Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya DF iyo DG ma guul baa mise guul-darro?

Sanadihii la soo dhaafay waxaa is hayey maamul goboleedyada iyo dowlada federaalka ee Soomaaliya ee madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la isku hayey habka loo wajahayo siyaasada dalka, fadhiyo badan oo ay yeesheen maamul goboleedya iyo DF la isku fahmi waa hanaanka federaalka dalka iyo sidda loo wajahayo.

Arrimaha la isku haysto ayaa salka ku haya dastuurka Federaalka ee Soomaaliya ee aan dhamaystirnayn, iyadoo meesha aysan ka marnayn siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo aan u jajabneyn hannaanka dowladnimo iyo u hogaansanaan la’aanta dastuurka dalka.

Tan iyo intii ay bilowdeen isfahan la’aan siyaasadeed oo u dhaxeysay DF iyo maamul gonoleedyada, waxaa sii saa’idayey kala fogaanshaha labada dhinac, waxaana DF ay bilowday siyaasad adag oo ku hujuumayso maamul goboleedyada, halka maamul goboleedyadu iyagoo ka duulaya maslaxadooda qaatay go’aan looga soo horjeedo DF sidda labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland oo bilaabay siyaaasad is gaashaan buuraysi ah si ay isaga difaacaan dharbaaxooyinka siyaasadeed ee uga immaanayey dowlada dhexe.

Khilaafka maamul goboleedyada ayaa soo bilowday mar hore, waxyaalaha la isaga horyimid waxaa asal u ahaa Kheyraadka dalka iyo sidda loo qaybsanayo, dhismaha ciidamo qaran iyo sidda loo wajahayo iyo dhamaystirka dastuurka dalka, si loo hello dastuur cad oo kala qeexaya waajibaadka iyo awoodaha maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Dowlada faderaalka ee waqtigan uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, arrimahaas oo dhan umma arkin in ay dan ugu jirto isla xisaabtan dhab ah oo dhexmara maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe, maxaa yeelay waxaa ka ratibmaya dood iyo isla xisaabtan dhab ah, kaas oo qaadanaya waqti aad u dheer si ay arrinkaas uga baaqsadaan oo xisaabtanku meesha uga baxo waxay bilaabeen siyaasad ay ilkaha uga siibayaan siyaasiyiinta dowlad goboleedyada hogaaminaya isla markaana lagu bedello kuwo ay dowladu maalgelinayo oo iyaga taageersan. Waxaa kaloo meesha ka cad in dowlada ay hogaaminayaan Madaxweye Farmaajo iyo Kheyre ay aaminsan yihiin in Federaalku uusan xal u ahayn dalka oo ay ka soo horjeedaan, iyagoo aan tallada ku darsan in dastuurka ay diidan yihiin uu yahay kii iyaga lagu dhaariyey oo ay iyagu xukunka ku koreen. Fahanka ay ka qabaan dastuurka federaalka ah oo ay si indirect ah u diidan yihiin waxaa suurtageliyey xildhibaanada federaalka ee Soomaaliya oo noqday kuwo daneystayaal ah oo ku milmay dowlada oo dhaqaale ka dhexsameeya magaalada Muqdisho meeshii ay noqon lahaayeen Xildhibaano dal iyo deegaan matella.

DF ayaa markii ay kala fogaadeen maamul goboleedyada waxay kaloo bilowday in ay maalgeliso dhanka Social Media-ha oo ay kula dagaalamayso maamul goboleedyada, si dadka loogu tusiyo in maamul goboleedyadu ay yihiin carqalad loona tusiyo dadka in ay qaran dumis yihiin iyagoo barnaamijkaas ku bixiyey lacago badan.

DF waxay kaloo bilowday in maamul goboleedyada sidda ay u kala tabar yar yihiin ay awoodooda uga wiiqaan. Koonfur Galbeed oo ahayd maamul tabar yar ayaa lagu tijaabiyey qorshahaas, waxaana DF u suurta gashay in ay dhardhaarka wareejiyaan Shariif Xasan oo ahaa waqtigaas madaxweyne kumeel-gaar ah, waxaana la sheegaa in isaga loo balan qaaday lacag uuna aqbalay inuu iscasilo, sababo la xiriira awood yaraan iyo isagoo aan haysan maamul adag iyo dhaqaale uu isaga caabin karo dowlada dhexe.

Tii ku xigtay waxay ahayd Puntland oo markaa uu madaxweyne ka ahaa Prof. Cabdiweli Cali Gaas iyadoo waqtigaas doorashadii Puntland ka dhacday ay DF soo saftay Eng. Jebiye, iyadoo sidda la sheegay ku kharash gareeyey lacag aad u tiro badan, laakiin kuma aysan guulaysan, iyadoo ay ugu wacneyd shacabka Puntland oo feejignaa iyo Madaxweyne C/weli oo aad ula dagaalamay DF siddii aysan saameyn ugu yeelan siyaasada Puntland, waxaana doorashadaas kusoo baxay Madaxweyne Deni. DF markii ay hanatay maamulka Koonfur Galbeed, beddelkeedana ay ku guuldareysatay Puntland, waxaa usoo baxday in maamulada kale ay sidaas si la mid ah ay ka samayn karaan.

Doorashaddii ku xigtay waxay kusoo aaday Jubbaland waxaana meeshaas ka bilowday xarig jiid xoogan oo dhexmaray maamulkii Ahmed Madoobe iyo dowlada Farmaajo. Madaxda dowlada dhexe marnaba kuma faraxsanayn in Axmed Madoobe uu mar kale ku soo laabto kursiga sababo la xiriira dhanka awooda iyo isaga oo ah nin aad u adag oo wax walba gorgortan ka galla, halka DF ay doonaysay in ay keeno siyaasi iyaga taageersan.  Loolankii ka dhacay Jubbaland, waxay keentay in doorasho lagu muransan yahay ay ka dhaco Jubbaland dibna loogu soo doortay  Axmed Madoobe, waxaana doorashadaas qaadacay DF, halka dowlada Puntland iyo mucaaradka DF ay taageereen ayna ka qayb galeen caleemo saarkii Axmed Madoobe.

Soo noqoshadii maamulkii Axmed Madoobe, DF waxay bilaabeen in ay ka cunaqabateeyaan maamulkii Axmed Madoobe dhanka hawada, taas oo dhalisay in dhibaato xoogan ay kasoo gaarto dadka shacabka ah, gaar ahaan ganacsatada iyo dadkii xanuunsanaa ee oo dibadaha isku soo daaweyn jiray , waxaana shacabku ay dowlada ka aamineen mid cadow ku ah. Fakirka ay dowladu qaadatay waqtigaas wuxuu ahaa mid sii kala fogeynayey shacabka Jubbland iyo dowladooda, waxaana arrinkaas dhaleeceeyey axsaabta mucaaradka ku ah dowlada Federaalka iyo Puntland oo sheegay in lagu tuntay dastuurkii dalka awoodii dalkana si khaldan loo is ticmaalay.

Sikastaba, dowlada federaalka waa qaadacday doorashadii jubbaland waxayna ku tilmaantay mid aan loo marin hannaan wanaagsan, halka Jubbaland ay ku doodaysay in ay iyagu xaq u leeyihiin in ay maamushaan doorashooyinkooda sidda Puntland, laakiin dowlada looga baahan yahay korjoogteyn.

Shacabka Jubbaland inta taageersan maamulka Axmed Madoobe ayaa aaminsan in dowlad sharciya ay mar kale u dhalatay, taasna waxaa keenaysa dowlada federaalka oo aan loo arkeynin mid dhexdhexaad ah target-keeduna uu ahaa in ay soo saarto rag ay iyagu wadato oo aan ka turjumayn rabitaanka shacabka Jubbaland, welina waxaa taagan khilaafka u dhaxeeya Madaxda Jubbaland iyo dowlada dhexe. Inkasta oo ay jireen siyaasiyiin badan oo mucaarad ah oo DF ay taageeraysay haddana ma ahayn siyaasiyiin saamayn weyn ku lahaa shacabka Jubbaland sidda Axmed Madoobe.

Waxaan kaloo wax ka taaban doonaa dagaalka siyaasadeed ee hadda ka dhex socda maamul goboleedyada qaarkood iyo DF, ma guuldarro ayuu Soomaaliya ku yahay oo waxuu dhabaha u xaarayaa burbur hor leh haddii siddan lagu sii socdo mise cashar hor leh ayaa laga baranayaa waxaana immaan doona tanaasul siyaasadeed iyo in la dhowro sharciyada dastuurka inta hadda heshiiska lagu wada yahay.

La soco qaybaha soo socda oo aan ku eegayno doorashadii Galmudug iyo sidda ay ku soo gababowday iyo heshiisyadii horay u galeen maamul goboleedyada iyo DF sabaha keenay in ay horay u socon waayaan.

Puntlandpost.com