Madaxweyne Deni oo lagu soo dhaweeyay Jabuuti

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhaweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Cali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Puntland ma sheegin u jeedada safarka Madaxweyne Deni ee Jabuuti, balse ilo’ xog ogaal ah yaa Puntland Post u sheegay in safarkaasi la xiriiro marti-qaad Madaxweyne Deni ka helay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, islamarkaana safarkiisu ku saabsanyahay iskaashiga Puntland iyo Jabuuti.

Warar kale oo Puntland Post heshay, oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya, in madaxweyne Deni safarkiisu ka dambeeyay, kulan uu dhowaan la qaatay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika Gen. Stephen J. Townsend.

Gen. Townsend ayaa sida wararku sheegayaan madaxweyne Deni kala hadlay, in Talis cusub ay AFRICOM ka sameysato Boosaaso, si loo xoojiyo la-dagaallanka Argagixisada.

Balse, arrintaas oo ay horay uga wada-hadleen dowladda Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM, ayeysan weli Puntland go’aan rasmiya ka qaadan.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Saraakiil sare oo Maraykan ah uu madaxweyne Deni kula kulmi doono magaalada Jabuuti, si arrintaas loo sii dhaqaajiyo.

Maraykanka ayaa la aaminsanyahay in uu si weyn u raadinayo saldhig kale oo ka sameysto Badda Cas, halkaasi oo uu ku yaallo Gacanka Cadmeed ee Istiraatiijiga ah.

Dalka Jabuuti, waxaa saldhig ciidan ku leh dalal kala duwan oo awood leh, kuwaas oo uu kamid yahay waddanka Shiinaha oo Maraykanka kula xifaaltama Qaaradda Afrika.

PUNTLAND POST