Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 7aad

Mohamed Ahmed Elmi

UMMADO DAWLADNIMADA KA HARAY

Waxa aynu soo sheegnay in markii laga gudbayay marxaladdii kobaad ee ugaarato-qaraabatada ay jireen dadyow aan ka gudbin oo qaabkoodii u sii noolaa imminkana caalamka laga heli karo baaqigooda. Waxaa kale oo aynu soo xusnay, in markii laga gudbayay marxaladdii labaad ee qabaliga ay jireen dad aysan dawladnimadu taaban. Waxa aynu sheegnay in ay jireen dadyow farabadan oo dhaqato ahaa laakiiin markii dambe marxaladahaan ka gudbay kadib kolkii dhulkoodii xaddaaraduhu ay salka dhigeen. Waxa aynu xusnay in dawladdii islaamku ay dadkii carbeed ka saartay mugdigii, diin la’aantii iyo jahligii, kana dhigtay ummad ilbaxa oo caalamka hoggaamisa. Nasiib darro dawladihii gayiga muslimiinta ka hanaqaaday waxa ay salka dhigeen gobalka Shaam, Ciraaq, Masar iyo Turkiya, taas oo sabab u noqotay in dhulkii Jaziiradda Carabtu aanu marnaba si qummaatiya ugaga baxin nolashii badwiga iyo qabaliga ahayd. Waana middaas waxa aynu maanta ka arkayno dawladaha ka jira gacanka carbeed ee iyaga oo qaniya haddana qabiilku uu wali nidaamkooda saldhigga u yahay.

Dhanka kalana majirin dagaalo waawayn oo ka dhacay qaaradda Afrika iyo xaddaarado xoog ku qabsaday oo nidaam dawladeed ka yagleelay. Sidaas daraadeed Afrika waxa ay u badnayd qabaa’il uu xukumo xeerkii qabiilku marka laga reebo meelo kooban oo ay ka mid ahayd waqooyiga Africa, Nubia, Xabashida iyo Boqortooyadii Qana oo ah midda Maalida manta looga talin jirey. Xitaa markii uu gumaystuhu qaybsaday qaaradda Afrika uma uusan wadin dawlad iyo dawladnimo toonna ee waxa uu u socday bililiqaysi iyo boob. Waxa uu sameeyey nidaamyo isaga wakiil u ah dadkana ku dhaqa xeerarkoodii. Afrika waxa ay xorowday iyada oo wali qabaa’isheedii ah, waxa lagu dhaqaana uu yahay xeerkii qabiilka. Walow magac dawladeed, qaanuun iyo magaalooyin ba ay jiraan haddana dadku wali waa qabaa’ishii, xeerku na wali waa kii raacatada . Waxaa kale oo iyana jira meelo kale oo Asia ka mida oo wali dadku qaabkii marxalddii labaad ee qabaliga u nool yihiin.

Dr Faransis Fukiyama oo ah siyaasad yaqaan u dhashay dalka Maraykanka waxa uu qabaa in meelaha ay dawladaha wanaagsani maanta ka jiraan ay yihiin meelihii ay xaddaaradda dawladnimadu xilli hore ka hirgashay. Meelaha aanay dawladnimadu ka hirgalin amaba ay xilli dambe dawlado daciif ahi ka dhismeen sida Afrika, caalamka carabta iyo koonfurta Asia waxa uu qabaa in ay yihiin meelihii aan taariikhda u lahayn dawladnimada. Meelahaan dawladahoodu maahan kuwo si qummaatiya u fulin kara himilooyinkii aasaasiga ahaa ee ay dawladi u taagantahay. In kasta oo ay dawladahaani u eg yihiin kuwo casriya oo u qaabaysan sida dawladaha casriga ah haddana xeerarka dhabtaa ee lagu dhaqaayi waa kii raacatada, qolo walba in ha u joogtee.

Dawlado Haray laakiin Dib u Dhashay

China: waxaa jirey meelo badan oo caalamka ka mida oo ay horay dawladnimo uga hirgashay laakiin xilligii baraarugga ama kacaankii warshadaha ka haray. Meelahaan waxa ka mida China oo aynu horay u xusnay in ay ahayd meelihii ugu horreeyey ee ay dawladnimadu ka hirgashay laakiin dabayaaqadii cahdigii Ming Dynasty adduunkii iska xiray taas oo sababtay in markii dambe ay quwadihii reer yurub ula dhaqmaan si xun, laguna khasbo heshiisyo lagu bahdilay. China heshiisyadaas waxa ay saxiixday ka dib markii looga adkaaday dagaalkii Daroogada (opian War) ee dhexmaray iyaga iyo ingiriiska. Qaybo ka mida heshiisyadaan China waxa ay ku waydey qayb dhulkeeda ka mida sida Honkong oo Ingiriisku boqol sano xukumayey.

Turkiya: waxaa si la mida Shiinaha u haray dawladdii waynayd ee islamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta oo aanay ka hirgalin kacaammadii isbaddaldoonka ee Yurub ka hirgalay. Daron Acemoglu iyo James Robison oo ah qorayaasha kitaabka “Why Nations Fail” waxa ay qabaan sababta reebtay dalalkaan in ay tahay nidaamyadii ka jiray oo hor istaagay isbaddaladii horumarineed cabsi ay ka qabeen awoodda in ay dhumiyaan daraadeed. Waxa ay tusaale u soo qaataan ishortaaggii Cusmaaniyiintu ishortaageen kacaankii daabacaadda. Dhaqaala-yahannadaani waxa ay ku doodaan in khaladkii Cismaaniyiintu galeen aanay kaligood u dhutin ee ay caalamkii islaamka oo dhan horomarkii iyo dawladnimadii casriga ahayad ba ka hor istaageen.

 Raashiya: dalka Ruushka ayaa ahaa goob uu dib u dhac wayni ka muuqday, kolka loo eego dawladihii dariska la ahaan jirey. Waxa ay ahayd meelihii aan xaddaaradda dawladnimadu uga hirgalin sidii ay uga hirgashay Yurubtii aan ka soo sheekaynay oo kale. Raashiya waxaa labo boqol iyo konton sano gumaysanayey Tataarkii caalamka mar qabsaday, kuwaas oo dib u dhac aad u wayn u gatstay. Raashiya waxa ay dawlad sal-ballaaran noqotay qarnigii 17aad ka dib markii uu taladeeda qabtay Sar Peter The Great oo ahaa asaasihii Raashiyadii Imbaradooriyadda ahayd. Laakiin Raashiya Petar gadaashiis ( marka laga reebo xilligii gabadhii Catherine the Great) waxa ay qaaday waddadii ay Cusmaaniyiinta qaadeen oo kale, kadib markii madaxdoodu iyaga oo ilaashanaya kursiga ay ka hor yimaadeen kacaamadii baraarugga cilmiga iyo dawlad dhisidda casriga ah.

Cusmaaniyiintii, China iyo Raashiya waxa ay dawladihii horumarayey ee reer Yurub uga gaddisnaayeen in ay ka jireen wax loo yaqaan “Obsolut Monarchy” oo ah boqortooyooyin kaligood talada leh una eg kuwa maanta Sacuudiga iyo gacanka carbeed ka jira. Meesha dawladahii reer Yurub ee horumarayey ay ka jireen waxa uu u yaqaan Ian Morris Low End State oo ah nidaam boqorka talada lala leeyahay illaa xad.

Japan: ayaa iyadu qaaday dhabbe ka gadisan midda ay qaadeen dawladahaan saddexda ah ee aynu soo xusnay. 1543-dii markii ugu horraysay ee ay reer Yurub cagta soo dhigaan dalka Japan waxa ay la kulmeen boqortooyo caalamka ka xiran uuna ka muuqdo dib udhac aad uwayni. Waxa ay u yimaadeen dal uu dagaal sokeeye ragaadiyey una kala xiran qabqablayaal dagaal. Lixdan sano ka bacdi xilligii Tokagawa, Japan waxa ay markii ugu horaysay midaysay gayigeedii kadib markii ay dawlad dhexe isugu keentay in ka badan labo boqol oo qabqable-dagaal oo dalku u kala xirxirnaa. In kasta oo nidaamkaani awoodda meel dhexe isugu keenay haddana boqorka talada wali waxaa la wadaagay qabqablayaashii oo aan suuragalin in Japan horumar dawladnimo oo la taaban karo samayso.

Laakiin wax waliba waxa ay isbaddaleen markii 1853-kii kolkii raxan maraakiib dagaala oo uu Maraykanku leeyahay subax ku soo xirteen marso ka mida kuwii Japan khasab na uga dhigeen in ay saxiixaan heshiis reer galbeedka u furaya suuqa Japan. Bahdilkaan ayaa dadka reer Japan u horseeday in ay dib u dhacii ka gudbaan. Wax ay bilaabeen sidii ay u dhisan lahaayeen dawlad u daabac eg kuwii reer Yurub gaar ahaan Jarmalkii. Kacaankaan waxa hormuud ka ahaa Emperor Meiji oo isagu ka tanaasulay qaybo ka mida awoodiisii si loo helo Japan xor ka ah in la gumaysto. Wax ka yar soddon sano ayaa Japan ku hirgalisey dawlad casriya iyo horumar cilmi. Japan bilowgii qarnigii labaatanaad waxa ay ahayd awoodda keli ee ka jirtey Aasiya.

 Maadaama ay ahaayeen xaddaarado hore iyo dawlado horay u jiri jirey, saddexdii dawladood ee hore ee aynu ka soo sheekaynay iyo Japan ba gadaal ayay ka saxeen khaladaadkoodii. Raashiya waxaa ka hirgalay kacaankii Polshavic oo soo afjaray boqortooyadii kuna baddalay dawladdii wayneyd ee Midowgii Soofiyeeti. China, kacaankii shuuciyadda ee uu bilaabay Mo Sadong uuna soo gabagabeeyey Deng Xiaoping ayay ku gaartay halka ay maanta marayso. Turkiya, maanta waa dalka ugu awoodda badan dalalka muslimiinta waana awood caalamiya oo kobcaysa. Waxa ugu muhiimsan ee u sahlay kuwaani in ay dib usoo noqdaan waa taariikhdii dawladnimo ee ay horay u lahaayeen iyo ka gudbiddii ay dhaqanka raacatada mar hore ka gudbeen.

Mohamed Ahmed Elmi

La soco qaybtii 8aad.