Abiy Ahmed oo kulan siiyay Farmaajo iyo Muuse Biixi

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ku kulmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac, balse sida ay ku warrantay idaacadda VOA-da oo soo xigatay ilo-wareedyo ay ku kalsoon tahay ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ku kulmeen xafiiska Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Ilaa hadda ma cadda waxa ay ka wada hadleen, waxayse wararku sheegayaan in kulankoodu uu qaatay muddo hal saac ku dhow.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda kaliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wufuuda labada dhinac iyo cid kale midna.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ay dib u dhaceen.

Dowladda Itoobiya ayaa maalmo ka hor isku maqaam ku soo dhaweysay Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

PUNTLAND POST