Madaxweyne Farmaajo oo iska celiyay Jinsiyaddiisii labaad ee Maraykanka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta oo Khamiis ah dib u celiyay Jinsiyaddiisa labaad oo ka haystay waddanka Maraykanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu dib u celiyay Jinsiyaddiisa labaad ee uu ka qaatay dalka Maraykanka” waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii labaad ee uu ka qaatay dalka Mareykanka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo qoraalka lagu xusay in hawsha celinta Jinsiyadda labaad ee madaxweyne Farmaajo ay soo socotay in muddo ah, ayna ku hawllanaayeen sharci-yaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan Jinsiyadaha labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka ” Hawshani waa mid soo socotay in muddo ah oo ay ku hawlanaayeen sharciyaqaanno iyo xafiisyada qaabilsan jinsiyadaha ee Soomaaliya iyo Mareykanka”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegaya in mudadii uu xilka hayay dhib kala kulmay jinsiyaddiisa labaad ee Maraykanka, isagoo shirar dhowr ah oo Maraykanka ka dhacay uga baaqday, maadaama sharciga Maraykanka uu diidayo in qof dhalasho ka haysta dalka, haddana madax ka ah waddan kale uu soo galo gudaha Maraykanka.

PUNTLAND POST