Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 5aad

Mohamed Ahmed Elmi

U GOGOL XAARKII DAWLADAHA CASRIGAA

Dhicistii Rome

Waxa aynu horay u soo sheegnay in dabayaaqadii qarnigii 5aad ay qabaa’ishii Jarmalku dhulka dhigeen dawladdii Romanka. Ka hor intii aysan dhaqatadaani jabin dawladdii Romanka waxa jiray dagaallo qarniya socday oo labada qolo u dhaxeeyey. Inta badan dagaaladaan Romanka ayaa guushu raaci jirtey, laakiin marna uma suuroobin in ay ka takhalusaan qabaa’ishii badwiga ahayd ee u noolayd sidii uu Aadanuhu u noolaa marxaladdii labaad ee aynu soo tilmaanay.

Bartamihii qarnigii koobaad ayay Rome kula wareegtay dagaal faraha looga gubtay dhulkii ay u yaqaaneen Britannia oo ah England-ta manta, kadib markii ay maquuniyeen raacatadii Celtic-ga oo ahaa qoomamkii dhulkaas ku noolaan jirey. Rome waxa ay Britannia xukumaysay illaa 410 AD. Dhanka kalana dagaaladii u dhaxeeyey raacatadii Jarmalka iyo Rome waxa ay soo gabagaboobeen kolkii qabaa’ishaani ay ka gol roonaadeen dawaladdii Romanka dabayaaqadii qarnigii 5aad. Qabaa’shii dhaqatada ahayd ee aan xaddaaradda iyo dawladnimada midna lahayni waxa ay qabsadeen dhulkii kunka sano xaddaaradda iyo dawladnimadu ka jirtay.

Qabaa’ishii dhulkaan cagta mariyey waxaa ka mid ahaa Hans-kii, Almannigii, Angale iyo,Saxons-kii qabsaday ubucdii dawladda  iyo Goths-kii qabsaday dhulkii loo yaqaanay Iberian Penisula (Spain iyo Portugal). Raacatadii Franksh-ku iyagu waxa ay salka dhigeen dhulkii Romanku Goals u aqoon jirey ee imminkana Faransiiska loo yaqaan. England ayaa iyana sidaas oo kale waxaa qabsaday xilligaan qaybo ka mida qabaa’ishaan, gaar ahaan kuwii Angale-Saxonka. Qarnigii 8aad na waxaa yimid Viking-gii dhanka Denmark ka soo duulay dhulkana cagta mariyey. Ugu dambayna qarnigii 11aad waxaa England ku soo duulay Normankii ka soo duulay dhanka Faransiiska oo ahaa qaybo ka mida qabaa’ishaan, laakiin horay badawnimadii ugaga baxay. Kuwaan waxaa hoggaaminayey Boqorkoodii William kii loo yaqaanay “The Conqueror”. Kuwaani waa qolyaha luuqadda iyo dawladnimada Ingiriiska seeska u dhigay.

Wixii ka dambeeyey qaran-jabkaan,Yurub waxaa ku habsaday wixii loogu yeeri jirey casrigii madoobaa ee dib u dhaca, dawlad la’aanta iyo isdilka. Waxaa meesha ka baxay nidaamkii iyo kala dambayntii. Nasiib daro qolyihii dhulka qabsaday fawdo iyo halaag mooyee maysan ahayn kuwo kala dambayn iyo nidaam in ay dhisaan laga sugayey. Sida caadiga ah waxaa la yiraahdaa reer miyigu awood iyo karti ay wax ku qabsadaan waa leeyihiin lakiin awood iyo farsamo ay wax ku xukumaan ma lahan, taas ayaana rumowday. Laakiin wax waliba tartiib tartiib ayay isu soo baddalayeen ka dib markii cawaantii reer guuraaga ahayd ay Masiixiyaddii qaateen, gaar ahaan xilligii dhidibada loo taagay dawladdii Holey Roman Empire-ka qarnigii 9aad. Dadyowgii cawaanta iyo reer guuraaga ahaa iminka waxa ay noqdeen kuwo ah masiixiyiin madaniyiina oo horseeday in ay mar kale ku hammiyaan dib u yagleelidda Roman Empire-kii ay iyagu dumiyeen.

Xligii dib u curashada

 Boqor Charlemagne oo ahaa duubkii Frankishka oo ahaa qabiil ka mida kuwii Jarlamaka ee dhulka qabsaday ayaa hogaamiye ka noqday nidaamkaan cusub ee dib u dhalashada reer Yurub. Charlemage oo imminka ah boqor masiixiya waxa uu weerar masiixiyayn iyo dawlad-dhisid ah ku qaaday qabaa’ishii ay raas-wadaagga  ahaayeen oo wali cawaanimadoodii ku sugan, gaar ahaan kuwii Saxon-ka. In kasta oo dawladdaani guulo badan soo hoyisay dadyow badanna la maquuniyey lana masiixiyeeyey, qabaa’ishii reer guuraaga ahaana la tarbiyeeyey oo dawladnimada loo hoggaanshay, haddana aakhirkii dambe dadaaladaani Yurub waxa ay dhaxalsiiyeen dagaalo istaagi waayey iyo loolan hoose oo dami waayey. Waa xilligii ay dhaceen dagaaladii soddonka sano iyo kuwii siddeetanka sano. Waa xilligii ay yurub madaahibta diiniga ah isu laysay ee birta layska aslay. Waa xilligii madhabka Protestan-ku soo baxay fallaago na ku noqday madhabkii Catholigga ee masiixiyadda saldhigga u ahaa.

Heshiiskii Westphalia

Dagaaladii xoogga badanaa ee dhacayey labadii qarni ee 16aad iyo 17aad oo u dhaxeeyey labo xulufo oo dawladihii reer Yurub ka mida ahaa, waxa ay sabaabeen in Yurub kala adkaan waydo, maxaayeelay maamuladu waxa ay u badnaayeen dawlado isu itaal dhaw. Kolkii ay dhici wayday in hal qolo inta kale muquunisa, ama xulufo ay xulufo kale ka itaal roonaato, Yurub waxa ay gacan ka hadalkii ku soo afmeertay heshiiskii caanka noqday ee Westphalia 1648. Waa heshiiskii lagu dhammeeyey colaaddii qarniga socotay. Waa heshiiskii salka u noqday dawladaha casriga ah ee imminka Yurub ka jira inta kalana ku faafay. Heshiiskaani waxa uu dhigayay in la kala madax banaanaado, aan la isfaragalin, cid waliba xudduudaheeda leedahay iyo in aan madaahibta diiniga ah la isku layn la iskuna khasbin. Wixii heshiiskaan ka dambeeyey Yurub waxa ay gashay casri cusub oo ay dawladaheeda u dhisatay si ka gadisan sidii kuwii hore u dhisnaan jireen. Waxa uu heshiiskaani Yurub dhaxalsiiyey nidaamka dawladaha casriga ah ( modern States) iyo midka Natoin States-ka loo yaqaan. Oo ah meesha dawladnimada aynu manta naqaanaayi ka soo jeedo. Dawladaha noocaasa waxa aynu uga hadli doonaa qormadeena dambe haddii Alle idmo

La soco qaybata 6aad

Mohamed Ahmed Elmi.