhiga saddexaad ee Golaha Wakiillada Jubbaland ayaa sheegay in iyadoo aysan ciidamada Dowladda Federaalka ka bixin gobolka Gedo, sidoo kale aysan tegin maamulka gobolka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland aysan dhici karin doorashada xildhibaanada qaybta loo asteeyay magaalada Garbahaarey.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsday in kahor doorashada xildhibaanada federaalka, xal laga gaaro arrimaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arrinta Gedo.

Habraacii doorashada ee dhawaan soo saareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in 16 xildhibaan lagu dooran doono magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland, basle wadahadaladaas laguma guuleysan.

Xiisad siyaaseed iyo mid amni oo u dhexaysa Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa muddo ka taagnayd gobolka Gedo, taas oo sababtay barakac shacab.

PUNTLAND POST