Farmaajo oo markii ugu horeysay ka qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay ee New York

Madaxweyne Farmaajo oo ambabaxay Maraykanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Maraykanka, si ay uga qeyb galaan mareetada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne farmaajo ayaa kalmad ka jeedin doono madashan kulminaysa hoggaamiyeyaasha Caalamka, iyada oo meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu sumaday “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar gooynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbaddelka cimilada.”

Wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya howlaha meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qeyb galaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee hoggaamiyeyaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa safka hore kaga jira xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada.

Madaxweyne farmaajo waxaa safarka ku weheliyey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii hore ee Agoosto dib u celiyay Jinsiyaddii uu ka haystay waddanka Maraykanka, oo horay ugu diiday ka qeyb galka shir weynaha guud ee Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST