Shirka Jabuuti iyo caqabadaha ku xeeran

Sidda aan la socono shirkii ka furmay dalka Jabuuti maalinkii shalay ahaa, ayaa ah shir caqabadihiisa wata oo ay dabada ka riixayeen dowlada Maraykanka, Midowga Yurub iyo dowlada Itoobiya. Shirkan kii ka horeeyey oo Addis Ababa lagu qabtay waxaa dabadda ka riixayey Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, inkasta oo uu ku guuldaraystay, kaddib markii dhanka maamulka Hargeysa uu culays siyaasadeed uga yimi shacabka gobolada Waqooyi Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana halkaas ku fashilmay shir lagu soo gogol xaaray dalka Itoobiya oo la doonayey in wajigiisa labaad lagu soo gunaanado magaalada Hargeysa.

Abiy Ahmed, oo ahaa maskaxda ka danbeeya wadahadaladii horay u dhexmaray dowlada dhexe iyo maamulka Somaliland ayaa markii uu fashilmay shirkii Addis Ababa, mar kale ciyaaray siyaasad kale oo uu la kaashanayo beesha caalamka oo ugu horeeyo Maraykanka, arrinkaas oo keentay in shir labaad lagu qabto dalka Jabuut, oo shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan dalkoodii labaad.

Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, oo ay beesha caalamku u kala dabqaadaysay ayaa wada aqbalay shir u dhaxeeya labada dhinac oo ka dhaca dalka Jabuuti, laakiin maamulka Hargeysa ayaa ku xiray dowlada Farmaajo in siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanada SSC aysan ka imaan dhinaca federaalka iyo Puntland. Inkasta oo go’aankaasi yeelidiisa ay ku cuslayd Farmaajo haddana waa uu aqbalay codsiga Muuse Biixi.  Shirarkii horay u dhacay ee ay yeesheen dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland sidda dowladii Sheekh Shariif iyo tii Hassan Sheekh waxaa caado ahayd in qaab miisaaman shirarka looga wada qayb geli jiray, halka waqtigan laga reebay siyaasiyiinta ka soo jeeda Puntland, waxaa siyasiyiin badan ay qabaan in madaxweyne Farmaajo oo ka habaabay matalaada siyaasadeed ee degaanada SSC ee Puntland ama ha ka yimaadeen dowlada dhexe.

Beesha caalamka oo si fiican uga dheregsan siyaaasada degaanada SSC isla markaana u aqoonsan degaano ka tirsan Puntland oo ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland, lama garan karo sababta uu Farmaajo uga tegay, inkasta oo la sheegayo inuu ku qanciyey siyaasiyiinta degaankaas ka soo jeeda qaarkood oo Xamar ku sugan in uu u samaynayo maamul ka madax banaan Puntland, arrinkaas oo ah fashil kale oo siyaasadeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna sheegay in wada-hadal kasta oo dhexmara Dowladda dhexe iyo Somaliland oo aan door laga siin Puntland aysan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda maadaama ay xuduud la wadaagto Somaliland islamarkaana ay degaanno ka haysato.

Sikastaba, haddii shirkan uu sii socdo ayaan laga baaqsanayn in la hello matalaada rasmiga ah degaanada SSC oo dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Puntland ee ka soo jeeda degaanada SSC ayaa u arka shirka Jabuuti ka furmay shir dowlada Farmaajo uu ku dafirtay xuquuqdooda degaan iyo mid siyaasadeedba, kaddib markii uu tixgeliyey oo kaliya dalabaadka ka imanayey dhanka maamulka Somaliland. Shirkan ayaa imanaya waqti degaanada SSC ee Puntland ay ka imanayaan baaqyo iyo banaanbax looga soo horjeedo shirka Jabuuti, maadaama aysan jirin cid ku matasha iyagga.

Dhanka kale shirkan ayaa looga arkaa Soomaliya oo dhan mid muhiimadiisa leh, marka laga fiiriyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, laakiinse u muuqda shir dhinac kaliya ka raran oo aan laga talagelin Puntland, wuxuuna shirkaas kusoo aadayaa waqti kala guur ah oo DF ay haystaan caqabado siyaasadeed oo ay ka mid tahay doorashooyinka dalka iyo xurguf siyaasadeed oo kala dhaxaysa maamulada dalka qaarkood, kuwaas oo caqabadooda wata.

Puntlandpost.com