Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 6aad

Mohamed Ahmed Elmi

DAWLADO CASRIYA.

Waxaa muuqatay in bilowgii qarnihii 16aad ba caalamku soo kala harayey. Dawladdii xoogga badnayd ee Cusmaaniyiinta waxaa bilowday hoos u dhaceedii. Muslimiintii Andalos ee boqolaalka sano xaddaaradda Yurub ku lahaa gaar ahaan Spain iyo Portugal meesha ayaa laga saaray. Dawladdii waynayd ee Chinaha ayna xukumayeen qoyskii Ming, caalamka ayay iska soo xirtay, kadib markii ay reer miyigii ku xeernaa qiil qiil galiyeen. Laakiin  Yurub wixii ka dambeeyey heshiiskii Westphalia 1648-dii iyadu kor ayay u socotay, dawladaheeduna waa sii xoogaysanayeen marba marka ka dambaysa. Kobacii dawladnimo ee Yurub ka hirgalayey sabab ayuu lahaa aynu u kala qaadi karno dhawr kaan nooc.

1-Kacaankii Daabacaadda

Dawladdii Islaamka ee Spain ka jirtay waxa ay ahayd mid ay reer Yurub gaar ahaan Faransiisku ka dhaxleen cilmi iyo aqoon maadiya oo garaadkooda wax wayn ka baddashay. Nahdadaan cilmiga ahi waxa ay meesha ugu saraysa gaartay markii ay muslimiintu u gudbiyeey reer Yurub sida xaanshiyaha ama waraaqaha loo sameeyo. Cilmiga samaynta waraaquhu waxa uu ahaa cilmi muslimiintu siddeed qarni ay yaqaaneen. Barashadii cilmigii cusbaa waxa uu Yurub dhaxalsiiyey hirgalintii wixii loo baxshay “Printing Revolution” ee Jarmalka ka bilowday qarnihii 15aad. Tani waxa ay sababtay in culuumtii xajmi farabadan si fudud loogu daabaco iyo in ay fududaato akhrin-qoristii ku koobnaan jirtay dad yar oo ahaa dabaqadda sare iyo wadaaddada diinta. Malaayiintii Buug iyo macluumaad ee la daabacay ayaa waxa ay isaga dhex gooshtay dalalkii Yurub. Arintaasi waxa ay sababtay in aakhirkii cilmigii adduunka yaalay uu Yurub isugu soo ururo, aqoontaas ayaa markii dambe dhabbaha u sii xaartay kacaankii warshadaha.

2-Helistii Adduunka Cusub.

Muslimiintii ka talin jirtay Andalus lagama dhaxlin samaynta waraaqaha oo kaliye ee waxaa kale oo laga dhaxlay marista badaha oo ay iyana khabiir ku ahaayeen. Christopher Clumbus oo laga abaabulay lagana diray dhulkii islaamka laga qabsaday ee Andalus waxaa la rumaysanyahay in bad-mareenadii hoggaminayey ay u badnaayeen muslimiintii taqaanay Marista badaha. Chirstopher Columbus waxa uu sahamiyey gaddiga shishe ee bad-waynta Atlanticada halkaas oo uu ugu tagay adduun iyo dad dhan oo aan horay loo aqoon, waa qaaradda “America”. Yurub gaar ahaan Spain iyo Portugal waxa ay fakhriga tuureen kolkii ay taabeen hantidii ay lahaayeen dadkii Latin America loogu tagay. Dhulkaani ma uusan ahayn meel aysan xaddaaradi ka jirin ee waxa uu ahaa dhul ay ka talin jirey dawlado la nooco kuwii qadiimka ahaa ee aynu horay uga soo hadalnay. Waxaa ka jirey xaddaarado ay ka mid ahaayeen middii Inka iyo Astiga. Dahabkii iyo naxaastii dhulka cusub laga helay ayaa Yurub quwad iyo dawladnimo u kordhiyey. Sidaas si la mida ayaa Ingiriiskuna u qabsaday waqooyiga qaaradda Amerika, markii dambana u taabay Hindiya oo dhawr boqol oo sano ay ka talinayeen dawladdii Mugalka ee Muslimka ahayd.

3-Kacaankii Warshadaha.

Nahdadii cilmiga ahayd ee qarnigii 15aad bilaabatay iyo adduunkii laga helay caalamkii cusbaa ee la qabsaday waxa ay dariiqa u sii xaareen kacaankii warshadaha ee markii dambe ka hirgalay Ingiriiska qarnigii 18aad. Waa kacaankii sababay in wax soosaarkii gacanta ku dhisnaa uu si xawliya isu baddalo ka dib markii la kashifay mashiinno uumiga ku shaqeeya. Waa kacaankii sababay in Yurub ay hesho tamarta dhuxul-dhagaxda oo meesha ka saartay xaabadii la shidan jiray. Tamarta dhuxul-dhagaxdu waxa ay sahashay in si fudud loo isticmaalo birta. Waa marakan kolka maraakiibta waawayn ee birta ka samaysan la sameeyey. Waana xilligaan marka isticmaalka birtu ay wax ka baddashay isu socodkii dhulka oo la sameeyey xadiidka tareemadu ku ordaan. Waa marakan kolka ay reer Yurub noqdeen awood aan lala loolami karin gaar ahaan Ingiriiska oo maraakiibtii birta ahayd ay u sahashay in uu caalamka oo dhan ku qabsado. Haddii aynu si kale u niraahno waa marakan marka ay dawladnimada reer Yurub tisqaaday oo ay hoggaanka caalamka qabteen inta kalana la hoggaamiyayaal noqdeen.

4-Kacaankii Faransiiska

Kacaankii warshdaha ee Ingiriiska ka bilowday markii dambana Yurub oo dhan ku fiday, wax soosaarkii oo kaliya wax kama baddalin ee waxaa kale oo uu saamayn ku yeeshay qaab nololeedkii bulshooyinka. Xilliyadii aynu ka soo sheekaynaynay oo dhan, nidaam-siyaasadeedkii Yurub ka jirey waxa uu ahaa mid ku dhisan dawlado boqortooyo ah. Boqortooyooyinku waxa ay ahaayeen kuwo la kala dhaxli jirey, sharciyaddoodu na waxa ay ahayd in uu Alle doortay. Si aan sharciyaddaas cid kale ugu la loolamin waxa ay xiriir dhaw la lahaan jireen kaniisadda oo shaabadda u saari jirtey xukunkooda. Sidaas daraadeed in xukunkooda la diidaayi waxa ay ka dhignay in Alle la diidey. Nidaamka uu boqorku wax ku dhaqi jirey waxa uu ahaa mid aanu kaligiis si tooasa dadka u xukumin.

Boqorku waxa uu lahaa wakiillo uga wakiila magaalo walba. Wakiiladaas ama “madaxyawayntaasi” ( Nobleman) waxa ay lahaayeen dhulka oo ay canshuurta ka qaadan jireen qaarna boqorka u diri jireen. Boqorku waxa uu Madaxyawaynta xaq ugu lahaa in ay ciidan u keenaan kolka uu u baahdo, kuwaas oo noqon jirey dadka dhulkooda ka shaqeeya. Dadku na waxa ay ahaayeen kuwo madaxyawaynta u shaqeeya oo aan dhul lahayn. Waa nidaamkii Yurub isticmaali jirtay ee Feudalismka iyo Serfdomka loo aqoon jirey. Dadku beeralay ayay ahaayeen dhulkiina madaxyawayntii ayaa goostay sidaas daraadeed waa ku khasbanaayeen in ay dulmigaas ku hoos jiraa.

Lakiin markii uu kacaanka warshaduhu bilowday wax waliba way isbaddaleen. Dadkii madaxyawaynta u xaraysnaa ayaa ka fara baxsaday kolkii ay shaqooyin-gacameed kale heleen. Waxaa soo baxay dabaqad dhexe oo kacaanka warshaduhu dhalay loona shaqeeyo. Waxaa soo baxay wixii loo yaqaanay Free Cities-ka oo ahaa magaalooyin aan heshiiska Nobleman-ka iyo Aristocrat-ka mid na ku jirin. Tani waxa ay sababtay in dadkii xuquuqdooda siyaasadeed iyo middoodii nololeedba iminka ay dalban karaan. Iyada oo xaal sidaas yahay walina dadka badankii sii ay beeralay yihiin ayaa xaaladdii macayshadeed ee Faransiisku aad u xumaatay, taas oo keentay in beeralaydii ay kacaan.

Kacaankaas oo markii dambe dalka oo dhan ku faafay illaa boqorkii Faransiiska Louis XVI dhagta dhiigga loo daray 1793. Kacaankii Faransiisku waxa uu fure u noqday in uu boqortooyooyinkii Yurub badan koodii dhulka dhigo kadib markii ay ciidamadii Faransiiska oo uu hoggaaminayo Napoleon Bonaparte ay xorriyaddii uu shacabka Faransiisku helay u dhoofiyeen shucuubtii kale ee reer Yurub, illaa uu ka gaaray Mosko. Inkasta Napoleon aakhirkii dagaaladii lagu jabiyey markii uu Ingiriisku dagaalka soo galay intii kalana ay u midowday, haddana kacaankii reer Faransa  oo ay dabkiisii sii shideen indheer-garadkii enlightenment-ga ayaa aakhirkii soo afjaray dawladihii boqortooyooyinka ku dhisnaa, taariikh dawladnimo oo cusub na Yurub u furay. Waa dawladihii Hal ku dhagga looga dhigay Caddaaladda, Sinaanta iyo Dimuquraadiyadda ee madaxyawayntii talada ka faramaroojiyey. Si kale haddii aynu u niraahna na waa dawladaha casriga ah ee aynu imminka arkayno.

La soco qaybta 7aad

Mohamed Ahmed Elmi