Taliye ciidan oo lagu xiray magaalada Garoowe

G/sare Dhool-gu’

Dowladda Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay xabsiga magaalada Garoowe dhigtay taliyihii qeybta Booliiska gobolka Cayn ee Puntland G/sare Ibraahim Cabdi Balayax (Dhool-gu’).

Taliyaha oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Garoowe ayaa xabsiga la dhigay kadib markii sida la sheegay uu diiday amar ay siiyeen taliska Booliiska Puntland oo la xiriiray in uu dib u-habayn ku sameeyo Booliiska gobolka Cayn islamarkaana shaqada ka cayriyo askarta aan sida joogtada ah u hawl-gelin.

Warbaahinta Puntland Post ayaa la xiriirtay taliyaha Booliiska Puntland iyo ku xigeennadiisa si ay faahfaahin uga hesho xarigga sarkaalkaasi balse midkoodna kama jawaabin taleefonka.

Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post