Khilaafka Shahaadada Dugsiga sare: Maxaa la gudboon Puntland?

W.Q. Faarax Bashiir Cismaan


Boosaaso — Haddii aad xog-ogaal u ahayd khilaafka Waxbarashada ee Dowladda Federaalka iyo Puntland, aadna dhagaysatay dooddii ay BBC-du horraantii bisha August 2020 u qabatay Wasiirrada Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah iyo Puntland, waxaa muuqanaysay in Wasiir Cabdullaahi M. Xasan uusan wax dood sharciyeed ah miiska soo saarin, marka laga yimaado doodda ah ‘Dalku waa Federaal, Puntlandna waligeed imtixaankeeda way qaadi jirtay’. Waxay ahayd dood ay saluugmo ka muujiyeen dadka xog-ogaalka u ah hannaanka maammulka waxbarashada iyo dooddeeda.

Muranka Dowladda Federaalka ah iyo Puntland la xiriira maamulidda imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare waa mid soo jiitamayay saddexdii sano oo u dambeeyay. Inkastoo marar kala duwan la isku dayey in xal laga gaaro, dadaalladaas oo ay garwadeen ka ahaayeen xubnaha Baarlamaanka labada aqal, may noqonin mid xal laga gaaray.

Dhanka kale, waxaan la dafiri karin in Puntland aysan ku bixin xal ka gaarista arrintaan si la mid ah dadaallada ay ku bixisay arrimaha siyaasadda [arrimaha doorashada iyo xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya], arrimaha dhaqaalaha iyo qeybsiga deeqaha. Si la mid, waxaa hubaanti ah in muranka dheeraaday ee arrimaha waxbarashada uu hubanti la’aan iyo niyad-jab ku riday ardayda Puntland.

Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada DFS (midig) Cabdullaahi M. Xasan Wasiirka Waxbarashada Puntland

Si guud, Hannaanka Federaalka ay dalal badani ku dhaqmaan badi waa mid awoodda maammulidda waxbarashada siinaya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, iyadoo bud-dhig ay u tahay mabda’a maammul daadajinta, iyadoo dowladda dhexe na ay leedahay kaalin muuqata. Marka laga yimaado fahanka guud ee nidaamka Federaalka, Dastuurka Soomaaliya, si rasmi ah uma kala saarayo awoodaha dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waana mid ka mid ah sabaha xuddunta u ah muranka maammulidda waxbarashada — waxbarashada dugsiga sare.

Haddaba maadaama uusan dastuurkii si cad u kala saaraynin awoodaha, maadaama aysan jirin xeerar heer federal ah oo horay loo meelmariyey laguna kala baxo, maadaama aysan jirin maxkamad dastuuri ah oo kala saarta doodaha la xiriira dastuurka, maadaama Golayaasha baarlamaanka heer federaal aysan muuqan inay dooddan awood sharciyeed ku soo afjari karaan, maadaama ardayda Puntland ay yihiin dhibbanayaasha koowaad ee murankan, maadaama aan laga fursanaynin in xal la raadiyo, Maxaa la gudboon Puntland?

Shantan tallaabo ayaa la gudboon Puntland, sida ay ila tahay:

1. Puntland waa in ay garawsataa in murankan uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed. Arrimaha Waxbarashada iyo shahaadada waa goljilic ay u nugushahay Puntland, markasta oo khilaaf siyaasi ah yimaadana waa meel cadaadis laga saari karo Puntland, sidaa awgeed waa inay si dhab ah uga garnaqsato xal-uhelidda muraankaana. Waa raadinta xalku ka yimaado dhanka Puntland.

2. Ma jiro dastuur ama xeerar raadraac ah oo oo la tixraaci karo, sidaas awgeed marna lagama fursanayo in howshaan laga gaaro xal siyaasi ah (Political Agreement). Puntland waa inay miiska soo saarto doodda shahaadada dugsiga sare si la mid ah ama ka miisaan culus arrimaha doorashada. Waxaan laga fursnaynin inay kala heshiiso arrintan dowladda hadda talada haysa, wadahadallada siyaasadeed hadda socda waa fursad ay tahay in Puntland ka faa’iidaysato.

3. Xalalka Puntland ay miiska soo saari karto waxaa ka mid noqon kara inay oggolaato in Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku uu xafiis ku yeesho Garoowe, si goobjoog uga ahaado diyaarinta, qaadidda iyo sixitaanka imtixaanka shahaadiga ah. Xafiiskaan wuxuu fududayn doonaa wadashaqayn xafiisyada imtixaanka iyo bixinta shahaadada.

4. Waxaa muhiim ah in Puntland u ololayso sidii loo heli lahaa Siyaasadda Waxbarashada Qaranka iyo Manhajka Waxbarashada Qaranka kuwaas oo si buuxda uga tarjumaya hannaanka Federaalka. Sidoo kale in la dhiso Guddiga Imtixaanka Qaranka (National Examination Board) ayna u dhan yihiin dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka. Dhismaha guddigan wuxuu fududayn doonaa arrimaha farsamo ee Imtixaanada Shahaadiga ah.

5. Inkastoo ay u badan tahay in doodda dhanka Dowladda Dhexe ay salka ku hayso arrimo siyaasadeed iyo u hoggaansanaan Puntland laga doonayo, haddana Puntland kama fursanayso inay si dhab ah u dhagaysato doodda Dowladda Dhexe ayna aqbashaa wixii shuruud ah oo la fulin karo, mabaadi’da aasaasiga ah ee hannaanka Federaalka ahna aan ka hor imanaynin.

Muranka waxbarshada iyo shahaadada wuxuu culays weyn ku hayaa in badan oo ka mid ah bulshada Puntland, dowladdana waxaa looga fadhiyaa xal u helid dhaafsiisan cambaarayn iyo is-eedayn.

Safarka Madaxweyne Deni ee Muqdisho waa fursad xal looga gaari khilaafka shahaadada, waa haddii ay Puntland si dhab ah qodobkan miiska u soo saarto.

Faarax Bashiir Cismaan, Bare Jaamacadeed ahna falanqeeye arrimaha bulshada. xubin ka tirsan Madasha Haldoor.