Xilkasnimo la’aantaada: Aaway kaalintaadii?! (Q2)

Dawladi waa dad iyo dal leh nidaam iyo cahdi dastuur ah oo ay isku maamulaan, isla markaasna leh xudduud ka soocda dalalka kale, oo ay maamusho xukuummad ugu adeegaysa dastuurka ay ummadu dhigatay ee ay ku heshiisay. Waxaa iyadana qof kasta oo muwaahdhin ah waajib ku ah ilaalinta sharciga, ama ha ahaado mas’uul dowladeed ama qof shacab ah.

Amazon Forest ayaa dhawaan laga helay qabiilooyin cusub oo dunida kale aan weligood wax xiriir ah la yeelan, maxaa maskaxdaadu ku siinaysaa markaad maqasho qabiil cusub ayaa hadda la helay?, marka laga soo tago hab nololeedkooda, waxaa ugu horeeya ee aad ka fakaraysaa waxaa weeye sharciga ay leeyihiin sida ay u dhaqmaan iyo weliba qaab dhaqankooda kale ee ay gaarka u leeyihiin, taas waxaan ula jeednaa in dadkan ay leeyihiin nidaam nololeed oo iyaga gaar u ah oo leh xeerar inyo nidaam is maamul oo iyaga u gaar ah oo aysan dadyowga kale ee dunida shaqo ku lahayn.

Marka laga hadlayo dalka Soomaaliya ayaa moodaa dadka iyo sharcigu  marti isu yihiin oo aysan is fahansanayn ama aysanba is garanayn, dhibtu waxay ka imaanaysaa haddii laba qof ama shay aysan is garanayn, waxay u baahanyihiin  cid is barta oo is fahansiisa, cabashada ugu badana waxay ka imaanaysaa sharciga oo waayey cid garab istaagta, malaha sidii waa ay dawladii kacaanku u laashay sharciga 1969!.

Magaalooyinka Soomaaliya ayaa waxaa buux dhaafay baabuur gabowday oo tayo ahaanna liita, oo aan la marin wax baaritaan ah, taasi oo ay sii kaabtay xirfad la’aanta darawaliinta iyo waddooyinka oo aad bur bursan, tanina waxay sababtay shilal aan dhamaad lahayn iyo kaalin riix (saxmad) inta badan kugu khasbi karta inaad iskaba dhaafto kaxaynta baabuurta, waana yartahay inaad aragto booliiska waddooyinka oo kala hagaya baabuurta isku xaniban.

Tusaale ahaan magaalada Hargaysa ayaa labada waddo ee halbowlaha u ah laga dhigay kuwo dhinac qur ah loo aadi karo (one way) iyadoo lagu yaraynayo kaalin riixa baabuurta,waxaadna arkaysaa hal askari oo xilliyadda rawaxaada shaqada taagan meelaha isgoysyada isagoo siiriga/firinbiga isticmaaliya si aan wax hakad ah u imaan, waxaadna moodaa inkastoo weli xanibaadu jirto haddana in shaqadu socoto, runtii waa yidiilo haddiiba aad aragtid wax shaqaynaya. Waxaa jira ciriir nafsaani ah oo qofka wax fahmi karaa dareemayo in jidadka magaalooyinka iyo baabuurtu kala badan yihiin sharcigii ilaalin lahaana meesha ka maqan yahay.

Maamulka Puntland ayaa haddii aad magaalooyin dhex marto aadan inta badan arkayn wax booliiska wadooyinka ah oo shaqaynaya, waxaana la ii sheegay inay shaqeeyaan oo keliya kolka madaxdu socdaalayso ama soo degayaan, waxaana weli marti isu ah darawalka xirfad laawaha ah iyo sharciga loogu tala galay oo ah booliiska waddooyinka.

Waxaa si gaar ah tiro badnaanta gaadiidka la ciir-ciiraysa magaalada xarunta ah ee Garoowe, waxaana dhacda in marar badan socodka gaadiidka ay xannibaad ama hakasho weyn oo waqti dheer qaadata ay ku timaado, oo aad ka bixi weydo, iyadoo waliba waddooyin dhowr ah la dhisay, hadana waxaan qabaa haddii la heli lahaa booliiska waddooyinka in xanibaada iyo sharci jibintu inta ka yaraan lahaaayeen.

Dadka Deegaanka ayaa ii sheegay in xilligii dawlada C/raxmaan Faroole la soo taba-baray 60-meeyo nin oo ciidamda booliiska wadooyinka ah oo ay lahaayeen talis gaar ah loona kala qeybiyay gobolada, hase ahaatee  ay xilligii dawladiisa ka dib aysan hawl gelin, la iima sheegin sabab cad oo ay u shaqayn waayeen, laakiin waxaa dadka qaarkiis qabaan inaysan cid daryeesha iyaga iyo qalabkoodaba aysan jirin layskana ilaaway, dadka qaarkii ayaa qaba in booliiska waddooyinka dhaqan ahaan sidii la rabay aysan u shaqayn una dhaqmin qaybna ay ka yihiin dhibta taagaan.

Dhanka dambe  koonfur bari ee dawlada Hoose ee magaalada Garoowe waxaa taagan laba askari booliiska waddooyinka ah iyo nin rayad ah oo gacanta ku haysta file xaashiyo ka buuxaan, waxay joojinayaan baabuurta,waxayna weydiinayaan inay bixiyeen canshuurtii dawlada hoose,waxaase xoog ii soo jiitay kolkii mid ah askarta booliisku isagoo isticmaalaya siiriga ul yarna gacanta ku haysta uu isku dayey inuu joojiyo gaari, hase ahaatee gaarigii oo xawaare sare ku socda uu dhaafay! waxaan wediiyey askariga haddii ay haystaan mooto lagu qaban karo baabuurka sharciga jebiyey laakiin ima siin wax jawaab ah waxaana ka muuqatay caro, runtii waxaan aad ugu faraxsanaa inuusan hubaysanyn askarigu, mushkiladuna waxaa weyee askariga meesha taagan waa ilaaliyihii iyo xoojiyihii qaynuunka ninka baabuurka la cararaya iyo sharcigu waa isu marti oo isma yaqaanaan. Askarigu ma haysto qalabkii uu ku qaban lahaa sharci jebiyaha,hubkiina waa iska dhigay sababtoo ah haddii uu waxyeelo gaysto waa dushiisa,oo sharciga shaqeeyaa waa qabiil,waa suurta gal haddii cidi ku dhimato in loo toogto,waxaa sidaas ku dumay sharciga oo aan haysan cid u gargaarta,waxaanu u garba duub ugu xiran yahay dad aan arag sharciga oo awood dowladeed ay si dhab ah u ilaalinayso una haysta in sharcigu magan u yahay Nabad-Doonka!.

Tusaalaha kale ee iila yaabka badnaa waxaa uu ahaa inta badan Soomaaliya fiidkii waa la caweeyaa, meeshii nabadi ka jirto ,mudo dhoweyd oo aan sidaas u sii fogayn ayaa waxaa dul maray dabakaayo horteeda lagu cawaynayo nin gaari la ordaya,waxaana uu dhaawacay ilaa laba qof, waxaana isaga oo aan gadaal soo fiirin uu u cararay oo galay saldhigii ugu dhowaa saldhiga uu galayna kama ahayn ilaalinta sharciga waxaa kula cararay cabsi,waxaa yaab lahayd kolkii la ii sheegay in gaariga maalin ka hor loo gaday loona sheegay inuusan wadin,cajiib! waxaa loo gaday shalay caawana waxaa uu dusha ka maray bulsho cawaynaysay, laakiin su,aasha mar kasta aad is weydiinaysaa waxay tahay darawaliinta kale ma yihiin kuwo isaga xirfad dhaama oo sharciga ilaalinaya?.

Mid kamid ah Baabuurta burbursan ee waddooyinka mara

Waxaa xusid mudan inaad inta badan magaalooyinka ku arki karto baabuur aan lahayn muraayad haadyada iyo weliba tan dhexe,waxaad iyana arkaysaa baabuur burbursan oo aan loogu tala gelin inuu wadada soo fuulo, waa arrin sharciga ka soo horjeeda in gaarigu socdo muraayadahaas la’aantood iyo isaga oo burbursan, waxaa meesha ka maqan hay’adihii darawalka xirfad laawaha ah sharciga ku ilaalin lahaa, maxaa yeelay mar kasta oo booliiska waddooyinku ku joojiyaan waxay ku bari karaan qodob ka mid shuruucda u taal waddooyinka iyo gaadiidka haddiise la waayo booliiska waddooyinka sharciguna waa laalan yahay.

Kol haddii la sameeyey waddooyin dhowr ah oo laami ah waxaa imaanaya meelo waddooyinka iska goynayaan,waana meelaha ugu halista badan shilalkuna inta badan ka dhacaan, waxaana inta badan baabuurta lagu kexeeyaa xawaare sare, baqdinta ugu badan waxaa weeye waa tiiyoo aysan jirin wax calaamad ah oo ku tilmaamaysa hadba xaaladda u gaarka qayb kasta oo waddada ka mid ah, sida hoobad, meel dad badan maraan, meel dugsi ah, suuq cagta ku badantahay iyo xawaaraha ku haboon meel kasta, mana kala haraan calaamadaha wadooyinka iyo booliiska taraafikada.

Marka aad ka hadasho qodobo noocaan oo kale ah, ama wax uun sharciga ku saabsan waxaa laga yabaa in badan oo bulshada ka mid ahi inay kuu arkaan qof riyoonaya, waxayna aad ula yaabayaan in sharciba laga hadlo,waxaana tani dhiiri gelin kartaa in dad weynuhu si  isku mid ah sharciga uga wada tagaan ”deriskaa mar ku diin mar ku dayo marna ka darrow”.

Magaalooyinka waaweyn ayaa tiiba waxaa ku filaan lahaa ilaa 50 booliiska waddooyinka ah, dhalin-yaro ah aqoon sare leh, tababar fiican la siiyey mushaar joogto ahna qaata, qalabkooduna uu u dhamays tiranyahay, waxaana ay noqon lahaayeen macalimiin casharo wanaagsan siiya darawal- xumaha baabuurka iska wada ee aan weligii bidix iyo midig midna fiirin.

Kaalinta maamulka dawlada Puntland ayaa ahayd inay mar walba isha ku hayso wax yaabaha aasaasiga ah, sida baaxadaha magaalooyinka ee la koraya bulshadooda iyo weliba adeegyada joogtada ah ee gaadiidku iyo waddooyinku ka mid yahiin, waxaana moodaa inay meesha ka maqantahay fahanka khatarta iyo horumarka is garab socda ee arrintani keeni karto.

Dawlada Cusub ee hadda uu hogaanka u hayo Mudane Siciid C/llaahi Deni ayaan eeda loo wada xambaarin karin, maadaama hadda ay tahay mid socod barad ah oo aan weli saanta si wanaagsan u qaadin, waxaana aad rajo fiican looga muujinayaa inay shaqo muuqata la imaan doonto haba luudo e’, waxaase xilkasnimo la’aan ah in bulshada Puntland si wada jir ah u arki weydo khatarta baaxadda leh gaadiidku dad iyo deegaanba ku hayo, isla markaana ay yartahay cid xil iska saaraysa. Balse darawal ahaan iyo shacab ahaan adigu ilaalinta sharciga kaalintaadii maka qaadatay?.

Xilkasnimo la,aantaada la soco qayta danbe.

Abdirazak Yassin Caanogeel

PUNTLAND POST