Xaaladda Soomaaliya 20 sanno ka dib shirkii dib u heshiisiinta Carta

W/Q: Eng. Cabdullahi C. Cali (Faatoxo)

Guud ahaan Nabadda waxaa lagu qeexi karaa wakhti aan dagaal iyo shaqaaqo midna jirin. Guud ahaan, nabad (ama nabad-gelyo) waxay macnaheedu noqon kartaa xaalad wada noolaansho, deggenaan ama xasillooni ah oo aan wax dhib ah jirin haba yaraatee. Nabada iyo caafimaadka bulshadu waa wax isku xiran, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu ku qeexaa caafimaadka inuu yahay “xaalad ladnaansho jireed, maskaxeed iyo mid bulsho oo dhammaystiran, waxay ku tusaysaa in caafimaadku uusan ahayn maqnaanshaha jirro ama naafaanimo oo qura”.

Maqaalkan waxaan ku fiirinayaa xaalka Soomaaliya kadib shirkii Carta ee 2000 lagu qabtay dalka Jabuuti annagoo ka eegayna dhanka nabadayta iyo dhismaha dawladnimo.

Dib u dhiska dal dagaal ku burburay waa mid aad uga ballaaran dib u dhiska guryo burburay iyo rinjinyentooda. Waxaana asal u ah dib u dhiska xiriirada bulshada ee heerarkooda kala duwan, dib u curinta is aaminaada dadka iyo ku kalsoonaanta hanaanka dowladnimo iyadoo bulshada loo muujinayo rajo wacan ee mustaqbalka.

Waxaa muuqata in Shirkii Carta uu Soomaaliya u horseeday soo celinta muuqaalka maqaamkii dawladnimo ee ku dhumay dagaalkii ehliga ahaa iyo burburkii ka dhashay ka bixitaankii ay meesha ka baxday dawladii dhexe.

Shirka Nabadda Qaranka Soomaaliya ee 2000 waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Shirka Nabadda Qaranka Soomaaliya (SNPC), kani wuxuu ahaa shirar taxane ah oo lagu qabtay Carta, Jabuuti, laga bilaabo 20 Abriil – 5 Meey 2000. Si ka duwan shirarkii hore ee dib-u- heshiisiinta ee loogu yeeri jiray hogaamiye kooxeedyadii, ururrada hubaysan, shirkii Carta waxaa qayb ballaadhan ka ahaa bulshada rayidka ee aan hubaysan, sidoo kale  waxgaradka, hoggaamiyeyaasha qabiilada iyo Culimaa u Diin iyo xubna ka socday ganacsatada. Ka qaybgaleyaal rasmi ah oo ka yimid Somaliland iyo Puntland may jirin sababta oo ah labada maamul waxay doonayeen in aqoonsi u helaan deegaanadooda ka hor inta aysan oggolaan in ay ka soo qaybgalaan shirka. 

Sidoo kale Carta wax qaybsiga mansabka siyaasadda waxaa lagu go’aamiyey waxay Soomalidu fahmi karto oo ah qabiil waxaan soo baxday nidaamka loo yaqaan 4.5 waxaana la yiri “ Xaq ma ahee waa xal”. Xaalkaa waa tan maanta loo aanaynayo in laabaatan sano kadib laga bixi  la’ yahay in habqabsiga siyaasada wali sal looga 4.5 isagoo qabiil ku dhisan.

Dhanka kale waxaa muuqatay in shirkii Carta  guulaystay natiijadiisuna ahayd in halkaa  lagu dhisay Dowladdii Ku-meelgaarka (TNG), dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya tan iyo 1991-kii si loo helo maqaam caalami ah, taasoo u oggolaaneysa Soomaaliya inay mar kale ku guuleysato kursigeedii UN iyo hay’adihii kale sida Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Golaha Islaamka, IGAD iyo hey’ado kale oo dhowr ah. Dawladdii ku meel gaarka ah waxaa 

ka soo horjeeday koox, loo yaqaan Golaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dib-u-soo-celinta Soomaaliya (SRRC), oo ka koobnaa hogaamiye kooxeedyo ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka. Taas ayaana dhicis ka dhigtay dawladii lagu soo unkay Carta.

Iyada oo la isku dayey in la heshiisiiyo TNG iyo kooxdii ka soo horjeeday SRRC, Urur- goboleedka IGAD ee Bariga Afrika waxa uu bilaabay dib-u-heshiisiin qaran oo cusub. Hannaanka ayaa ugu dambeyntii noqday shirkii lixaad ee weyn ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, Shirkii Dib-u-heshiisiinta Qaranka, ee lagu qabtay Eldoret, Kenya, Oktoobar 2002. Waxay soo saartay heshiis xabbad-joojin ah oo ay saxiixeen 24 hoggaamiye kooxeed oo qeexaya baahida loo qabo in la abuuro dawlad leh qaab federaal ah, iyadoo aasaasku yahay midnimadda qaranku taas oo ku cadayd qaab dhismeedkii dawladii lagu sameeyay Carta.

Ka dib shirar iyo isku dhacyo iyo isbadallo badan, Soomaaliya maalinba maalinta ka dabaysa waxaa soo kabanaysay dawladnimadeeda iyo muuqaalka iyo maqaamka ay caalamka ku leedahay. Shirarkaa wax ugu waynaa  heshiiskii midawga maxaakiimta iyo dawladii TFG oo ka dhacay Jabuuti 2008.

Si guud markii aan u eegno arrinta, Carta sanadkii 2000 kadib, waxaa bilowday ifafaalooyin wanaagsan sida inuu jirto hannaankii dawladnimo oo unkamay iyo wax horumar ah oo laga gaaray  dhinacayada noolasha, wallow ay jiraan caqabado ka yimid nidaamkii 4.5 ee dib u heshiisiinta shirka Carta saldhiga u ahaa. Waxaa isa soo tarayey in Soomaalidu gaartay halkay ka garawsan lahaayeen inay fahmaan inaysan kala maarmin iyagoo uu ka dhexeeyo dal iyo diin ayna kuwada hadlaan hal luuqad, yihiina dad isku dhaqana, arrinkaasi wuxuu sahli karaa inay dhexdooda ka heshiiyaan qaabka dowladnimo oo ay isla wada oggolyihiin, iyagoo wixii tuhun ah ee dhexdooda ku saabsana ee ka dhashay dagaaladii sokeeya ay meel iska dhigaan.  

Waxaa muhiim ah in dib u heshiisiinta iyo kalsooni abuuridda ay noqdaan waxqabadka ugu horreeya uguna baaxadda weyn, dawladda iyo ururrada madaniga ahna ay la yimaadaan siyaasad cad oo arrintaa ku saabsan, taasoo fududeyseysa isla markaana dardargelineysa hawlaha qaranka iyo horumarka la hiigsanayo.    

Dhammaad. 

Qoraaggu wuxuu ka tirsan yahay hay’adda nabadda iyo is dhexgalka bulshada “Nabad Curiye”

Eng. Cabdullahi C. Cali (Faatoxo)