Kheyre oo ballan-qaad u sameeyey shirkadda dhisaysa wadada Muqdisho iyo Afgooye

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun ee dhisaysa wadada Muqdisho iyo Afgooye

Kheyre ayaa uga tacsiyeeyay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun dhibaatooyinkii ka soo gaaray weeraradii ay Al-shabaab u geysteen howl-wadeennadooda, intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Seracettin Aksun ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay garab istaagga joogtada ah, wuxuuna caddeeyay in taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku dhiirri gelineyso inay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imanaya Al-shabaab

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Ra’iisukl Wasaaraha Soomaaliya ayaa maamulaha shirkadda Enez u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo maamulaha Shirkadda Enez, ayaa ku soo aadaya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayeen in shirkadaasi joojisay dhismihii wadada Muqdisho iyo Afgooye, kadib weeraro is-xigxiga oo ay ku qaadeen Al-shabaab.

PUNTLAND POST