Sidee Villa Somalia uga hadashay kulankii Farmaajo iyo Biixi?

Cabdinuur M. Axmed, Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya


Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay kulan ay shalay Addis Ababa ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somallilnad Muuse Biixi.

Bayaan kooban oo bartiisa Facebook-ga ku qoray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayuu ku sheegay in Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulmeen Addis Ababa.

Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiya Ahmed martigalinta kulanka Farmaajo iyo Biixi.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, ma uusan sheegin, wixii looga hadlay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay Addis Ababa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali marti-gelinta kulankii shalay” ayuu ku yiri qoraal, Cabdinuur.

Kulankii Addis Ababa ee Farmaajo iyo Biixi, wuxuu ahaa mid horey loo ogaaday, balse aan ilaa iyo hadda la garanayn wax looga hadlay.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo aan wax war ah siin Warbaahinta.

PUNTLAND POST