Soomaaliya, Turkiga iyo Qadar oo ka wada hadlay amniga waddada Muqdisho iyo Afgooye

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay safiirrada dalalka Turkiga iyo Qadar, maamulaha Shirkadda Enez iyo taliyaasha booliiska iyo xoogga oo uu wehliyo taliyaha booliiska gobalka Banaadir.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqeynaya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa faray taliyaasha ciidanka ee kulanka ka qayb galay inay la yimaadaan hannaanka ugu haboon ee lagu xaqiinayo ammaanka si howl wadeennadu ay si dhaqsa ah ugu soo gebagebeeyaan dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Safiirrada Turkiga iyo Qadar ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalkiisa ku aaddan bed-qabka howl wadeennada shaqada ku jira iyo ka mira dhalinta mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Sanduuqa horumarinta Qadar ayaa maal geliyay mashruuca dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye, oo dhismihiisa ay fulineyso Shirkadda Enez oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo shalay kulan gaar ah la qaatay maamulaha shirkadda, Seracettin Aksun ayaa ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

PUNTLAND POST