Wasiirka Amniga Soomaaliya oo tabasho beeshiisu qabto u aaday Baydhabo

Wasiirka Amniga DFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo aaday Baydhabo

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo habeen hore kulan ay ku yeesheen Muqdisho cabasho beeleed ka keenay xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed ayaa maanta u ambabaxay Baydhabo.

Masuuliyiinta oo diyaarad gaar ah u qaatay Baydhabo ayaa ka kooban 13 xubood oo hoggaaminayo Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, waxaana kamid ah, Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo xubno kale.

Wafdigan ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo ay kala hadli doonaan tabasho ay beeshoodu ka qabto xildhibaanada dhawan la soo xulay ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa jabiyey xeerka anshaxa oo ku amraya in uusan ku lug lahaan khilaafka dowlad goboleedyada dhexdooda.

Arrintan ayaa loo fahmi karaa inay tahay mowqif dowladeed oo lagu taageerayo qabiil aan qancin.

PUNTLAND POST