Dawladnimadu ma af keliya ayey ku soo hartay?

Dawladnimo marka laga hadlayo micne ahaan si guud erayga waxa weeye in wadan uu leeyahay dad loo igmaday inay hogaamiyaan wadankaas si ay ugu adeegaan dadweynaha una ilaaliyaan madax banaanida dalka iwm.

Haddaan eegno dalka Soomaaliya waxaa moodaa dadka badankiis inay u fahansan yihiin dawladnimada eray ahaan oo keliya oo aad maqlaysid meelo badan in lagaga dhawaaqo waxaan leenahay dawlad, khaasatan sida hada wadankeenu u dhisan yahay ee ah maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya.

Hadaba marka laga soo tago eray ahaan micnaha dhabta ah ee dawladnimo waa maxay?

Dawladnimo akhristow kuma xirna tirada dadka wadanka degan iyo cabirka dhulka uu leeyahay ama haysto, sababtoo ah wadamada caalamka maanta marka aad eegto waxaa jira kuwa ka kooban hal magaalo oo keliya ama dhul aad u yar haddana magac dawladnimo leh meel sarena ka jooga nidaamka dawladnimada iyo qarannimada.

 Tusaale wadanka Singapor,  waa dal aad u yar oo ka kooban hal magaalo, masaaxada dhulkeeda lagu qiyaaso 721km2 (Todoba boqol iyo labaatan iyo kow kilo mitir 2-ba jibaaran) hadana dhinaca kale waa dawlad qani ah oo siweyn caalamka oo dhan loo ixtiraamo xag maamul, xag maaliyadeed iyo xag tayo aqooneed intaba. Tirada dadka Singapore waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 5,000,000 (Shan milyan iyo wax la jira) kana kooban qowmiyaddo iyo diimo kala duwan.

Soomaaliya dhulkeeda waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 637,655 km² (lix boqol sodon iyo todoba kun, lix boqol konton iyo shan  kilo mitir laba jibaaran). Isu bar bar dhig baaxada dhulka Soomaaliya iyo kan Singapore ee aan kor ku xusnay iyo heerka tayo iyo horumar ee labada dal kala joogaan. Tirada dadka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ku dhow 15,000,000 (shan iyo toban milyan).

Xornimadda Singpore waxay ka qaadatay dalka Malaysia sanadku markuu ahaa 1965 halka dalka Soomaaliya xornimada qaatay 1 Luulyo, 1960 kii.

Waxaa sidoo kale tusaale aan u soo qaadan karnaa wadanka Qatar oo ah wadan muslim ah habka xukun kooduna ku salaysan yahay boqortooyo iyo  xukun iska dhaxlid.  Cadadka dhulkooda waxaa lagu qiyaasaa 11,437 km2  (Kow iyo toban kun, afar boqol sodon iyo todoba kilo mitir 2-ba jibaaran), waxayna ka mid tahay wadamada aduunka ugu qanisan saameyn weynna ku leh caalamka marka loo eego tirada dadkeeda iyo dhul ahaan.  Tiradda dadka Qatar waxaa lagu sheegaa in ka badan 2,000,000 (laba milyan wax kor u dhaafsan).

Hadaba burburkii dalkeena ka dib, hadaan  Soomaali nahay maxaan ugu gaabsanay in dawladnimadeenu noqoto magac afka laga sheegto  oo aynaan u fahamsanayn waxa dawladnimada dhabta ahi  tahay.

Inta aanan u gelin qoraalka intiisa kale, waxaan tusaale u soo qadanayaa dalka Ingiriiska oo aan muddo ku noolaa anigu;  waxaan halkaas ku soo arkay nidaam ku salaysan dawladnimo rasmi ah ,taas oo ah in adeegyada kala duwan ee dadweynuhu u baahan yahay loo qabto, loona geeyo oo loo dhoweeyo sidaas awgeedna aan waxba looga baahnayn madaxda sare ee dalka hadey tahay Boqorad, Raysal wasaare, Wasiir, Xildhibaan iwm. 

Waxkasta oo qof ku noloshiisha u baahan yahay ahna waajibaad dawladeed wuxuu ka doonanayaa ama ka helayaa xafiiska dawladda hoose ee degmadda uu degan yahay iyo goobo kale oo cayiman. Kumana xirna qofku meesha uu degan yahay si uu u helo adeegga guud ee waajibaadka dawliga ah. Magaalo yar iyo mid waynba waa la geeyey waana laga helaa adeeg kasta.

Adeegyada kala duwan ee qof ku ka helayo goobta ugu dhow ee uu degan yahay waxaa ka mid ah; xarumaha caafimaadka, goobaha waxbarashada, daryeelka nadaafada iyo fayo dhowrka, siduu shaqo ku heli lahaa, taakuleynta dhaqaale ee qofka ama qoyska, meeshii uu u caban lahaa haduu waayo adeeggii uu rabay, maxkamad, booliis iwm.   Wax siyaasi ahna uma baahanayo qofku waxyaalaha khuseeya nolol maal meed kiisa oo dhan.

Dhamaan adeegyadaas uma baahanaysid inaad qof ka xaysato si uu kaala hadlo ama inaad laaluush bixiso iwm.

Tusaalahaas kore kadib, hadaan eegno dawladnimadda Soomaaliya khaasatan maamul goboleedyada oo sida la sheego loo sameeyey in dadweynaha ay metaal adeegyada muhiimka ah gaarsiiyaan sida caafimaadka, waxbarashada, nadaafada iyo fayo dhawrka, suggidda amniga, biyo nadiif ah, koronto joogto ah iwm waxay ku soo ururtay af keliya, dawlad baan nahay iwm. Hadii wax uun adeeg ahna la helo waxay ku baxdaa iyada oo la isticmaalayo eex, musuq maasuq iwm.

Waxaan oran karnaa  maamuladda hada dalka ka jira  waxaa hareeyay tayo xumo, cadaalad daro, amni xumo, kala danbayn la’aan iwm.

 Hurumar wuxuu ka bilowdaa ka hortaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, ilaalinta sharciga, baabi’inta eexda iyo qof jeclaysiga, isla xisaabtan dhab ah iwm. Hadaadan intaa midna hayn, dawladnimo kaa fog kaana dheer.

Adeegyada kala ah Cadaaladda, Caafimaadka,  Waxbarashada iwm xagee ka joognaa?

Cadaaladda.

Cadaalad sideedaba waxay ku soo ururtaa in sharciga loo sinaado, aysanna jirin cid sharciga ka weyn ama ka saraysa. Qof kasta waa inuu adeecaa sharciga dalka isla markaasna  sharcigu yahay mid siman oo ka fog waxyaalaha jebiya cadaalada sida eexda, qabyaalada, musuq maasuqa iwm.

 Lama heli karo cadaalad hadii kii cadaalada laga filayey  uu yahay kan asagu aabaha iyo hooyada ka ah wax isdaba marinta, musuq maasuqa, eexda, qabyaalada, sharci jebinta iyo caburinta cid kasta oo tilmaanta waxa khaldan  iyo cadaalad darada markaas jirta. 

Cadaaladdu waa inay tahay mid baahsan oo gaar siisan magaalo iyo miyi,  waana in qof walba dareemaa cadaalad iyo sinaan, cadaaladna kuma timaado af laga sheegto ee waxay ku timaadaa in la arko iyada oo shaqeynaysa  dadweynuhuna ku qancaan cida sharciga fulinaysa inay cadaalad ku dhaqmayso kuna hogaaminayso.

Akhristow waxaa jira dad iyagu u bartay cadaalad darada lana qabsaday isla markaasna laga yaabo inay  moodaan habka ay ku dhex nool yihiin ama dawladda ay ka tirsan yihiin inay cadaalad fasho. Waayo, waxaad arkaysaa iyada oo cadaalad daro baahsani jirto dad difaacaya cadaalad darada oo leh waa dawlad-deeni, yaan wax laga sheegin, yaan la dumin iwm.

Dadkani waxay la qabsadeen ama xoogaa ka helaan habka cadaalad darada ku dhisan ee ay ku dhex noolyihiin sidaa awgeed waxay moodayaan hadii cadaalad timaado in iyaga wax ka dhumayaan ama ka ba’ayaan, taasna waa fikir khaldan oo inta badan kuwa xukunka dulmiga haya  ay ka faa;iideystaan si ay u sii wadaan dulmigooda iyo musuq maasuqa.
“Anaa iri ee hala yeelo iyo cadaalad isku meel ma galaan”. 

Caafimaadka

Waxaan ognahay in caafimaadku yahay shay muhiim u ah nidaamka dawladnimo iyo bad baadada ummadda Soomaaliyeed iyo horumarkooda. 

Dawlad waxay mas’uul ka tahay bad baadada dadka iyo dalka, waxaana waajib ku ah inay ilaaliso caafimaadka dadweynaha  kana ilaaliso cid kasta oo dhib u geysanaysa.  Waxaa waajib ku ah dawladda inay maamul tayeysan u samayso kuwa ku hawlan hawlaha caafimaadka hadiiba uu yahay caafimaadku mid ku salaysan khaas (private health service) ama mid guudba (government provided health service).

Wadamada caalamku way ku kala duwan yihiin sida caafimaadka noocyadiisa kala duwan loo hirgeliyo. Waxaa jira wadamo caafimaadku guud ahaan bilaash yahay sida dalka Ingiriiska, Faransiiska, Germany,  Canada, Talyaaniga, Singapore, Kuuba,  halka wadamada qaarkood uu yahay lacag ama habka caamiska ku salaysan  sida Maraykanka iwm.

Dalkeena Soomaaliya wuxuu caan ku ahaa in magaalo walba iyo degmo walba ay lahayd xarumo caafimaad ayna ka hawl geli jireen dhakhaatiir iyo shaqaale caafimaad oo tababaran dadweynahana lagu siin jiray lacag la’aan.  

Dhamaan adeeggii caafimaadka ee bilaashka ahaa wuxuu la  burburay dawladdii Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1991. Wixii intaa ka danbeeyey waxay noqotay Soomaaliya guud ahaan goob ninkii doona uu yiraahdo dhakhtar baan ahay uuna furto goobo uu ku sheego xarumo caafimaad dadkana lacagta kaga gurto iyada oo aan cidna hubin adeegga ay bixinayso inuu yahay mid waa faqsan nidaamka caalamiga ah ee bixinta caafimaadka iyo daweynta dadka.

Waxaan qirayaa in dad badan ay fureen xarumo caafimaad oo tayo leh burburkii ka dib balse ay dhinac socdeen kuwa kale oo farabadan oo dad aan xirfad caafimaad lahayn ay furteen dadkana lagu dhibaateeyey ilaa hadana jira.

Balse waxaa guud ahaan meesha ka maqan sharciyeynta iyo ilaalinta bixinta adeegga caafimaadka iyo cidda bixinaysa, baarista iyo dhawrista tayada daawada dalka soo gasha taas oo ah shaqada dawlad mas’uuliyaddeeda gudanaysa ee aan ahayn magac u yaal keliya.

Maxaa hor taagan akhristow, in maamuladda dalka ka jira ay hirgeliyaan nidaam caafimaad oo tayo leh  maadaama ay iyagu yihiin kuwa mas’uulka ka ah dhawrista xaalada caafimaad ee dadka ay dawladda u yihiin ama ay metalaan.

War dhafoor buu ku yaal ” xaalada caafimaad iyo caafimaad bixinta ee dalkeena waan wada aragnaa waana wada ognahay..

Waxbarashada

Sida caafimaadku u ahaa bilaash dalka Soomaaliya oo dhan xiligii ay jirtay dawladdii burburka ka hor ayaa waxbarashaduna u ahayd bilaash. Magaalo iyo deegaan kasta oo Soomaaliyeed wuxuu lahaa ama lahayd iskuulo iyo xarumo waxbarasho oo tayo leh kuwaas oo dadweynaha dhamaan kawada faa’iideysan jireen (universal education system) si bilaash ah, mana jirin cid ka qaday ee waa loo wadasinaa.

Wixii burburka ka danbeeyey waxay noqotay jaantaa rogan iyo in dad ganacsi u furtaan iskuulo iyo jaamacado waxbarasho oo heerar kala duwan leh.  In yar ayaa awood u leh inay waxbarashada noocaas ah ka faa’iideysato dadka Soomaalida, intaa yarina waxaa hubaal ah inaysan helin waxbarasho tayo leh lana socon karta caalamka intiisa kale.

Waxaa caalamka oo dhan laysku raacay in waxbarashadu tahay sheyga keliya ee dad iyo dal ku hor maraan kagana hor maraan asaagood. Waxaa sidoo kale laysku raacay inay lagama maarmaan tahay ugu yaraan in waxbarashada asaasiga bilaash noqoto si markaas dhalaanka oo dhan u helaan waxbarashada asaasiga ah kana soo bilaabata galaaska 1aad ilaa 12aad iwm.  

Akhristow Soomaaliya matahay dal arinkaa u qumay una fududeeyey dhalaankeeda inay waxbarashada asaasiga helaan iyada oo bilaash ah goob kasta iyo meel kasta sida caalamka kaleba ka jirta ama dalku ahaan jiray ka hor burburkii nagu dhacay? Jawaabtu waa maya.

Nidaamka dawligu wuxuu sidoo kale farayaa in la ilaalsho tayada waxbarashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed mana aha inay noqoto meel laga dukaamaysto waayo waxabarashadu waa meesha  soo saarta  mustaqbalka dadka iyo dalka, sidaa awgeed waa inay jiraan hay’addo dawli oo ilaasha ama kontoroola tayada waxbarashada  guud ahaan iyo gaar ahaan macalimiinta wax dhigaysa, goobta wax lagu baranayo, nidaamka iskuulka ka jira, anshaxa iskuulka , iwm.

Cabashooyinka ugu badan ee ka jira goobaha waxbarashada dalka Soomaaliya waxa weeye xaga tayada iyo iyada oo qaali ah marka loo eego dadweynaha Soomaaliyeed oo ah badankood sabool ah .

Ilaalinta tayada waxbarashada waxaa mas’uul ka ah maamulka markaas ka jira magaalada ama deegaanka amase maamul goboleedka sida hada dalkeenu u dhisan yahayna iyaga ayaa laga rabaa inay ilaaliyaan tayada waxbarasho iyo in ay meel mariyaan in wiil  iyo gabar kasta oo Soomaaliyeed ay hesho fursad waxbarasho oo bilaash ah.

Ugu danbayn akhristow bal qodobada asaasiga ah ee aan kor ku xusnay  sidee ayey uga jiraan maamulada kala duwan ee dalka Soomaaliya ka jira sida Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeele, Koonfur galbeed iyo Somaliland. Bal adigu qiimee dhinacyada cadaalada, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan nidaamka ka jira goobahaas ahna guud ahaan Soomaaliya.

Dawladda Federaalka iyada waxaa laga doonayaa hab siyaasadeedka arimahaas balse fulinta iyo dhaqan gelinta inta badan waxaa arimahaas aan ka hadalnay laga doonayaa maamul goboleedyada dalka ka jira inay meel mariyaan oo fuliyaan.  

Maxaynu  ka haynaa hab dawladeedka marka laga tago afka iyo waxaan nahay dawlad inaan dhahno mooyee?.. Dawladnimo afka lagama noqdo ee waa dhaqan gelin, maamulid iyo adeeg bixin joogta ah dhinac kastana taabanaysa.

  Qayb ta 2aad  la soco:
Qore: Siyaad Cali Yuusuf
Garoowe, Puntland, Soomaaliya.