Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo ka horyimid xildhinaanada cusub ee Koonfur Galbeed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka horyimid xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Eederaalka ayaa xalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga soo horjeedo xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed oo dhawaan lagu dhawaaqay.

Wasiiradda iyo xildhibaanada kulanka yeeshay oo kasoo jeedda degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa si cad uga soo horjeestay xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in beelahooda laga siiyay 9 mudane oo kaliay, ayna xag u leeyihiin tiro intaas ka badan.

Wasiirada kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostadda iyo isgaarsiinta Eng. Canshuur, Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cali Xasan iyo Wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumadda Kheyre.

Waxaa la sheegay in kulanka uu diiday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo usaguna ka soo ka soojeda degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug oo la dooonayey in wax laga weydiiyo qaabka loo soo xulay xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST