Yaa mas’uul ka ah Amni darrada baahsan ee Puntland?

Ma’baadidii Puntland loo asaasay waxaa kow ka ahaa, in dadka reer Puntland helaan xasilooni iyo cid mas’uul ka noqota ammaanka qofka muwaadinka ah, si naftiisa iyo maalkiisu ugu badbaadaan, waana mida maamulkasta oo dunida ka jira waajibka ku ah inuu damaanad qaado dadka ku nool meesha uu ka taliyo.

Puntland waxay ku caan baxday nabadgelyo, balse sanadiihiiu dambeeyey waxaa soo foodsaaray amni darro baahsan, iyadoo ay ka dhaceen qaraxyo, iyo dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin dowladeed, shacab iyo ajaanib.

Madaxweyne Deni xiligii uu masharaxa ahaa wuxuu dadweynaha ku beerlaxawsaday in uu wax ka qabanayo xaalada amniga Puntland oo uu aad ugu dhaliili jiray dowladdii uu hoggaaminayey Cabdiwali Gaas.

8-dii Jannaayo 2019, baarlamaanka Puntland ayaa u doortay Siciid Cabdullaahi Deni inuu noqdo madaxweynaha Puntland, dad badan ayaa rumeysnaa in madaxweynaha cusub uu talaabada ugu horreysa oo qaado ay noqon doonto waxka qabashada xaalada amniga Puntland, balse xaalada ayaa ka sii dartay.

Madaxweyne Deni oo hadda xilka madaxtinimada Puntland haya 14 bilood ama hal sano iyo labo bilood, waxaa dhacay falal amni xumo , kuwii ugu saameyn badnaa oo adib ka dhaca degaanada Puntland.

Bishan Maarso oo kaliya dadka argagixisadu ku dishay Puntland waxaa kamid ah Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir, Mukhtaar Axmed Cumar Tinle oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Gaalkacyo, Ibraahim Bashiir Xasan oo Xildhibaanka lala dilay, Saleebaan Axmed Shire oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Ceynab Maxamed Bunge oo ahaa sarkaal ka tirsan ilaalada canshuuraha Boosaaso, sidoo kale bishan dad badan ayaa ku dhaawacmay weerarada argagixisada.

Magaalada Gaalkacyo ayaa ugu amni xun Puntland, waxaana sheekooyinka la yaabka leh kamid ah, iyadoo casarkii ay ka caraabaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa gobolka , kuwaas oo inta badan habeenkii ku hoyda magaalooyin ka bacsan Gaalkacyo, sida Bacaadweyn, Xarfo iyo Goldogob, sidoo kale qaar kamid ah Golaha deegaanka degmada ayaa amni xumo awgeed isaga cararay Gaalkacyo, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Garowe. Khatarta amni ee Gaalkacyo ma ahan mid ka timaada oo kaliya Al-shabaab, waxa ay sidoo kale ka timaadaa beelaha dega gobolka oo mararka qaar weerara xarumaha dowladda.

Boosaaso ayaa la qabsatay dilalka dharaartii dhaca , kuwaas oo inta badan loo geysto shaqaalaha dowladda, iyadoo inta badan aan gacanta lagu dhigin dhagarqabayaasha.

Caasimadda Garowe oo ahayd meeshii ugu amaanka badnayd Puntland, waxaa maalin ka hor qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey madaxweynihii gobolka (guddoomiyii gobolka) oo marayey goob ay ku yaaliin Taliskii guud ee ciiidamada Booliska Puntland iyo saldhigii bartamaha Garowe, waa tabardarro lagu arkay dowladda in argagixisadu ku dhiirato weerar ay ka geysato caasimadda.

Madaxweyne Deni iyo Taliyaha Booliska, waxay sheegeen in ay ka war hayeen weeraro ku soo wajan Puntland, dad badan ayaa is weydiinaya hadii xogtaas la hayey maxaa ka hortag loo sameynwaayey, oo xataa madaxda iyo xarumaha dowladda amnigooda loo adkeyn waayey?.

Sababta amni darrada Puntland u horseeday ayaa lagu tilmaamaa, iyadoo ciidamada Booliska iyo Sirdoonka aysan la ahayn awood ay ku hantaan ammaanka gudaha, ciidamada ammaanka Puntland ayaa helin tababaro, qalab iyo mushaar kufilan, waxay xuquuq u qaataan wax ka yar boqol doolar oo aysan marmarka qaar helin. Ciidanku ma haystaan damaanad dowladeed, taasoo keenta inuu ka baaqsado inuu tallaabo ka qaado kuwa ku xadgudbaya sharciga.

Ciidanka Booliska Puntland malaha amar qaadasho dhexe oo mideysan, taas oo keenta in ciidanku noqdo garabyo kala duwan oo u abaabulan hab beeleed.

Puntland in ay garanweydo meel laga jiro, waxa sababta ugu weyn u ah, iyadoo aan la hayn Sirdoon awood leh, waxaa Boosaaso iyo Gaalkacyo xarumo waaweyn ku leh ciidamo kala duwan oo ay kamid yihiin PSF, PMPF, PISA iyo Daraawiish, hadana waxay xakamayn la’yihiin dhacdooyinka amni darro ee magaalooyinkaas , sababtoo ah ma helaan xog, horaa loo yiri “War la helyaaba talo la hel”, Khubarada dhanka amniga waxay qabaan, in Puntland ilaa ay hesho Sirdoon xoog leh, aysan xakamayn karin amni darrada soo foodsaartay.

Madaxweyne walba oo Puntland yimaada wuxuu awood saaraa dhisida ciidamada madaxtoooyada iyo kuwo gaar u ah, kuwii horana waa iska kala tagaan, waa dhibaatooyinka waaweyn ee tayada ciidamada ka haysta Puntalnd.

Bulshada Puntland ayaa niyad jab ka muujiyay itaal darrida  dowladda uu hoggaamniyo Madaxweyne Deni, musuqmaasuqa iyo in aan xoogga la saareyn in shacabku helo adeegyada dowladda ee muhiimka ah ee ammaanku kamid yahay, balse wali waxay ka sugayaan xal u helida arrimaas, maadaama ay heysato fursad weyn oo ay wax kaga qaban karto.

Baarlamaanka Puntland oo horey loogu dhaaliilay in ay faragalisay xukuumadda ayaa, iyagana laga sugayaa in ay kula xisaabtamaan xukuumadda xil gudasho la’aanta.

PUNTLAND POST